Dad si gooni gooni ah loogu dilay gobolka Sanaag
Posted: Tue Apr 10, 2007 7:33 am
Inta laga war hayo ilaa sadex qof ayaa dhimatay, deegaanka darar Weyne ee oo ka tirsan gobolka Salaang.
Rasaas lagu lagu furay dad saarnaa gaari booyad ah oo la sheegay inuu siday shidaal aan sharci daro ah ayaa waxaa ku dhintay laba gof, waxaana shilkaasi ka dhacay bar kantrool oo ku taal tuulada Darar weyne.
Taliyaha ciidanka booliiska isla tuulada Dararweyne ayaa sheegay sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii dilka geystey.
Waxaa iyana sidoo kale isla deegaanka lagu dilay hal qof oo la sheegay in dilkiisu daba socdo dadkii gaariga booyada ah ku geeriyooday, taasi oo loo malaynayo inay aano tahay.
Shilkaan ayaa ku soo beegmay goor halkaas ay ka taagantahay xiisad u dhexaysa labada maamul ee Puntland iyo Soomaaliland, taasi oo keentay in shalay halkaas uu ka dhaco dagaal lay isu adeegsaday hubkna noocyadiisa kala duwan.