BREAKING NEWS Cismaan Caato goes to Muqdisho...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS Cismaan Caato goes to Muqdisho...

Post by Hiiraan boy »

Warar Laga helay ilo muhim ah ayaa xaqiijinaya imaatinka xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato magaalada Muqdisho oo ay xiligaan ka hursan yihiin dagaalo qaraar oo u dhexeeya Ciidamada milltariga dowladda Itoobiya iyo Kooxaha Kacdoonka ka wada Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Xildhibaan Caato oo Waayihii ugu dambeeyay la sheegay inuu ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Baarlamanka dowladda Embagathi ayaa haatan soo gaaray Caasimada Soomaaliya Muqdisho iyadoo warar ka qaar sheegayaan in uu halkaasi uga yimaaday fasax uu ka helay Ssariikisha Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ma jiraan warar intaasi dheer oo ka hadlaya Safarka qarsoodida ah ee Xildhibaan Caato uu ku yimid magalaada Muqdisho iyadoo warar si hoose lagu helay ay sheegayaan in aanay jirin cid u fasaxday tagista magaalada Muqdisho, waxase jirara hadalo hoose oo waa yahayn dambe la waday kuwaas oo sheegaya imaatinka caato Muqdisho ay ka dambeysay ka dib dalabaad uga yimid dhinaca odayaasha Hawiye oo haatan wadahadal uga socdo iyaga iyo Saraakiisha ugu sar sarysa Ciidamada Itoobiyaanka.
Xildhibaan Cismaan xasan Cali Caato ayaa ka mid ahaa Hogaamiyeyaashii Muqdisho mudada dheer isku horfadhiyay isagoo markii dambe noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Dowladda Embagathi, waxana waa yihii ugu dambeeyay lagu xasuustaa sida uu taageerada u sii sayay Golihii Maxaakiimta Islaamiga ee Amaanka Caasimada Hantay muda ku siman 6 bilood.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: BREAKING NEWS Cismaan Caato goes to Muqdisho...

Post by AbdiWahab252 »

Caato is finished politically.

Awowe should quit & move to Hobyo to retire.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”