"Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

"Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by XidigtaJSL »

“Dulqaadashadoodu Shuqul kuma Lahaa Inaanad Dalkaaga Daafacan Ee taa Waxa La yidhaahda Baqdin Iyo Isdhiib Hadii dalkaaga la……….”Axmed Siilaanyo

--------------------------------------------------------------------------------



(Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo)
hadhwanaag 2007-04-10 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN): Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maamuud [Siilaanyo] ayaa shaaca ka qaaday inay waajib tahay in dalka iyo shacbiga la difaaco, isla markaana talaabo kasta oo ay dawlladu qaado ay ku taageersan yihiin.
Md, Siilaanyo waxa uu sidaa uu ku sheegay shirjaraa’iid oo uu Maanta xafiiskiisa ku qabtay, waxaanu xusay xubnaha weftiga Somailand ee ku sugan Bariga Sanaag inaanay u tagin dulaan iyo dagaal, balse ay u tageen inay mashaariic horumarineed ka soo Fuliyaan.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] waxa uu ugu horeynba ku bilaabay shirkiisa jaraa’id oo uu yidhi “Arrinta shalay [doraad] ka dhacday Bariga Sanaag ee dhibaatada iyo waxyeelada ay gaadhsiisay dadka Somaliland iyo cidii kale ee shacbiga ee ay wax ku gaadheen aad iyo aad ayaanu uga xunahay. Somaliland waxay shacabi iyo qaranba ku dhisnayd ama ku dhisan tahay mabaadii’i ah wada noolaansho, nabadeyn, isfaham iyo degenaasho gobolka oodhan, waxay marwalba tusaale u tahay taariikhdana ku gashay duniduna ku qiimeysaa degenaashaha iyo xasiloonida ay gudaha dalkeeda ka sameysay, dalalka jaarkaana kula nooshahay iyo mowqifka ay ka qaadato wax alla wixii waxyeelaya degenaashaha gobolka gobolka, Mowqifka aanu marwalba iska taagnaana arrimhaas oo dhan wax walba nabadgelyo iyo xasilooni ha lagu dhameeyo”
Gudoomiyaha xibiga mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo kaga sanqadhiyey hadii dalka dibada laga soo weeraro inay waajib tahay in la difaaco. “Waxa shacbiga reer Somaliland dawlladiisa iyo ummadiisa oo dhan ku waajiba hadii dalka dibada lagaga soo duulo oo waxyeelo loo geysto inuu isdaafaco ” ayuu yidhi
Md, Siilaanyo Waxa uu sheegay inaanu ahayn Gobolka Puntland mid jirey wakhtiyadii hore, balse uu yahay mid dhawaan la abuurey isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Puntland waxa uu ahaa magac taariikhda masaaridii quruumihii hore ay u bixisay gobol guud oo dhulkan aynu degen nahay [Somaliland] ku jiro oo Ereteriya qaar kaga jiro oo ahaa dhulkii beenyadu ka bixi jirtay. Gobol dhisnaa oo jira muu ahayn waa gobol dhawaaan la abuurey.”
Waxa Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo tilmaamay inay markasta ku guubaabin jireen Maamul Goboleedka Puntland inaanay xuduudi Somaliland ee taariikhiga aanay soo dhaafin “ Inaanay noo soo dhaafin [Puntland] xuduudi Caalamiga ahayd ee ay Somaliland lahaan jirtay ee ilaa wakhtigii guumeysiga jiray.” Ayuu yidhi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “ Wakhtigii ay SNM dalka [Somaliland] xoreysay marnaba may sameyn inay xuduudeeda dhaafto ama ay isku deydo iyada oo wakhtigaa awooda la hayd, waayo waxa jiray xuduud la ictiraafsanaa oo calaamadsan duniduna ogeyd.”
Md, Axmed Siilaanyo waxa carabaabay inay Xukuumada Somaliland marnaba ku talo jirin inaanay xudeeda la yaqaano ka gudbin “Hadii ciidamada Somaliland ay ka talaabsadaan [Xuduuda Somaliland] waa mid aanu ka garaabi karno. Waxaanu jeclaan lahayn gobol ha ahaadeen ama qeyb ka mida dawllada Soomaaliya ka mida ha ahaadeen waxaanu jecelnahay Soomaaliya caamahaanteed iyo Gobolka Puntland la baxay taariikhda magacyada kala duwan lahaan jirey inaanu xuduudi inaga dhaxeysay inaan la isku soo dhaafin. Anagu hadaanu nahay Somaliland kuma talo jirno inaanu xuduuda ka gudubno.” Ayuu yidhi

Waxa uu Siilaanyo farta ku fiiqay inaanay xubnihii Weftigii Somaliland ee isugu jiray Xukuumada iyo Barlamaanka inaanay deegaankaasi u tagin duulaan iyo colaad, balse ay u tageen inay mashaariic horumarineed ka soo fuliyaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Xubnahan ka tirsan dawllada iyo Barlamaanka Somaliland oo weliba ah xubno deegaankaas u dhashay meesha daandaansi colaad iyo duulaan umay tagin ee waxay u tageena waxa uu ahaa inay u soo qabtaan oo mashaariic horumarineed ka soo fuliyaan si gobolka iyo dadku horumar u sameeyaan”
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay garowsan Karin xubnihii ka tirsana weftiga Somaliland ee jiidaasi tagay in dagaal iyo colaad lagu soo qaado “Waxa keenay in ciidan lagu soo kiciyo duulaan iyo guluf lagu soo qaado waa mid aanan garowsan Karin” ayuu yidhi
Waxa uu gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye cadeeyey mowqifka xisbigiisu ka taagan yahay dagaalka u dhaxeeya Maamulka majeerteeniya iyo Dawlada Somaliland “ Halkan waxaan ka cadeynaynaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga [KULMIYE] mowqifka dawllada iyo shacbigu ka tagan yahay aanu ka taaganay, hadii dadka reer Somaliland gudihiisa dhibaato ku kala dhex dhacdo in wada hadal iyo is afgarasho lagu dhameeyo”.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Siilaanyo waxa carabka ku adkeeyey inay Xisbi ahaan dawlada ku taageersan yihiin wixii ay dalka iyo dadkaba ku difaacayso, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Wixii talaabo ay dawlladu qaadayso ee ummada daafacaadeeda ah waanu isku garab taageynaa [KULMIYE] oo gacan buuxda ayaanu siinaynaa oo hawsha si buuxda ayaanu ula galaynaa .”

Intaa ka dib waxay weriyaashu su’aalo weydiiyeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Mar la weydiiyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Su’aal ahayd, mar uu shalay [doraad] Wasiirka warfaafintu ka hadlayey BBC-da goboladan Bariga Sanaag iyo Sool ay isir beeleed ku fadhiyaan oo ay ku abtirsadaan dadka kale oo ay khalad tahay inay Somaliland Soo farageliso? Waxa uu ku jawaabay “C/laahi Yuusuf inuu Madaxweynaha Soomalaiya uu noqdo maxaa lagu doortay, hadii la yidhaahdo xuduud iyo dalka la eegi maayo ee isir ayaa la eegayaa su’aalaad badan ayaa ayaa imanayaa oo cid walba meeshay isirka u la hayd ha tagto.”
Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Gudoomiye Markasta oo Xukuumada la soo weeraray waxay tidhaahdaa waanu dulqaadanaynaa? Waxa uu ku jawaabay “Waxay ila tahay dulqaadashadoodu shuqul kuma lahaa inaanad dalkaaga daafacan ee taa waxa la yidhaahda baqdin iyo isdhiib hadii dalkaaga la soo weeraro doo aad difaacanweydo maaha dulqaad”.


Weriye ,Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: "Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by AbdiWahab252 »

Still no statement against the Afbiijo regime from Riyaale & UDUB Shocked
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: "Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by XidigtaJSL »

UCID and KULMIYE both opposition party leaders released statements condeming Afbiijo, the Somaliland people housed many refugees from Mogadishu, Somaliland community in UK and CCANADA are raising funds for the Hawiye in Xamar. What else do you want from the people of Somaliland Abdiwahaabow? Fix up, first recognise Somaliland and then we can help you further, but, unless you drop this"Somaliland is part of Somalia" we are going no where

www.hadhwaangnews.com
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Re: "Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by XidigtaJSL »

MUJAAHID XASAN CIISE OO SI KULUL UGA HADLAY DAGAALKII DHAHAR KA DHACAY

--------------------------------------------------------------------------------



Guddoomiyaha Ururka SNM (Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, )
hadhwanaag 2007-04-10 (Hadhwanaagnews) Guddoomiyaha Ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maleyshiyada la magac baxdey Puntland arooryadii hore ee shalay ku soo qaadeen magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland....


Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ku baaqay in iyada oo la isku duubanyahay dawlad iyo shacbiba farriin digniin ah oo loo diro Maamul goboleedka Puntland, waxaanu soo jeediyay in tallaabo kasta oo jawaab lagaga bixinayo gardarada Puntland lagu galo tallo qaran.
“Tallaabada Puntland ku soo weerartay Somaliland, waa gardaro weliba fool xun. Waa in loo diraa digniin culus oo dawladu u dirtaa, magaca SNM-na waanu ugu diraynaa. Haddii aanay Puntland ixtiraamin oo aanay ictiraafin xuduuda Somaliland, iyadana jiritaankeeda la ixtiraafmi maayo, haddii ay taas ku adkaysatana iyaday u darantay oo wax ku waayi doona. Haddii uu dagaal dhacana ma qabo inuu Somaliland ka dhici doono ee waxaan aaminsanahay inuu ka dhici doono gudaha Puntland. Laga yeeli maayo dhallinyaradayadii Xamar ayaanu u diraynaa gobolada Somaliland-na waxaanu keenaynaa ciidamo Itoobiyaan ah, taasna waa inay hadalkeeda daayaan.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Mujaahid Xasan, waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in tallaabo kasta oo loogu jawaabayo Puntland ay noqoto mid lagu gallo tallo qaran, waxaanu yidhi, “Xuskii aasaaskii SNM ee ugu dambeeyay, waxaan ka sheegay tallo aan in badan hore ugu talliyay oo ahayd marxaladan Somaliland ee ictiraaf la’aanta iyo dhaqaale la’aanta ahi waxay la qiimo tahay marxalad dagaal. Marka ay umadi gasho xaalad noocaas ah oo u dhiganta dagaal, tallada waa la mideeyaa oo dawlad qaran ayaa la sameeyaa ee dawlad xisbi lama sameeyo. Ina Cigaal Alle ha u naxariiste oo jooga ayaan soo jeediyay oo aan idhi marxaladaha noocaas ah dawlad xisbi lagama bixi karo ee dawlad qaran ayaa lagaga bixi karaa, xukuumadda ayay tahay inay tidhaahdo aynu dhinac u jeedno oo markaynu umadda dhibaatadan ka saarno aan xisbiyo isu qaybino. Imikana haddii uu dagaal bilaabmay kaba sii daran oo tallo qaran ayaa lagaga bixi karaa, waa in umadda taladeeda la mideeyaa, waxanu xilkeedu saaranyahay hoggaanka maalintaas jooga, taasna waa laga sugayaa…qorshe inay arrinta u sameeyaan oo ay qaranimada wadanka difaacaan waa mid laga sugayo. Doorashooyinkii waa kuwan qaar socda, hoggaanka maantu haddii uu xiisaynayo oo uu doorasho iyo ku soo noqosho dan ka leeyahay waa lala xisaabtamayaa , marka lala xisaabtamo dee waa laga doonayaa qaybtii bari ee uu ciidanka ka soo saaray ee inaga maqan oo waa lagula xisaabtamayaa. Markaas waa in hoggaankan maanta jira laga helo jawaab umadda qancisa, haddii dagaal dhacayna kaba sii daran oo waa laga rabaa inay umadda u hoggaamiyaan sidii loo heli lahaa wadankii oo dhammaystiran.”

SOURCE: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA...
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: "Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by AbdiWahab252 »

Who strongly advocates for unity the most ?

Not Hawiye,

My cousins will not be living in another nation Laughing

UDUB & Riyaale are very quite.

I am well aware of the statements of Mudane Si.ilanyo & Mudane Warabe.

All help by Somaliland is appreciated because we are brotherly peoples.

Did you know my family used to contribute to SNM before the USC was formed ?
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: "Dulqaadashadoodu shuqul kuma laha Inaanaad Dalkaaga Difaac

Post by kambuli »

Maxaad kele ee sugeysaa Cabdi wahaabow, orda oo shuf iska dhiga...Waa idin sidee waa inayna Xamar degin hal maalin...annana garab iyo gaashaan ayaan idiin nahay... Go we gave you green light..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”