Bariga Sanaag Oo U Muuqata Meel Dagaal Lama Huraan Yahay
Posted: Tue Apr 10, 2007 5:33 pm
Bariga Sanaag Oo U Muuqata Meel Dagaal Lama Huraan Yahay
Erigabo, Somaliland — 10 April, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Ceerigaabo – Xaaladda deegaanka Dhahar ee Bariga Sanaag ayaa deggan ilaa shalay, kadib dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland. Hase yeeshee, waxa deegaankaas laga soo sheegay dhaqdhaqaaq ciidan oo laxaad leh.
Wasiirro door ah oo ka tirsan Somaliland ayaa ku sugan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in ay shirar iyo wadatashi albaabadu u xidhan yihiin ay ku jireen ilaa maanta. Isla markaana waxa gaadhey magaalada Ceerigaabo iyo deegaamada bariga ka xiga ciidamo iyo tikniko xoog leh oo ka tegey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Waxayna wararku ishaarayaan in xaaladda magaalada Ceerigaabo iyo xoojinta ciidamada Somaliland ee gaadhey halkaasi ay u muuqato in dagaal uu lama huraan yahay.
Saraakiil Milateri oo jooga Ceerigaabo ayaa iyaguna u sheegay Somaliland.org in ilaa saddex aag oo bariga iyo Koonfurta Ceerigaabo ah ay ku wajahan yihiin ciidamo laxaad leh oo Somaliland ah, dagaalna aan laga fursanayn.
Qof jooga magaalada Burco ayaa u sheegay Somaliland.org inay dhaafeen tikniko iyo ciidan fara badan oo u sii jeeda dhinaca Bariga xalay, waxana uu sheegay inuu arkay isagu kolanyo ilaa 16 gaadhi oo tikniko ah.