Muqdisho: Ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Muqdisho oo
Posted: Tue Apr 10, 2007 10:01 pm
Muqdisho: Ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Muqdisho oo bilaabay iney gargaaraan shacabka Soomaaliyeed
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda ururka Midowga Afrika ayaa bilaabay iney howlo lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ka fuliyaan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.
Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ayaa maalintii labaad howlo gargaar biyo qeybin ah ka fuliyay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan, agagaarka Kuliyadii hore ee Beeraha iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo ka cararay dagaaladii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dhowr booyadood oo ay ku jireen biyo nadiif ah ayaa la gaarsiiyay dadka ku nool halkaasi oo ah meelo geedo hoostood ah iyadoo aysan jirin aqalo ama cooshada halkaasi ku yaala waxayna dadku ay tuban yihiin geedaha hoostooda.
Dadkan ayaa waxaa heysta dhibaatooyin xaga nolsho ah iyadoo ay ugu weyn tahay hoy la'aan biyo la'aan iyo cuno, hase ahaatee hey'adaha samafalka ee wadaniga ayaa maalmahan deeqo lagu gargaarayey ka fulinayey deegaanada Xaawo Cabdi iyo Jaamacaddii hore ee Lafoole.
Mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamada AMISOM ay howl lagu gargaar ah ay gaarsiiyaan dadka ka barakacay Muqdisho.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho