Cismaan Xasan Cali (Caato)

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by Karbaash_killa »

Cismaan Xasan Cali ( Caato) Amaan iyo Caay Cidna Ugama Baahna

Ficilkuna Wuxuu Dhawaaqaa Mid ka weyn Sawaxanka iyo Qeylada


--------------------------------------------------------------------------------

--------------------------------------------------------------------------------

Abtidoon Baahalow - Province of Quebec, Canada.
Akhristayaalow waa iga su'aalee Weli ma aragteen Doqon lagu dhagan yahay oo dabada la heysto, ama caana ma daadshe la leeyahay Walaahi waa yahay nin Baahal dhalay, Gablan waa ku nin karmeed nimadaas?, hadaan Isku jawaabo anigu sidii Nin waalan Jawaabteydu waa Maya!

Saqiirka yarka ah ee Reer Siigaale hadaad warsato Sawirkan ina Baahalow soo saaray meeshaan waa kuma waxay ila tahay inuu kaaga jawaabayo waa Cismaan Caato, macnaheeduna maaha in Saqiirkaasi Cismaan Dhalasho wadaagaan ee Dhagihiisa ayay ka bateen tan iyo maalintii uu dhashay oo uu maqlaayay dad badan oo ku kor adimaya dhagihiisa Cismaan Caataa saas yeelay, Cismaan Caataa Gantaalkaas soo gamay iyo Hadalo badan oo macna saas ah sameyneen, sababtooy ku tahay isagu tira badanaa meeqa waaye waaba yaabnee!

Waxaan nasiib u yeeshay inaan Goob joog Xamar ku ahaa oo aan Cidina iiga sheekeyneyn markii Cismaan Xasan Cali Caato Halganka lagu xidida siibayay Kaligii taliyihii Ilaahiis ka furtay ee Maxamed Siyaad Barre, uu ka bilaabay Muqdisho isagoo ku sugan Muqdisho, waxaa la arki jiray nin halgankiisa la aado dhul shisheeye iyo dal aan cadow nahaysida Xabashida laakiin Taariikhda Soomaalida ma dhicin Cismaan Hortiis nin halgan aan gabasho laheyn ka bilaabay Gudaha Waddanka Xilli Kaligii taliyihii ILka weyne waxaan ula jeedaa Af weynee uu Xasuuq ku bilaabay Beesha aan aniga iyo Cismaan Caato ka dhalanay ee Saca, isagoo Afweyne adeegsanayo Daris naareedka sidii habar Carmal ah la soo cara celiyay oo Itoobiya Injirta ku soo gashay Gabdhahoodana ay ku baxaday Qisadii Buraashadleey (Buug baan ka qoray magaciisa la iraahdo Buraashadleey iyo Baraxleey maxaa kala qabsaday).

Beeni waa Sheey Xaaraan ah Afweyne markii tala seegga ku dhacday khaatumadiina ka luntay waxay aheyd markii uu soo dhaweystay ragii Cadowga Amxaarada inta u galay dalku ku hayay duulaanka joogtada ah , kuwii ka difaacayay oo sutida u hayay bootadoodiina beentiin waaya dhahaayay ka dhigay kuwa uu xabsiga dhigay iyo kuwa uu xasuuqay, Xilliga aan ka hadlayaa ma jirin Sarkaal Sacad oo ka dhiidhiyay xasuuqa loo geysanayo Maatida Beesha Sacad oo ay geysanayeen daris Naareedka Gabdhahooda iyo hooyooyinkooda la fuuliyay Askar af weyne iyo Cali Samatar si gaar ah u xuleen.

Cismaan Xasan Cali Caato Dambigiisa Adduun iyo Aakhiro Allaha dhaafee wuxuu noqday Shakhsi go'aansaday inuu dadkiisa ka badbaadiyo Doofaarka hadda Bakhtiyay ee Xasuuqa naxariis darrada ah u geysanayay Maatida Beesha Sacad, Isagoo Bilaabay inuu Hub Culus, mid Fudud , Rasaas iyo Raashin u daadgureeyo Goobaha Xasuuqu ka dhacayeen weliba raacinayay Boorso lacag ah Gaadiidkii lagu daadgureynayay oo koontarool walba kuus lacag ah lagu aamusinayay, waxaana aan ka qeyb qaatay dhowr mission oo noocaas ah oo aan anigu u fadhiistay Shirka Baabuurkii hubka iyo daawada siday Gacan ka hadal lacageedna aan sameynayay iyadoo markii ay is warsadaan Koofiyad castu doofaar yahaow qolomaad tahay aan ugu jawaabayay Gendershe ganacsada ah, maxaad sidaa markii la dhana Sisin iyo Sariir (Saliid) Macsaro iyadoo dhanka kale uu marduufyo jaad ah hurgufayay Darawalkii aan mission kaas isla galnay Xasan Caamir isaga iyo Intii taqaanaa ayaa marqaati iiga ah.

Cismaan Intaas kuma koobnaan wuxuu dhiiri galin jiray Wiilasha Jufada uu ka dhashay oo Tababarka culus ku soo qaatay Xeradii Laan waaleey uu wax ku bari jiray Colonel Cabdi Sheekh Xuseen (Carabeey) iney u istaagaan Daafaca iyo badbaadinta Maatadooda iyo Caruurtooda oo Daris Naareedka iyo Daalimka Afweyne u heshiiyeen iney Xasuuqaan, wuxuu sidoo kale Dhiiri galin jiray Saraakiisha Sar sare ee Jufada uu ka dhashay ee Reer Hilowle iney Goobta inta tagaan hogaanka u qabtaan dagaalka xaqa ah ee Daalimiinta lagula jiro, waxaana nasiib wabnaag ah in Saraakiil badan oo Beesha reer Hilowle oo Ilaah garashasiiyay ay goobaha tagaan Kaalin wax ku ool ahna ka qaataanwaxaana ka mid ahaa Gaashaanle Sare Hobyo Naxariistii Janno Allaha Siiyee oo ku shahiiday dagaaladaas lagu badbaadinayay maatida iyo rayaydka Beesha Sacad, Waxaa kaloo ka mid ahaa Gaashaanle Sare Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo isagoo heli karay nolosha Qurbaha Yiri Walaan Daroogada Afweyne iyo Dhafooro Qiiqda Majeerteen iyo Wax ma gaeratada yaahida ah ee ay adeegsanyeen Dadkeyga ku amar ku taagleyneeyn oo Qoriga Qaatay hogaankiina u qabtay Xaq u dirir afweyne kula dagaala dalka gudihiisa kiisii u horeeyay Ilaahna Garab ku siiyay Baab'iyayna Ciidamadii daroogo ee Afweyne ku dhaaran jiray dhafooro qiiqna u sheegay iney Korsadaan Jiilka cusub ee u dhashay ee ku abtirsada makandhaha iyo Maroor dhurwaaga ( Waa tarantii Buraashadleey) Buuggeygaad si fiican kaga bogan doontaan hadii allaha Awoodda Leh Raali ka noqdo.

Waxaa Mucjisa ah in Cismaan Xasan Cali Caato uu si aan qarsoodi laheyn oo aan gabasho laheyn ku sii waday dagaalka iyadoo uu ka war haayay Afweynihii Daalimka ahaa ee Xasuuqa u qoray Maatida iyo Caruurta Reer Sacad ee Waxba galabsan, iyadoo raggii markaas wasiirada ahaa ee ku abtirsanayay Beesha Sacad loo adeegsanayay iney wax yeeleyaan halganka lagu badbaadinayay maatida Reer Sacad kuwii Jananada uu siiyay afweynena Afkoodii Juuqdaba Gabay oo aad moodo in Tahliil Sixir ah la cabsiiyay.

Maata leyskii Afweyne wuxuu markii Xanuunkii Dilkii Daalimkii Maata xasuuqa badnaa ee Dhaga baceyr (oo uu Madaxa ka toogtay askari ka mid ahaa Ciidankii Col. Cabdi Qeybdiid) isku dayay inuu Xiro Cismaan Xasan Cali Caato, Waxaase Amakaag iyo Yaab argagax xambaarsan ku noqotay markii dowladda Mareykanku Afweyne ku eedeysay inuu si xaq darra ag u xiray Muwaadin mareykan ah ayna amrayaan inuu si deg deg ah u sii daayo, Filan waa iyo Feera dilaac ayay ku noqotay ninkan indha adeegiisu gaarsiiyay inuu halgan hubeysan kula galo ciidankiisii isaga oo jooga gudaha dalka, waxaana halkaas ka sii xoogeystay halgankii Xaq u dirirka uu bilaabay Halyeey Cismaan Xasan Cali Caato.

Wixii intaas ka dambeysay oo ku beegneyd dhamaadkii 1986dii waddanka waan iskaga soo tagay, waxaase aad ii soo siin jiray Up date ka Raggeygii Beesha Reer Sacad ee Reer siigaale Hoggaankana uu u hayay Cabdiraxmaan Garweyne(Dhamuuke) oo ahaa Cayaartooy Dalka oo dhan Caan ka ahaa una safan jiray Kooxda Sancada Odayna ka ahaa Xaafadda Siigaale arintii Murgooto oo Xal loo waayana ahaa midka gabagabeeya , taasi oo uu ku muteystay magaca ah Dhamuuke Oday,

Dhamuuke ayuuna ahaa ninka Madaxa ii galiyay Mudug oo Aabahey uusan weligiis tagin inaan Hub iyo Rasaas u qaado isagoo i geeyay Garaashka Cismaan Caato oo Central Command u ahaa Halganka Mudug ka socday, Dagaalaadii ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa : Dagaalkii Dhuumoodle Khidada in la adeegsado Ari carbeed Mushaani ku dhashay oo Sacad Sheeganaayana uu isagu iska lahaa Sisinta iyo Saliid macsaradana Fikirkeeda anigaa iska lahaa.

Intaas hore oo dhan Aaraartii ina baahalow dhe, haddeerna hadiin dulucda maqaalkeyga u soo daadago, Cismaan Caato Ama Jeclow Ama necbow Dad buu ka dhashay Dadkiisaana Jecel, Markey dhiida Gaartana oo dagaalku soo qaraaraadana inta Neceb ayaa u soo cabata oo u duceysa.

Waxaa iigu qosol Badnaa Qiso uu ii soo Tabiyay nin aan aad u sharfo kana mid ahaa dhalinyaradii Siigaale nagu soo bar baarisay ahaana ninka aan kala balamay inuu ii ogaado Gabadhii aan Jaceylka ku soo Gardaadshay ee Seebow Ceelow iyo dhamaan Reer Ceelow madaxood Allaha Raajiyee, Ninkaasi odayga ah wuxuu Caan ka ahaa Xaafadda Siigaale iyo agagaarkeeda Waana nin aad taageere Weyn ugu ahaa Kooxda Muqdisho ama Municipio loo yiqiin magaciisana la oran jiray Ina Tima cadde laakiin Reer Siigaale u yiqiiniin Tima Cadde, oo aniga xitaa aanan magaciisa Koowaad aqoon laakiin uu ii ahaa walaal iga weyn.

Wuxuu Sheekadiisii iiga bilaabay isagoo dhex fadhiya Guriga reer Ceelow in Xamar xumaatay tan iyo Sidii USC da Ceydiid Hogaaminayay Muqdisho uga saareen Afweyne, isagoo ii raaciyay in Reer Ceelow ay daacad u ahaayeen Qadiyada USC da iyo Halgankooda xaq u dirirka ah waxaase ibtilo timid ayuu warkiisii ku daray Tima caddeMallintii la bursaday Siyaad Barre oo Baydhabo la dhaafiyay Sheeko waa is badashay horta Reer Ceelow Quraacdii la ii sameyn Jiray Waa iga goosteen intaas kuma ekaaninee Dhaga hadal ayaa la iigu daray oo afkooda waxaan Lama walxaatood middod aheyn waa laga waayay !.

Waxaan weydiiyay war waa maxay lamada walxaatood ay ciddu la soo baxday Wuxuu iigu jawaabay Waxaan kuu qabay Waxaan kuu qabay Reer Siigaale Asalow ah inaad tahay laakiin waxaan ilaabay inaad tahay Muq shabeel Mushaani iyo Tuulada Shiikh Murjaan laga keenay war waxay ka wadaan wadankaan ama anukaa u hareyno ama ceydiidaa u haraa, waa yaabay sidaad igu taqiinayna maaheyn nin muran jecel War maxaa naga ba'aaya hadaan ku wada noolaano, maya Abidan warkaynu waa go'an yahay anoo yaaban aa waxaa iiga sii adaray Ilmihii Xaafadda oo qoryo Lixle dheere ah wataan ayaan arkay afkana ubur ka sii deynayaan sidii Ratigii Abtigaa Macsarada ku shiidi jiray, oo weliba ku wardinaayaan lama walxaatood middood ay noqo hee!.

Fiidkii ayaan u shaqa tagay Shineema Hodan ayuu ii raaciyay Tima cadde , shineemada oo markaas Amaan Darro Darteed Reer Gentleman iyo Maamulaheedii Xaaji Xasan Madoobe inta wadi waayeen Gacanta ay ka saareen Cabdiraxmaan Dhamuuke aniguna aan Albaabkii shuudka kala yureeyo ciyaalka Xaafadda Qaarna Caawa sii daaya qaarka kalena habeen dambe daayo, ayaa Dhamuuke Garabka iga qabtay oo yiri isbadalka meesha ka dhacay ma aragtay , markaas aan ku iri waa arkaayay ciyaal badan oo lixle dheere la jareey haayaan, Wuxuu inta qoslay i siiyay Jaakad uu dhahaayay Xabbadu ma karto anna magaceeda ma karo waxaanse filaa inaad macnaheeda fahmi karto, markaasi iri ka soco waa Bullet Proof ee , waxaad rabtid ku sheegee wuxuu kaloo i siiyay Qori yar oo ah kuwa darandooriga u dhaco, oo uu i dhahay Husguntiga (Macawis) iyo shaatiga inta ka dhex leh gasho, anoo xanaaqsan ayaan ku iri Maxaad iskaga dhigee sidii inaad shalay dhalatay weligeed inaanan Bistoolad qaadan waa og tahayee, War wuxuu yiri wixii hore been Shaqo culus ayaa na sugeysa bahashaan Amaanka u dhuuji indhahaagana fur, ninkii ina Baahalow hadaad is maqashiinna u sheeg inow fulay yahay Xamarna uu Cabsi uga soo baxay asagoon na war galin.

Sheekadii Lama walxaatood iyo Wiilasha Lixle dheeraha la wiifaaya ayaa waxaan ku noqday Allergic ayuu hadalkiisii ku sii daray, waxaase ka sii darnaatay Madfacii Xaafadda Siigaale Gees ka gees uga soo dhaca Habar, Oday Gabar iyo Saqiir Waxaa la leeyahay Cismaan Caataa Soo riday, dadkii aan ehelka aheyn Konton Sano Abtidoonow Afkoodii uburtu waa ka dhamaatay Nabadna ma rabaan ana hadal waa iga dhamaaday war Afweyne iyo Daaroodkaba waa u ogoleydeenee maxaad Anaga nagu diideysiin, Waxaase la yaab leh Seebow Ceelow iney dadkaba ugu daran tahay oo ay taagan tahay Unuka iyo Idinka meel ku wada noolaan meyno. markaas aan weydiiyay adiga iyo Ina Baahalowna Lama walxaatoodow kala doorahaa ayay iigu jawaabtay Ceydiid iyo Cali Mahdi halkow raacaa ayow kala dooraa ! .

Waxaa ii cadaatay in Meesha Wanaag ka soo socon Quraan Muufo iyo Daggo ah oo ay ii soo wadday ayaan laadka ku dhuftay anoo ka shakiyay iney i sumeeyaan , waana i maqlooyaan kuligood Reer Ceelow ceel Allaha ku wada ridee Ama la xididi laheydaa ama jiniyo kale gabar ka aroosi laheydaa Waa noo kala dhamaatay aniga iyo Ceelow , Maca salaama, Anoo xanaaqsan ayaan iri hal mar ma ii dhiibi kartaa Seebow ama Adeer Ceelow , Tima cadde oo codkiisa badalan yahay ayaa yiri Wax yar sug , Waxay leeyihiin warkiisa ma rabnee waran xun wabka ha uga dhacee!, weli anoon rumeysneyn warkiisa ayaan ku iri war cayaarta naga daa, markaasaa oday Ceelow cod dheer ku yiri ar waa runtiisii waran xuni ha kuugu dhacee ha na soo wacan, markaas ay saas leeyihiin Shan boqol doollar oo xaqal Ciid ah ayaan Xawaalad nin Abgaal ah magaalada Montreal ku heystay u dhigay , Tima Cadde oo Careysan ayaa yiri nin yahow lacag ii so dir inaan lumaan rabaa, Waxaan ku iri ninka Hebelow ah oo Mowlaca Macallin Nuur Gadaashiisa degan ayaan $500 dollar u soo dhigay waa soo wacaayaa inuu lacagta adigaku siiyo, oo magacaaga lagu wareejiyo ee Cidda Fiilada Taleefoonka ka jar markaad sii baxeyso si uusan u soo wicin Qolada Xawaaladda ayaan ku iri taas oo aad ugu sahlaneyd inuu sameeyo ileen waa nin aan si fiican u aqaano.

Maalintii ka saddex aheyd Tima cadde Shantiisii Boqol ayuu la kacay Wuxuuna iga soo wacay Meel taleefoonada laga dirsado oo Baar Ubax ku taalowuxuu ii sheegay Xaalka Magaalada iyo Jawiga Xaafadu iney isbadaleen kadib markii Ciidamadii Afweyne soo rogaal celiyeen oo la sheegay iney Carbiska soo marayaan, Maalinimadii Ciidda ayuu tima cadde Xaafadii dib ugu noqday iyadoo laga cabsi qabo iney Ciidamadii Afweyne Galaan Xamar Saacadaha Soo socda, Mase Jawiga waaba nooc kale, horta wixii Lixla dheere ahaa waa la kala qariyay , Afkii lama walxaatood lagu dhahaayayna waxaa badalay: " Geedkaan Dabaalkaa ee Cali Mahdi Minow nimankaan naga celin karin uma daayoo Ceydiid Maha" usagaa Shalayba meeha ka ceyrshee, hadalkaasi oo dhagaheyga ku raaxeysteen ayaan iri Dhowr jeer iigu soo celi, wuxuu yiri ciddii hadda culeysaa soo fuulay Ciyaalkii Xaafadana Waxay taagan yihiin Ceydiid usagaa xaq u leh inow waddankaan xukumo, anoo Jees jeesaya ayaan ku iri Waxa aad ciyaal ku sheegeysaa ma odayaasha kuugu filka ah oo lixdan jirrada ahaa, Ciyaalnimo Ilaah idin kama Saaro.

Laba Maalmood ka bacdi ayaa Xamar la iga soo wacay ayadoo laygu bishaareyhaayo Jabka loo geystay tuugadii soo rogaal celisay iyadoo si faah faahsan la iigu kala dhigay oo marka laga reebo Ceydiid (AUN) , Cismaan Caato oo iyaga kaalintooda aan la gaari kari karin raggii kale oo dhagteydu qabatay ay labaatameeyo kor u dhaafayeen ay ka mid ahaayeen Laba nin oo dhalinyaro ahoon ku soo wada kornay Siigaale oona kala ah:

Colonel Shariif Xasan Jimcaale (Geesa weyne) - Allaha u Naxariistee

iyo

Colonel Maxamed Cumar Cabdulle (Baashi) - Allaha u Naxariistee

oo labaduba aan wax badan aan Muufo iyo daggo ka wada cunnay maqaayadii Cali Basar ee Suuq Siigaale iridkiisii waqooyi ku tiilay.

Reer Ceelow ayaa kuu soo haray waxaa iigu war dambeysay iyagoo taageerayaal Ceydiid noqday, Seebow Ceelowna waxay u dhimaytay Dhaawac ka soo gaaray Xabad wiifeysa oo ciyaalka xaafaddu ka soo rideen qoryihii Lixle dheeraha ahaa , Naxariistii Janno Allaha Siiyee isma calfan Quraan ayaan halkaan uga akhriyay.

Intaa hadaan kaga baxo Reer Ceelowga Jaceylkeygii ceelka dheer ku riday, Cismaan Caato ayaa Halganka USC da wuxuu ka noqday udub dhexaad isagoo garaashkiisa lagu farsameyn Jiray Gawaarida Land cuisers ka ah oo qoryaha lagu rakibo lana magac baxay Tikniko. wax weynna ka badashay habkii dagaalka ee hore loo yiqiin ee Taangiyada iyo madaafiicda Goobta.

Cismaan Waxa aan laba Cali isku khilaafeeyn inuu yahay ninkii ugu horeeyay ee Waddanka keenay Dhakhaatiirta aan xuduudaha laheyn (Doctors without Border)ama )Medicin Sans Frontiers), isagoo u xaaray garoonka Cisaleey kana soo dajiyay dejiyayna Xaruntii SOS, nin igu raacsan iyo kii inkiraayow taarikhda lama qaldi karo, lagamana been abuuri karo.

Wixii Dhex maray isaga iyo Ceydiid ma lafa gurayo oo nin waliba fikirkiis u madax banaan, laakiin waxay noqotay jab weyn oo Sacad iyo Hawiye Dhan Soo Gaaray Ceydiidna Ilaahii abuurtay ayaa Oofsaday.

Cismaan Xasan Cali Caato hadaan kala dhigdhigo dadka neceb waxa ay kala yihiin:

1- Qeybta Koowaad waa qolo qadarta Rabbi aan aaminsaneeyn oo u aaneynaaya inuu Cismaan Caato isagu dilay Ceydiid

2- Qeybta Labaad waa Qeyb ba'day oo ilaah xumaan ku beeray oo leh maxuu anagu nooga dhalan waayay ninka kartidaas leh oo sidaas wax u kala hufaaya.

3- Qoloda Sadexaad waa qolooyin ka xun Jab USC du u geysatay Beelaha ay ka dhasheen oo is maqiiqooda iyo kor u kaadiskooda laga joogi waayay , Qolooyinkan waa kuwa Qaba bukta aan daawoobeyn.

4- Qolooyinka 4 aad waa Qolooyin Dusha Hawiye ka ah laabtana ka buka oo ay hor boodayaal u yihiin Canaasiir Maskaxdoodu ay ku register gareysan tahay nidaamkii faasidka ahaa ee Siyaad Barre, una ciil qabaan iney mar uun hogaanka Hawiye qabtaan

5- Qolooyinka ugu dambeeya waa Qolooyinka Gaala raaca ah oo Ilaahey aan aaminsaneeyn oo ku caqliga ah Neo-conservative ka aaminsan in George Bush Ilaah dunida u soo diray waxaana ka mid ah Soomaalida mar kasta ku soo celceliya hadaladii Generaalka Ilaah ka furtay oo lagu magacaabo General Boykin.

Isku soo wada duudooboo Cismaan Xasan Cali Caato inta Jecel ayaa ka badan inta Neceb, maanta Million nin oo Soomaali ah waan siisanayaa Cadowgiisana ha u noolaado.

Kuwa Jahliyaddu hareysay oo Beesha Sacad aan wadaagno waxaan u sheegeynaa Cismaan wuxuu matalaa Beesha Reer Hilowle iyo Beelaha ku fikirka inta isku cabursan ee cuqdada aan dhamaaneyn ku jirtaa waxaa kala matala Injineer Xuseen Maxamed Caydiid iyo Xildhibaan Xaaf.

Magacaa ha jiro Cismaan, Cadowgaa ha jabo Cismaan .
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by AbdiWahab252 »

Caato is a traitor:

1. Collapsed Salbalar
2. Destroyed Sodere Alliance
3. Back stabbed the Sacad in the war against the Hawiye UIC
4. Tried to undermine the Sacad war against the Saleban
5. Went to GM to create tension among the Sacad & promoted the UIC to rule instead of GM

In other words, Caato is not to be trusted and can be bought very easily. He has no priniciples.


Other notable Sacad fools: Jamac Seed, Ina Caydiid, Xaaf & Qeybdiid.
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by Karbaash_killa »

I agree with you on one thing... He should Leave Somali politics and especially Sacad business alone ,although he might be credible but is still unrealiable..

By the way i see that you ignored the long history of Caato when you was making your judgement..
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by AbdiWahab252 »

KK,

I know Caato more than u do. he is a close family friend.

Whatever his past, he is not to be trusted or allowed back into Sacad politics.

Its a new era with new leaders: Kemiko & Maxamed Farax Jimcaale
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by Karbaash_killa »

interesting thoughts there... all i know is that we got picked up by few of his technicals when i went to somalia in yr 2000! so i assume father knows him quite well...

I dont buy the bullshidd of salbalaar and their ceyr fabricated accusation on this guy... he is a known mucaarad, lagac iyo madaxraadis.. withthose combination i'd be worried when ever he's not at sight.. so i keep him far from my blessed GM State....thats all
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Cismaan Xasan Cali (Caato)

Post by AbdiWahab252 »

Kk,

As long as he is out of GM & Sacad politics, he is good.

However, I don't trust him at all.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”