BREAKING NEWS WAR STARTS FOR 2ND DAY IN MUQDISHO

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS WAR STARTS FOR 2ND DAY IN MUQDISHO

Post by Hiiraan boy »

Dagaal goosgoos ah oo ka socda Agagaarka saldhiga degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Posted to the Web Apr 12, 08:46


Muqdisho:-Dagaalka ka socda agagaarka isgoyska Fagax iyo deegaanka Jamhuuriya ayaa maalintii 2aad galay inkastoo dagaalka saaka uu u wareegay dhinaca saldhiga degmada Yaaqshiid halkaasoo iska hor imaad hubeysan uu ka socdo.

Dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax iyo deegaanka Jamhuuriya ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira iyo barakaca boqolaal qoys oo ku dhaqnaa xaafado ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.



Ma jiro heshiis xabad joojin ah oo la kala dhex dhigay labada ciidan oo weli isku horfadhiya goobihii shalay lagu diriray, waxa ayna labada ciidan difaac uga kala jiraan labada daan ee wadada 30-ka, dhinacna ma haysto isgoyska Fagax balse wuu udhaxeeya labada ciidan.



Dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ayaa laga maqlayaa agagaarka saldhiga degmada Yaaqshiid oo dhinaca ku haya wadada 30-ka halkaasoo labada ciidan ay ku dagaalamayaanisku horfadhiyaan inkastoo xaalada isgoyska Fagax ay yara degan tahay.



Kumanaan qoys ayaa ka barakacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan kadib markii uu saameeyay dagaalkii shalay ka qarxay agagaarka Fagax iyo Jamhuuriya.



Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga DF Salaad Cali Jeelle oo la sheegay in uu hogaaminayo ciidamada Df ee ka dagaalamaya agagaarka Fagax ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi in ay soo qaadeen wax uu ugu yeeray kooxaha ka soo horjeeda DF.



Hayeeshee afhayeenka guddiga odayaasha beelaha Hawiye Xuseen Siyaad Qoorgaab ayaa isagana ku eedeeyay DF in weerarka ay soo qaaday isla markaana ay dooneyso sidii ay umijo xaabin lahayd heshiiska xabad joojinta ee u dhaxeeya beelaha Hawiye iyo saraakiisha Ethiopia.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”