BREAKING NEWS EX WARLORDS FIGHT AGAINST HABAR GIDIR

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS EX WARLORDS FIGHT AGAINST HABAR GIDIR

Post by Hiiraan boy »

Hogaamiyayaasha Kooxaha Oo Qaybgalay Dagaalka Iyo Saaka Oo

(Muqdisho}12.04-7
Dagaalkii ka dhacay Isgoyska Fagax ayaa waxaa kasoo baxa Saaka warar dheeraad ah oo sheegaya in dagaalkaasi ay ka qeyb galeen rag sar sare oo katirsan Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho...................................

Dagaalka oo shalay gelinkii dambe si xawli ah uga socday isgoyska Fagax ayaa waxaa ku soo biiray Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere oo isaga iyo ciidamadiisa, iyagoo dhanka dagaalka ka soo gaalay Aaga Lafweyn, oo mudooyinkan fadhiisin u aheyd.

Maxamed Dheere iyo maleeshiyadiisa ayaa dagaalka ku soo biiray, xilli Kooxaha ka soo horjeeda ay qarka u saarnaayeen in ay la wareegaan Saldhiga Degmada Yaaqshiid, waxaana sidoo kale la sheegayaa Nuur Dakhle oo isna ah Taliyaha Ciidamda iyo Kaaliyaha Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Dhagaxtuur uu isna dagaalka ka qeyb galay.

dhanka kale Nin la dhashay Raysul Wasaare Geeddi ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay dagaalkii shalay, iyadoo dhaawaca soo gaadhayna ninkaas la dhashay Mr Geeddi ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

Xilliga uu dhaawacmayay ayaa lagu soo waramayaa in uu kujiray Dagaalka isla markaana uu lasafnaa Ciidamada Dowladda Federaalka inakstoo Dhaawaciisuna kasoo gaadhay dhanka Madaxa uuna iminka lajiifo Isbitalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho, iyadoo saaka lagu wado in loo qaado Magaalada Nairobi.

Dagaalkii shalay ka dhacay Agagaarka Fagax ayaa ahaa mid aad u xooganaa, mana jirin wax Askar Ethiopian ah oo ka qeyb galay dagaalkaasi marka laga reebo Madaafiicdii ay kasoo tuurayeen Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Sidoo kale Dagaalkan ayaa waxa uu ku fidey duleedka Suuqa Xoolaha ee Jamhuuriya, halkaasi oo rasaas xoogan ay ka dhaceyso saaka, iyadoo labada dhinaca ay u kala yimaadeen gurmadyo.

Wali waxaa jira qasaarooyin kale oo dagaaladaasi ay geeysteen, inkastoo si rasmi ah aaan loo ogeyn, laakiin Isbitalka Madiina waxaa la geeyay 3 ruux oo dhaawac ah sida ay sheegeen saraakiisha caafimaad ee halkaasi.

Lama soo sheegin maanta ciidamo Ethiopian ah oo ka qeyb qaatay dagaalkaasi oo haatan noqdey mid goos goos ah.

Widhwidh Online News Desk..Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”