Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Madaxweyne Yuusuf oo isku raacay in xilalka laga qaado Xuseen Ceydiid iyo Salaad Cali Jeelle.
Mogadishu , Sabti, April , 14 , 2007 , Waagacusub Online
Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, ayaa qorsheynaya in uu xilalka ka xayuubiyo Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Howlaha Guud iyo Guyeenta Xuseen Maxamed Faarax "Ceydiid" iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandiga Salaad Cali Jeele.
Ilo ku dhow Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xil ka qaadistan ay dhici doonto maalmaha dhow ee soo socda, kadib markii labada Wasiir ay qaadeen tallaabooyin ka dhan ah Dowladda.
Xuseen Maxamed Ceydiid, ayaa Dowladda ay u aragtaa Wasiir Mucaaradoobay, kadib markii uu tagay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, halkaasi uu kula biiray Xildhibaanada Mauacaaradka ah iyo qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.
Sida ay sheegeen ilo ku dhow Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia, labada mas'uul ayaa si aad ah uga carooday booqashada Mr. Ceydiid ee dalka Eritrea, oo ah dalka kaliya eek u yaala Bariga Afrika oo aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Dowladda KMG ah ee Somalia.
Dhinaca kale xiriirka Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda KMG ah ee Somalia Salaad Cali Jeelle kala dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa aad u xumaaaday kadib markii Mr. Jeelle uu six un u dhaawacay siyaasadda dib u heshiisiinta Somalia, kadib markii hadal uu jeediyay uu ku muujiyay in howl galka Dowladda ay ka fulineyso magaalada Muqdisho uu yahay mid lagu baa bi'inayo Beesha Habar-Gidir oo ka amid ah beelaha ugu awoodda badan Somalia.
Hadalkii Mr. Jeele ayaa sii iftiimiyay tuhunno horey looga qabay Dowladda oo ahaa inay beel gaar ah iyo hantideeda ay u dan leedahay.
Si kastaba warar xog ogaal ah oo laga soo uruuriyay Xafiisyada Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bidhaaminaya in ayada oo laga duulayo tallaabooyinka la dhaliilay oo ay qaadeen Mr. Ceydiid iyo Mr. Jeelle, ay labada hogaaamiye ee ugu sareysa Dowladda Somalia au guddoomiyeen in labadoodaba xilalka looga qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.
BREAKING NEWS Xuseen Ceydiid Salaad Cali Jeelle will be remo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 938 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 10 Replies
- 884 Views
-
Last post by Togdeer
-
- 18 Replies
- 1985 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 426 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 525 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 740 Views
-
Last post by Timiro1999
-
- 0 Replies
- 360 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 36 Replies
- 2083 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 21 Replies
- 7229 Views
-
Last post by Somaliman50
-
- 12 Replies
- 1055 Views
-
Last post by Ceelgabo