
(dagaal aad u qadhaadh oo ka socda wadada isku xidha Boosaaso iyo Garoowe)
hadhwanaag 2007-04-14 (Hadhwanaagnews) Dhahar(HWN) Ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka majeerteeniya ayaa dagaal aad u qadhaadhi ku dhexmarayaaa Magaalada Sherbi oo xidhiidhisa magaaloyinka qardho iyo garoowe .
War aanu goordhaweyd ka helnay magalada dhahar ayaa sheegaayay in uu labada dhinaca ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa culus oo ka mid yihin qoryaha waaweyn ee Bm iyo qoryaha lidka diyaaradha .
imkasto aan la ogayn khasaraha dhabtaa ee uu dagaalku geystay oo aanay laba dhinac midna saxaafada la hadlin hadana waxa jira goob joogayal ku sugan dhahar ayaa noo xaqiijiayay in xoogag ciidanka somaliland ay gadoomiyeen maleeshiyadkii weerarka soo qaaday.
Dagaalku waa uu bilaabmay abaaro 4galabnimo iyado walina uu socd .
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa fadhisimo cusub ka samaysay magaalada sherbi oo kutaala wadada xidhiidhisa magaaloyinka qardho iyo garoowe iyadoo imika ay wadadu xidhantahay oo aan uu istaagtay isku socodki gaadidka ukala bixi jiray
maaaloyinka Boosaso iyo garoowe
magaalada sherbi waxay magaalada qardho ujirtaa 19km
kala soco waxii wara ee ka soo kordha hadhwanaagnews