Somaliland Officials fled ...
Abaarihii Sadexdii galabnimo waxaa ka qarxay aaga deegaanka dhahar Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta P/l iyo Jamhada ay hogaaminayaa Colooshooda u shaqaystayaal u dhashay Deegaanka warar dheeraad oo faahfaahsan lagama hayo sababtoo ah in meel miyi ah lagu dagaalamayo laakiin waxay ay sheegeen Saaraakiisha Ciidanka P/l in ay ka weerareen ilaa sadex aag oo kala duwan wixii war ah oo ka soo baxa waan idin la socodsiin doonaa.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta ayaa noo sheegey in ay 3 aag ka weerareen meeshii ay fadhiyeen oo ah meel u jirta 10 Kilomitter magaalada dhahar hadana waxaa gacanta saldhigii ku dhigay Ciidamada Daraawiishta waxaana laga qabsaday Gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.
Warar ayaa sheegaya in Mahamud Siciid iyo kuwii la socday ay ka carareen magaalada markii ay maqleen in la soo weeraray Jabhadii ka dibna lama garanayo meeshii ay aadeen lakiin dad ayaa sheegaya in la qabtay.
http://allsanaag.com/Details.asp?id=1328

