Beelaha Sacad iyo Wagardhac oo heshiis maamul iyo is faham k

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Beelaha Sacad iyo Wagardhac oo heshiis maamul iyo is faham k

Post by Hiiraan boy »

Wararka ka imaanayo Magaalada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay degaankaas isugu tageen dhinacyada dhaqanka iyo siyaasada beesha Sacad iyo Wagar dhac Mareexaan kadibna ay isku afgarteen heshiis gundigiisu yahay isfaham iyo sameeynta maamul labada beel isku raacsan yihiin si loo gaaro horumar dhinaca degaanka ah iyo nabad ku wada noolaansho guud.

Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo Waagacusub la soo xiriiray ayaa xaqiijiyay in heshiiskaas labada beelood ku wada gaareen Gelinsoor ,wuxuuna dhinaca kale tibaaxay in dhawaan degaanadaas looga dhawaaqi doono Maamul buuxa oo soo celiya nidaam iyo kala dambeeyn.

“ Beelaha Wagar Mareexaan iyo Sacaf Habargidir way xaliyeen khilaafaadkii u dhaxeeyay,waxayna wada dhisan doonaan maamul ka hergelo dhamaan degaanada labada beel si wax loo wada qabsado loona hiigsado horumar “ayuu yiri Suldaan Cabdi Naasir Jaamac Seed oo hada ku sugan gelinsoor.

“ Heshiiska Sacad iyo Wagardhac waxaa uu ka dhashay wada hadal mudo dheer socday,waxaana aad ugu faraxsanahay inuu maanta guul ku dhamaaday”ayuu yiri Suldaanka beesha Wagar dhac,Suldaan Siciid Cismaan Faarax oo Waagacusub u waramayay isagoo ku sugan Gelinsoor.

Heshiiska Sacad iyo Wagardhac waxaa ka qaybgalay sedex boqol oo labada beel ka socday oo ay ka mid ahaayeen culumaa'udiinka ahlu suna waljameeca oo uu hogaaminayay Sheekh Aadan cali Jimcaale Ilkacase.waxaa kale oo goob joog ka ahaa Gudoomiyaha koofurta Gaalkacyo Xuseen Cabdulle Aaw Cali iyo taliyaha Ciidanka Aag 1-aad Axmed Cabdilahi Maxamed Afgub.

Si kastaba ha ahaatee labada beelood ayaa degaankaa wadaagi jiray balse colaad xilli ka hore ka dhacday Gelinsoor ayaa sababtay in beelaha Wagardhac isaga hayaamaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”