Page 1 of 1

Guulo Iyo Horumar Laga Soo Sheegayo Dagaalka Caaway.

Posted: Tue Apr 17, 2007 4:27 pm
by Somali-Transporter
Iyadoo uu wali socdo dagaalkii caaway ka bilowday Muqdisho ayaa durbadiiba waxa lasoo sheegayaa horumar ay dagaalyahanada xornimo doonku ka gaareen dagaalkaas. Qaar ka tirsan dagaalyahanada oo lagala xiriiray goobaha dagaalada ayaa soo sheegaya inay gacanta ku dhigeen garoonkii Dabaasha ee Istaadiyo Muqdisho ayna hada kusii siqayaan xaruntii Xisbiga.

Dhanka Waqooyiga oo ah halkii uu dagaalku ka bilowday, waxa laga soo sheegayaa in ciidamada Tigreega laga saaray Iskoolka Max'ud Axmed Cali oo ay soo dageen tobankii bari ee ugu dambaysay, ayna ku rakibteen madaafiicda goobta. Dagaalkaan oo u muuqda mid sii socon doona ayaa laga cabsi qabaa inuu marka waagu baryo uu ku faafo isgoyska No 4 iyo xarunta Villa Somaliya. Wararkaan oo aan helnay waqti habeenimo ah saacada Muqdisho ayaan sugaynaa marka waagu baryo inay soo baxaan warar kale oo lagu farxo iyo guulo ay gaareen ciidamada xoraynta dalka Soomaliya.

http://www.wadanka.com/index.php?name=N ... e&sid=1573

KACDOONKA VICTORY...

Posted: Tue Apr 17, 2007 4:34 pm