Galeyr: C/Y, Caydiid Jr., Cigaal wanted US to bomb Somalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Galeyr: C/Y, Caydiid Jr., Cigaal wanted US to bomb Somalia

Post by Hiiraan boy »

Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Shaaca ka qaaday in Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Cigaal ay waligood Mareykanka ka dhaadhicin jireen sidii ay u weerari lahaayeen Goobo ay Bakaaraha kamid tahay

Taariikhda Soomaaliya waa tariikh aad u yaab badan iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana waxaa kasii daran in taariikhda dadka sameeya ay kasii yaab badan yihiin.

Hadaba Dr. Cali Khaliif Galeyr oo dhowaan ka qeyb galay Kulan ka dhacay Dalka Britain isla markaana ay iskugu yimaadeen Soomaali aad u fara badan ayaa Mr.Galeyr waxa uu halkaasi kusoo bandhigay Cadeymo Muddo ay Shacabka Sugayeen in Shaaca laga qaado.

Galeyr oo Khudbad halkaasi uu ka jeediyay kaga hadlay Arrimo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ahaa Kudbaddiisii dhinaca uu kaga hadlay Xilli uu Booqasho kutagay Dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalooyinka Washington iyo New York xilligii ay qaraxyadu ka dhaceen kadib ayaa waxa uu sheegay in halkaasi uu kala soo kulmay wax aad u yaab badan.

Waxa uu sheegay in Mareykanka ay u geeyeen 3 shaqsi oo Soomaali ah kana mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaaliya waraaqo ay ku sheegayaan Goobaha loo baahan yahay in laga duqeeyo Soomaaliya kuwaasi oo kala ah Xuseen Ceydiid, C/llaahi Yuusuf iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariistee.

"Waxaan anigu tegay Ayaamo kabacdi Washington iyo New York September 11, Washington baan tegay wasaaradda arrimaha dibadda baa wafdi aanu soconay Meesha ku tagnay, waxaa nalagu yiri idinku hadal baad heysaan oo waxaad leedihiin aanu wax wada qabsanee hadaanu nahay waaxdii arrimaha dibadda arrintani waa naga wareegtay file-ka soomaaliya wasaaradda Gaashaandhigga baa loo gudbiyay, wasaaraddu gaashaandhiggana waxay kala xulaneysaa meelaha la garaaci doono ee Soomaaliya, war bal u kaadiya ugu horeyn meelaheed garaaceysaa Nin baa lasoo baxay File oo wuxuu yiri Camuud, Garoowe, Boosaaso, Shimbiraale, Laascaanood, yaabka waxaa lahaa Bakaaraha, Raaskambooni, Ceelwaaq," ayuu yiri Dr. Galeyr oo Dadkii kasoo qeyb galay Kulanka sirtaasi culus uga sheekeynayay.

Wuxuu yiri Mr. Galeyr isagoo ka dambqaday Garaacista lala damcay Bakaaraha “War yaa Alle yaqaan, sideed Bakaaro u garaaci kartaan, waxyar baan ka gil gilay oo waxaan ku iri bal intaydan bakaaro garaacin markii aad intaasi oo dhanna aad garaadaan oo 24-saac kadib aanan la oran Maxaynu garaacnay ee inagu ayaaba horey isku garaacnay iskana duduminayee guryaheennii bal Media u dira oo warbaahintiina iyo TV-yadiina u dira markaasi ayay direen” ayuu yiri Dr.Galeyr.

Waxa uu sheegay markii ay wariyeyaashoodii soo direen in ay booqdeen raaskambooni oo ay sawiro kasoo qaadeen waxayna halkaasi kusoo arkeen 4-cooshadood oo yar yar iyo sidoo kale Shimbiraale halkaasi oo markii ay warbaahintu aadeen ay aad ula yaabeen.

Waxa uu sheegay Galeyr in yaabka yaabkiisa kale ay leeyihiin dadka Liiskaasi bixinaya oo leh hala weeraro halkaasi oo kala ah Maxamed Ibraahim Cigaal Allaha u Naxariisto, C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waana dadka liiskaasi bixinayay oo si aad ah u jeclaa in la duqeeyo goobaha ay tilmaameen.

Sirtani uu shaaca ka qaaday Dr.Cali Khaliif Galeyr ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Cadeyneysa in raggani ay waligood gaalo ka rajeyn jireen in ay ka dhigan Mustaqbalka Madaxda Soomaaliya iyadoo midkood uu baxay inkastoo labadii soo hartayna ay iminka u muuqdaan in ay iska soo horjeesteen lakin aanan la hubin.

Boondheere
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Re: Galeyr: C/Y, Caydiid Jr., Cigaal wanted US to bomb Somalia

Post by highclass »

[quote="Hiiraan boy"]

Camuud,
Garoowe,
Boosaaso,
Shimbiraale,
Laascaanood,
Bakaaraha,
Raaskambooni,
Ceelwaaq,"
[/quote]

Shocked Damn..........


Here is Proff Galaydh's speech (audio) http://www.xornimo.com/Audio/galeyr_11_04_2007.ram
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”