Hooyo Macaan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Hooyo Macaan

Post by Hiiraan boy »

Markaan ku arko Waan
ka maqsuudi lahaa
muragadaan qabee
hooyooy macaan

muuqaagu wuu
iga meyri lahaa
dhibtaan soo mare
hooyooy macaan

intaan kaa maqnaay
waa maaganoo
manfac iyo hurdaba
waa iska maanacee
hooyooy macaan



mama aragtidaa
anigoo makiyo
madiina tagee
xajkii soo maree
hooyo magan ilaah
markasta ahoow


maamooy dhib aa
iga soo martee
miisaan xaq ah
la ma magi karee
minankaa janada
mowla ha kaa dhigo



markaan ku arko waan
maamuusi lahaa
waad mudan tahee
hooyooy macaan


murti iyo amaan
baan u marin lahaa
ma huraankiiyeey
hooyooy macaan

dadka moogayaan
u maqashiin lahaa
maalin iyo habeen
u macneeyn lahaa

mama aragtidaa
anigoo makiyo
madiina tagee
xajkii soo maree
hooyo magan
ilaah markasta ahoow


maamooy dhib aa
iga soo martee
miisaan xaq ah
la ma magi karee
minankaa janada
mowla ha kaa dhigo



markaan ku arko waan
maamuusi lahaa
waad mudan tahee
hooyooy macaan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”