
Bayaan ay ku saxeexan yihiin in ka badan Boqol Xubnood oo isugu jira Waxgaradka,Aqoonyahanka,Odayaasha,iyo Dhalinyarada, oo laga soosaaray Magaalada Burco, ayaa waxay ku
WAXAANU CAMBAARAYNAYNAA QAABKA M/WEYNUHU ULA DHAQMAY WASIIRKA GASHAANDHIGA……………..Bayaan Burco.
Bayaan ay ku saxeexan yihiin in ka badan Boqol Xubnood oo isugu jira Waxgaradka,Aqoonyahanka,Odayaasha,iyo Dhalinyarada, oo laga soosaaray Magaalada Burco, ayaa waxay ku cambareeyeen qaabka M/weyne Rayaale ula dhaqmay Wasiirkii Gaashaandhiga Md.Aadan Waqaf,arintaasoo ay ku tilmaameen inay meel ka dhacku tahay Qaranka Somaliland islamarkaana u hiilinaysa Cadowga Somaliland,isagoo wasiirku xiligaa ku jiray xaalad dagaal.
Hadaba Bayaankaas oo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan:
Anagoo ah, Qaybo ka Tirsan Odayaasha, Aqoonyahanka, Waxgaradka,Iyo Dhalinyarada Gobolka Togdheer, Sanaag, Iyo Saxil Waxaanu Canbaabaraynaynaa
Qaabka uu Madaxwayne Daahir Riyaale ula dhaqmay Wasiirka Gaashaandhiga
Mudane Aadan Waqaf, Arintaasoo aanu u aragno Inay Meel ka dhac ku tahay
Qaranka Soomaaliland, Taasoo weliba U Hiilinaysa Cadawga J/sland, Waxaanan aad u Diidanahay, Qaabka Iyo Istiraatijiyada Loola dhaqmay Wasiirka, Iyadoo Wasiirku Ku jiray Xaalad Dagaal,Kuna sugnaa Jiida Hore , yahayna wasiirka keliya ee Intii soomaaliland Jirtayba Gaadhay ee Cagaha dhigay Xuduuda Jsland,
Waxanay U muuqataa Qaabka Loola dhaqmay Masuuliyad darro, Taasoo Iftiiminaysaa In aan Madaxwaynuhu Daacad ka ahayn In Si dhab ah loo Gaadho, Loona sugo Xuduudaha dalka, Taasoo Mugdi Gelinaysa Jiritaanka dalka, , Iyadoo la wada dareensan yahay In Wasiirka warfaafintu uu ku dhawaaqay In dalku Ku Jiro Xaalad Dagaal, taasoo Hadana Lagaga Baxay Wasiirka gaashaan dhiga ,Iyadoo Wasiirku Badbaadiyay Ciidan Ku Go,doonsanaa Meel Ceeri-gaabo U jirta 280km. Waxanay U Muuqataa Shirqool Madaxwaynuhu Ku Doonayay in aan La Badbaadin ee La Laayo Inamadayada, Hubkana Lagala hadho, waxana badbaadiyay oo Taas Baajiyay Wasiirka Gaashaan dhiga J/S/land.
Gebogebona, Ninka Dalka Duminaya, Ninka dhisaya Dalka Nin Ragina Waa garanayaa Doqona Loo sheegi Maayo. >
Xubnaha Bayaankan ku saxeexnaa oo ka badnaa boqol qof ayaa waxa ka mid ahaa.
1- Eng. Saleebaan Nuux Cali
2- Baashe Muuse Maxamed
3- Shiriif abokor Dhuuxyare. Gud. Gaashaanbuurta Axmed Faarax
4- Xildhibaan Jaamac X Axmed
5- Xildhibaan Axmed Cabdi Falay
6- Caaqil Cawil Cabdi Saneeco
7- Caaqil Axmed Maxamuud Gaade
8- Caaqil Cismaan Saleban Diiriye
9- Caaqil Saleebaan Ducaale Qashqashle
10- Aqoonyahan Jamaal Xiinwaal
11- Muukhtaar Axmed Cali
12- Xandule Faarax Axmed
13- C/raxmaan Yuusuf Fagadhe
14- Isxaaq Aadan Jaamac Istawi.
15- Ibraahin Diiriye Xasan
16- Maxamuud Maxamed Nuur ( Barawaani)
17- Nuux Cismaan Abokor
18- Cawil X Aadan Axmed
19- Abokor Cumar Aadan
20- Cali Axmed Xirsi ( Baanji)
21- Cismaan X Saleban Cabdi
22- Xuseen Cabdi Axmed
23- Nuux Cabdi Cade
24- Faarax Maxamed cabdi
25- Muj. Maxamed Ismaaciil Cali
26- Muj. Faarax Xusseen Maxamed
27- Axmed Cabdi Dhinbiil
28- Muj. Jaamac Axmed Maxamed
29- Muj. Cismaan Seeraar Xuseen
30- Saleebaan Ibraahin Faarax.iyo xubno kale oo badan.iyo xubno kale oo badan.
TogdheerNews.