SOMALILAND DM:WHEN THE FIGHT BEGAN, EVEN THE ONES WE WERE PA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

SOMALILAND DM:WHEN THE FIGHT BEGAN, EVEN THE ONES WE WERE PA

Post by fagash_killer »

Wararkii Wargeyska Ogaal Caddadkii Maanta: Waraysi Dheer Oo Uu Wargeysku La Yeeshay Md. Waqaf Iyo Warar Kale
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 19 April, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


"Wasiirada badidooda waanu isla qaadanay go'aanka Dib-u-gurashada"


Wasiirkii Gaashaandhiga ee xilka laga qaaday..wariysi khaas ah oo uu Ogaal khadka telfoonka kula yeeshay markii uu Burco soo gaadhay.


Hargaysa(Ogaal)Wasiirkii Gaashaandhigga xilka laga qaaday Mudane Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ayaa iska fogeeyay eedaymo Madaxweyne Rayaale sabab uga dhigay xilka qaadistiisa. Islamarkaana waxa uu ku dooday in ciidanku ku guulaystay fulinta waajibaad kooban oo uu u tagay aaga Dhahar, lama huraana uu u arkay in ciidanku digarogasho sameeyo iyo in uu dib uga soo saaro aagaasi.


Aadan Maxamed Mire waxa kale oo uu sheegay in dib soo celinta ciidanka uu ku wargaliyay wasiiradii ku weheliyay Dhahar, islamarkaana ay badidooda isku waafaqeen. Waqaf waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Wargayska Ogaal khadka telefoonka kula yeeshay salaasadii markii uu Burco yimi, ka hor intii aanu shalay Hargaysa dib ugu soo laaban, waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan:


S: madaxweynuhu waa kii xilka kaa qaaday, wixii uu kugu eedeeyayna waxa ka mid ahayd inaad amar diido samaysay, oo ciidankii aad meesha ka soo saartay iyadoo markii hore amar madaxweyne meesha lagu tegay, isgaadhsiintiina aad ka goosatay, markaa jaaha-wareer badan baa dadkii ku jira oo arrinkani geliyay, ee Warbixin buuxda naga sii waxa kugu kelifay arrintaa?


J: Iyadoo aan aad u jeclaa inaan war-saxaafadeed-kayga hal mar soo wada saaro, haddana waxaan leeyahay arrintaa iyada ah ee isgaadhsiinta ku saabsan, xilligii dagaalku dhacayay ilamaa saacadii dambe ee aanu diga-rogashada samaynay, isgaadhsiintu way go'nayd, ma filayo in nalagu eedayn karo isgaadhsiin la'aanteed in dambi lanagu saaro. Amarada khaladka ahna, annigu amar saxa oo aan ku badbaadinayay ciidanka qaranka, Wasiiradii iyo hantidii halkaa maraysay ee Somaliland lahayd ayaanu ku guulaysanay, ciidankuna guul buu gaadhay. Waxaan markaa isu arkayaa ama aan isu wada arkaynaa cid badbaadisay ciidankii qaranka iyo qaranimadii Somaliland oo guul soo hoysay. Laakiin, ciidanka cidda dhabar-jebinta ku tilmaamtay, hawshaa iyada ahi waxay ku soo bixi doontaa war saxaafadeedkayga. Markaa marka xaqiiqada la taabto, ciddaasaa yeelanaysa oo noqonaysa cidda dhabar-jebisay Somaliland ee qaranimadeeda wax-yeeshay.


S: Ma madaxweynahaad ula jeedaa markaa?


J: ciddii ay doontaba ha noqoto ayaan ku idhi.


S: markii uu Madaxweynuhu war-saxaafadeedkiisa soo saaray, waxa uu ku sheegay in aad isgaadhsiinta ka goosatay, isla-markaana amarkaa dib-u-gurashadana aad samaysay, oo khalad lagu sheegay aad bixisay, saw sidaa maaha?


J: Xaalada meeshaa ka abuurantay oo dhawr marxaladood ahayd, ayaa keliftay in xeel-dagaal awgeed laga digo-rogto, taana, waxa ii banaynaya habka ciidanka, anigoo goobtii jooga inaan ka aag-bedelan karo markay xaaladu sidaa isu sawirto.


S: Wasiirada kale miyay go'aankaa kula qaateen mise keliga ayuun baa gaadhay?


J: Wasiirada waan u sheegay, waanan u soo bandhigay badankoodana waanu isla qaadanay inaanu aag-bedelasho samaynayo.


S: Ujeeddada markii hore aad meesha u gasheen maxay ahayd?


J: Ujeedada aanu meesha u galay waxay ahayd waajibaad kooban oo ciidanku fulinayay, tiina wuu fuliyay waanu ku guulaystay. Markaa, waajibaadkaa kooban ayuun bay ku ekayd ee may ahayn in xuduuda la tago iyo in la dago waxyaabahaasi kumay jirin meesha. Xuduudda tegideeda iyo sugitaankeedu waa istiraatijiyad ka gaara, isagayna (Madaxweynaha) ag taalaa, fulinteeduna waxay u baahan tahay qorshe sal-balaadhan oo u baahan in laga baaraan-dego istiraatijiyada lagu tegayo ee lagu difaacayo, oo aan ahayn in la geeyo ciidanka meel1000km taakulayntiisa looga diro ama laga diyaar-gareeyo. iyadoo ciidanka ka soo horjeedaa ay 32KM u jiraan taakulayntooda oo nusa-saac ay ku iman karayso.


S: Isgaadhsiinta aagaasi ama gobolkaasi ma dhinaca Boosaaso ayay raacsan tahay mise Somaliland ayay raacsan tahay?


J: Isgaadhsiinta aagaasi ama Ceerigaabo laga bilaabo iyo barigeeda, waa isgaadhsiin ku xidhan Boosaaso.


S: Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen?


J: Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno.


S:Waxa la sheegayaa, in Wasiirada laftooda khilaaf badani dhexdooda ka jiray, isu keenidooduna wakhti idinku qaadatay bal nooga waran arrintaa iyada?


J: Meeshu, horta xaalad dagaal bay ahayd, sakati fara badanina waa jiray. Markaanu Wasiiradii isu soo ururinay waxaanu tagnay halkii xarunta ciidamadu ay joogeen, sakati badan baa jiray. Hase yeeshee, markii aan u soo bandhigay ee aan shiriyay, inta badan go'aankaa in aag-bedelasho la sameeyo waan isla wada qaadanay Wasiiadda.


S: Warku wuxu nagu soo gadhay in ciidanka meesha aad gaysay iyadoo saad la'aani idin haysay, isgaadhsiin xumo idin haysay, duwo xumo idin haysoo aydaan dawo hayn, oo xataa askarigii dhaawaca ahaa uu dhiig-bax u dhintay markii dambe. Ma jiraan arrimahaasi?


J: Taakulaynta iyo hawlahaas waxaan filayaa ciddii u xil-saarnayd baa lagula xisaabtamayaa. Balse, waa wax jira, inay jirtay dhibaatadaasi, iyadana waxaan ku soo bandhigayaa warsaxaafadeed iyadoo faahfaahsan.


S: Haddaad sidaa u ogayd maxaad marka horeba u gelinaysay ciidanka?


J: Arrintani, arrin kooban bay ahayd, balantu waxay ahayd inay is-daba socdaan, tiina markaa may dhicin.


S: Hadda waxaad adigu isu qabtaa sow maaha nin ciidan badbaadiyay oo qarankii badbaadiyay, oo dadkii badbaadiyay?


J: Haa. Kaasaan isu qabaa.


S: Madaxweyne Rayaale maxaad u aragtaa markaa?


J: Wallaahay dee, Madaxweynaha waxa weeyaan, waxaan u arkayay isagoon iga helin asbaabtii, muddo 24 saacadood gudahooda anigoo hawshii ku jira inu go'aan deg dega gaadhay. Go'ankaa uu gaadhayna waxaan u arkayay mid lagu deg degay.


S: Laakiin, Markii hore aad halkan ka tegaysay lafteeda, waxa la sheegay inaad Madaxweynaha laftiisa isa sii khilaafteen. Taasi miyaanay jirin?


J:Wallaahay, wax khilaaf ah oo naga dhexeeyay ma jirin. Laakiin, dee ra'yi waan isku qabanaynay. Waxna waan isku raacaynay waxna waan isku diidaynay.


S: Taliyaha guud ee ciidanka laftiisa iskuma fiicnidin ayaa la leeyahay oo waad isku khilaafteen. Waxaana jira sida la sheegay dad badan oo lacag la iskaga qaato, oo aad adiguna soo tira koobtay islamarkaana wax ka qabashadoodii aad isku khilaafteen arrintaa ka waran?


J: Wallaahay taasi waxay ahayd wax Internally (wax gudaha ah). Way socotay iyadoo aan soo af-jarmina ayaan hawshan galay.


S:Wasiir duruufaha aad kaga soo saartay ciidanka Dhahar ee meesha yaalay, haddaad noo qodobayso oo aad mid-mid u kala qaado maxay yihiin?


J: Meeshu waxay ahayd meel aad u fog, waxa ka d'ayay meel walba roob. Isla markaana waa dhul godana oo gawaadhidu hadday gasho aanay ka bixi karayn. Waxa kaloo jirtay mandaqada aanu joognay in aanu dadku ahayn dad la saaxiiba ama taageeraya ciidamadeena halkaa jooga. dhawaanshaha dhinaca kale taakulayntiisa iyo cadowga oo u arkayay in Wasiiradaa iyo ciidaankaa meesha la keenay inay waxyeelaan ayaa iyana meesha ku jirtay.


S: Waxa la sheegayaa in tiro yar oo maleeshiyaad ahi ay idinla dagaalameen. Isla-markaana uu shaki meesha idinka soo saaray maxaad taa ka leedahay?


J: Waxba kama jiraan taa . Wixii nala dagaalamay goobta ayaa lagu ogaa. Waxa lagu garan karaa baxaada dadkaasi leeyihiin, boqol way ku dhadhawaayeen inta ka dhimatay meesha.


S: Hadda ciidankan aad mushaharka siin jirteen ee degaankaas ka soo jeeda, ee markii dambe xagaa ka soo jeestay, maxaa laga yeelayaa?


J: Weli waa talo u taala madaxda qaranka iyo ciidanka qaranka oo aanu u gudbin doono haddii Alle yidhaahdo.


S: Haddii Madaxweyne Rayaale meel kale kuu magacaabo oo aan halkan ahayn ma filaysaa inaad qabanayso?


J: Maya, haba ka yaabin. Waayo, karaamo iyo sharaf ii dhimani ma jirto, annagoo waliba naloo tirinayay raggii isugu dhaw dhawaa inaanu ahayn, haddana maanta isagoo aan sugin wixii aan soo qabtay iyo warbixinteedii, ayuu idaacada ka sii daayay waan eryay.


S: hada, Siduu ciidankii aad ka timi u arkaayay?


J: Wallaahi ciidankii aan ka imi, waa ciidan aan aad iyo aad ugu hambalyaynayo shaqaday qabteen, balse madaxdiisii iyo taakulayntuu u baahnaa aan helin.


S: Maxaad hadda, u jeedinaysaa guud ahaan ciidanka reer Somaliland ee aad markii hore Wasiirka u ahayd?


J: Waxaan leeyahay ha la adkaysto, xoojiyana midnimada, qaranimada iyo nabadgelyada. Waxaanan idiin rajaynayaa inaad noqotaan ciidan sii dhisma oo difaaca jiritaanka Somaliland.


Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Aadan Maxamed Mire Waqaf, wuxuu shalay ku soo laabtay Hargaysa isla markaana si'aad ah ayaa loogu soo dhaweeyay. Waxaana duleedka magaalada ka soo gelbiyay gaadiid tiro badan, kuwaasoo ku simay ilaa gurigiisa. Hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah muu bixin. "Waan u mahad naqayaa dadweynaha sida wanaagsan ii soo dhaweeyay, waxaanan u sheegayaa umadda oo aan qabaa in aan ciidankii badbaadiyay oo aanan dhaliil lahayn. ma qabo, wax I qabtana maaha wax Qaranka iga qabtana maaha in aan u geysto dhabar jabin, wixii taa ku tilmaamayna iyagaa taasi ku sifoobaysaa, wax aan qarinayaana ma jirto, balse hawl ayaan kusoo jiray dib ayaanan ka waramayaa." Weedhaa kooban ayuu yidhi Wasiirka xilka laga qaaday ee gaashaandhiggu.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Weftigii uu horkacayay oo gaadhey Ceerigaabo.

Ceerigaabo (Ogaal)Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay weheliyaan wefti ka kooban 7 xubnood oo isugu jira saddex wasiir sadex xildhibaan oo Golahayaasha Guurtida iyo Wakiilada ah, lataliyaha madaxweynaha ee arrimaha ciidammada ayaa shalay gaadhey magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.


Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Ogaal ee Gobolka Sanaag waxa weftigan halkaas ku soo dhoweeyey taliyaha ciidammada qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil "Taani" oo hore usii joogey Gobolka Sanaag madaxda Gobolka iyo dadweyne aad u tiro badan.


Wariyaha Ogaal waxa uu warbixintiisa ku yidhi oo kale, "Inkasta oo aan Madaxweyne-ku xigeenka iyo weftigiisu aanay saxaafadda siinnin wax war ah oo ku saabsan nuxurka socdaalkooda, haddana, waxa maalmahanba dhegaha dadka kusoo dhacayey wararka sheegaya in xukuumaddu ay Gobolka Sanaag u dirayso wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenku kuwaas oo ka hawl gelaya xaaladda ka jirta bariga Sanaag, islamarkaasna uu Madaxweyne-kuxigeenku la wareegayo xilka hoggaaminta xaaladda bariga Sanaag.


Dhinaca kalena xaaladda bariga Sanaag oo dagaalladii dhowaan ka dhacay degmada Dhahar kaddib yeelatay muuqaallo kala geddisan iyo saamayn dhinacyo badan isugu jirta, sidoo kalena ay jiraan fekredo kala duwan oo bulshadu ka qabto arrintaas, haseyeeshee inta badan bulshadu waxay ka siman tahay dayacaadda ay xukuuda ugu jeedinayaan xuduudaha iyo kasbasho yaraanta bulshada ee bariga Sanaag, sidaasoo ay tahay haddana waxa la filayaa dhinacyo badan marka wax laga eego, xaaladda xilligan lagu jiro in ay wax badan ka tari karaan weftigan uu hoggaaminayo Madaxweyne- kuxigeenka Somaliland.


Xubnaha weftiga uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeenkuna waxay kala yihiin sidan:-


1. Madaxweynekuxigeenka Somaliland "Md.Axmed Yuusuf Yaasiin".


2. Wasiirka Duulista hawada & G. Cirka "Cali Maxamed (Warancadde)".


3. Wasiirka xidhiidhka golayaasha "Cabdi Xasan Buuni".


4. Wasiiru-dawlaha Macdanta & Biyaha "Xasan Axmed Ducaale (Xasan-macallin)".


5. Xil-dhibaan Golaha Baarlammaanka "C/qaadir Jaamac Xaammud".


6. Xil-dhibaan Golaha Guurtida "C/salaam Max'ed Siciid".


7. Xil-dhibaan Golaha Guurtida "Xasan Maxamed Faarax". iyo


8. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha ciidammada "C/samad X. C/laahi".


"Imtixaanka Wasaarada Warfaafintu waa mid shakhsi soo diyaariyay"

Wasaaradda Warfaafinta: M Hay'addii Imtixaanaadkaa?


Hargeysa (Ogaal)-Suxufiiyiin ka tirsan Idaacada Radio Hargeysa, ayaa gadood ka muujiyay imtixaan Wasaarada warfaafintu ka qaadaysay shaqaalaha aan rigliga ahayn ee Wasaaradaasi shalay. Isla markaana Wariyaal cadhaysan ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee Xayndaabka Idaacada.


In badan oo ka mid ah Howlwadeenada kala duwan ee Wasaarada ayaa ka soo dareeray gadhka wasaarada ka dib markii ay ka war heleen in imtixaan laga qaadayo subax nimadii shalay, taasoo ay qaar kood ku sababeeyeen in aan loo sheegin kana warqabin qaadista imtixaankaba. Iyo in aan la soo marin hayadii shaqaalaha ee xaqa u lahayd Imtixaanka shaqaalaha dowlada. Islamarkaana aan howlwadeenadii hayada shaqaaluhu ka soo xaadirin, qaar ka mid ah xubnahaa gadoodsanaa oo aanu wax ka waydiinayay waxa ku kalifay dibad baxan iyo in ay diidaan imtixaankan oo shaqaalaha badhkood ay galeen. Shugri Aadan Xasan oo ka mid ahayd shaqaalahaasi ayaa iyada oo su'aashaas ka jawaabaysa waxa ay tidhi "Waxaan anigu urkaa in aanu ahayn imtixaanku mid sharciga waafaaqan, maxaa yeelay may diyaarin Ha'ada shaqaaluhu kamanay soo qeybgalin oo goob-joogayaasheedii ma joogaan. waana Imtixaan shaqsi kaliyi soo diyaarsaday, kaasoo aanaan anagu ku qanacsanayn, "


Mar su'aal laga waydiiyay in shaki ka galay in ay ku dhacayaan Imtixaankaasi iyo in kala waxay intaa ku dartay oo tidhi "Maya inigu shaqsiyan waxaan saxaafada ka shaqaynaayay laga bilaabo 1987kii, ilaa iyo hada waxaanan ka bilaabay shaqadii ugu horaysay Radio Hargeysa, waxa kale oo aan ka shaqeeyay mudo dhawr sana ah Radio Muqdisho, markii xukuumadii Yiyaad Bare ay burburtayna waxaan ka shaqeeyay Idaacadii la odhan jiray Somalaliya maanta, todobadii sanadood ee ugu dambeeyayna waxaan kashaqaynaayay Radio Hargeysa."


Suxufiyadu iyada oo hadalkeeda sii wadata waxay xustay in ay ahayd Gabadhii ugu horaysay ee Afka Carabiga kaga hadasha Radio Hargeysa, sidaa darteedna, ay mutaysatay dalacaad iyo ixtiraam balse aanay u qalmin in cadaadis la saaro iyada iyo inta la midka ahba. Waxa kale oo ay intaa ku dartay in ay jiraan shaqaale farabadan oo si isbaba jooga ah looga eryay, markana loo qiil dayayo sidii kuwo hor leh looga eryi lahaa Wasaarada.


Khaddar Maxa'd Jaamac, oo ah mid ka mida wariyayaasha qaybta Afka Ingiriisida, isla markaana ah soo saaraha Barmaamushka faaqidaada dunida, ayaa dhaliil kulul u soo jeediyay Cali Fuaad oo isagu qaadayay imtixaanka, kaasoo uu sheegay inaanu ka mid ahay shaqalaha Wasaarada warfaafinta, meel kalena aanu ka soo galin Dawlada, balse uu hore u haan jiray agaasimihii TVga Qaranka, Islamarkaana howshan imtixaanka uu isaga dhexgalay si aan sharci ahayn, Islamarkaana aanu lahayn khibrad saxaafadeed.


Mr Khadar oo waxa laga waydiiyay talaabada shaqaale ahaan u banaan ee ay qaadayaan waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. "Wixii aanu sharci u leenahay oo aanu cidkasta u sheegayno."


Dhinaca kale marka la eego waxaanu wax ka waydiinay sidii Imtixaanku u dhacay C/Casiis Cumar Cabdi oo ka tirsanaa howlwadeenada iyagu galay imtixaankaasi, isla markaana waxa uu sheegay in aanu imtixaanku ahayn imtixaan saxaafadeed ee uu ahaa mid lagu eegaayo ee heerka aqooneed ee qofka, sidii uu ula muuqday isaga. Mar aanu su'aal ka waydiinay in ay cidi ka joogtay Hay'ada shaqaalaha? waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi "Aniga shaqsiyan iimay muuqan cid Hay'ada shaqaalaha ka tirsani."


Intii uu wasaarada warfaafinta la wareegay Axmed Xaaji Daahir waxa isa soo tarayay cabashooyin ka imanayay dhinaca shaqaalaha.

Wasaaradda Maaliyadda oo amartay in lagu sii dhaqmo Miisaaniyaddii 2006


Hargeysa (Ogaal)- Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ka hor intii aan shalay shirgudoonka Wakiiladu jawaabta ka bixin soo celintii miisaaniyada ee Madaxweyne Rayaale, waxa ay 16-kii bisha soo saartay qoraal ay kaga hadlayso Miisaaniyada iyo in ku meelgaadh ahaan lagu sii dhaqmo Miisayadii 2006-da,


Qoraalkaas ay Wasaarada Maaliyadu soo saartay oo uu ku saxeexnaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md Axmed Nuux Aw Cabdi (Shaacir), oo lagu socodsiiyay Wasaaradaha, hayadaha madaxabanaan iyo sadexda ciidan qaran waxa uu u dhignaa sidan.


"Maadaama oo Miisaaniyada Sannadka 2007-da weli aanay sugnayn ansixinteedu, oo dib loogu sii celiyey Golaha Wakiilada.


Waxaa lagama maarmaan-noqotay in aan hawlaha Qaranku is-u-taagin, in si ku meelgaadha loogu sii dhaqmo Miisaniyda 2006-da, sida ku xusan Qodobka 55aad Faqqadiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.


Dhaqan-gelinta ku meelgaadhka ah, waxaa loo racayaa sidan hoos ku xusan.


1-Kharashyada soo noqnoqda, waxaa si ku meelgaadha loo hakinayey faraqa Labada Miisaaniyadood 2006-2007, oo aanu ku jirin korodhka mushaharooyinka iyo Raashinka, oo ka bilaabmaya Jeneweri 2007.


2-Waxaa kale oo la hakiyey Kharashyada iibsiga Hantida.


Waxaa xusid mudan in wixii tafaasiil dheeraada ee loo baahando dhinaca diyaarinta ah (Waaranada) lagala soo xidhiidho Waaxda Maaliyada."

Dhaxal-Reeb: Buug Cusub oo taariikhdii SNM ku saabsan


Hargeysa (Ogaal)- Munaasibad ay ka soo qaybgaleen Abwaano, Proffesorro, dadweyne tiro badan, ardayda Jaamacadda Hargeysa iyo Marti sharaf kale, oo lagu soo bandhigay Buug uu qoray Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa shalay lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa.


DHAXAL-REEB HORAAD oo ah Buugga lagu soo bandhigay Munaasibadaasi, ayaa waxa uu xambaarsan yahay Macluumaad iyo Qormooyin isugu jira Suugaan, dhaqan, Taariikh-nololeedyadii qaar ka mid ah Hogaamiyayaashii Somaliland, halgamayaashii dalka u soo halgamay, Taariikhdii/maqaaladii Ururkii SNM iyo waliba Sooyaalkii Taariikheed ee Somaliland.


Buuggan oo ka kooban 517 Bog, ayaa sida Qoraha Buuggu sheegay waxa qoritaankiisa uu bilaabay Bishii May 2002 ilaa December 2006.


Xafladda lagu maamusayay Bandhigga Buuggan oo ay ka soo qaybgaleen dad aad u tiro badnaa ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa Abwaano caan ka ah Deegaanada Soomaalidu degto, sida Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Axmed Aw-Geeddi, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Cabdi Haybe Cilmi, iyo sidoo kale Marti-sharaf aad u tiro badan.


Buuggan ayaa waxa uu daba socday Buug uu hore u qoray Boobe Yuusuf Ducaale oo uu ku soo ururiyay Suugaantii iyo Maansooyinkii Alle ha u naxariistee Abwaankii Waynaa ee Cabdilaahi Suldaan Timacadde. Kaas oo soo baxay sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2006.

Qoraalka Jawaab adag oo shirgudoonka Wakiilladu u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale


Madaxweyne Rayaale xaq ma u leeyahay in uu dib u celiyo miisaaniyada?


"Sababaynta aad ku diiday waa mid ka hoosaysa astaanta aad u taagan tahay ee ah Madaxweynihii ay doorteen bulshada aan haysan daryeel caafimaad, biyo iyo waxbarasho aasaasiya."


Hargaysa(Ogaal)-"Goluhu wuxuu tixgelinayaa go'aankiisana ku salaynayaa qodobka 55-aad faqradda 1-aad ee Dastuurka, qoraalkaaga iyo codsigaaga ah sidii aan idiinku soo gudbiyay iigu ansixiya oo dastuurka khilaafsan malaha wax-garawshiiyo ah, awoodna uma lihid soo celinta miisaaniyadda. Sidaa oo kale ma jirto qodob dastuurka ka mid ah oo waajib ka dhigaya inaan kaa ogolaano codsigaaga, sidaa daraadeed, waa inaad raacdid dastuurka oo aad fulisid go'aanka Golaha ee dastuuriga ah." Sidaa waxa Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ku sheegeen Qoraal jawaab ah oo ay Madaxweynaha ka siiyeen soo celinta Miisaaniyada ee 2007.


Qoraalkaas jawaabta ee shirgudoonka Wakiillada oo uu ku saxeexnaa Gudoomiye ku xigeenka koobaad ahna ku simaha Gudoomiyaha Wakiillada Mudane, Cabdi-casiis Maxamed Samaale isaga oo dhamaystiran wuxuu u dhignaa sidan.


"Jawaab celin qoraal LR-JS


L/M/GW/08/-0091/042007


Mudane Madaxweyne,


Markaan si qoto dheer leh uga baaraan-degnay qaanuun ahaan warqadda summaddeedu ahayd LR-JSL/M/GW/08-0091/042007, ujeedadeeduna ahayd dib-u-celinta go'aan Gole NO. GW/KF-QC2/344/2007 ee 19/03/2007 waxa cad: -


1-Inaanu jirin qodob dastuurka Qaranka ka mid ah oo awood kuu siinaya in aad dib ugu soo celisid go'aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen Miisaaniyadda Qaranka.


2- In aad meel fog iska dhigtay ku dhaqanka iyo u hogaansanka Dastuurka, qiimana aanay kula lahayn qodobkii aan la socon karin danahaaga gaar ah.


3- In aanad ku dhaqmayn go'aanka Goluhu ku ansixiyay Miisaaniyadda ee ku salaysan qodobka 55 (1) ee dastuurka, si ay kuugu suura gasho inaad isticmaashid kharakhshkii Goluhu kaaga jaray baahiyo kale oo Qaran.


4- Inaanu jirin qodob datuuri ah oo go'aanka Goluhu khilaafsan yahay, balse aad leedahay waa in la yeelaa sidaan rabo. Taasoo ka soo horjeedda dastuurka una muuqata diktaytarnimo.


Haddaba mudane Madaxweyne, qoraalkaaga waxaa ka soo baxay markaan qodob-qodob u eegnay sidan: -


1-Qodobka 94 (1) ee dastuurka Somaliland oo qeexaya sidan: "Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa iyagoo wadjir u go'aamin doona siyaasada guud (General Policies) qorshayaasha (Planning) iyo barnaamijyada dawlada (Programs of the State)" qodobkani maaha mid khuseeya miisaaniyada, sabab aad adigu u deesatay lama garan karo.


2- Qodobka 55 (1) wuxu si gaar ah u tilmaamayaa awooda gaar ahaaneed ee Golaha Wakiilladu u leeyihiin miisaaniyada, wuxuuna leeyahay "Golaha Wakiilladu waxay ka doodi karaan, waxna ka bedeli karaan Miisaaniyada, kuna ansixinayaan go'aan Gole" waana ka Goluhu u adeegsaday wax ka bedelka miisaaniyada.


3- Qodobka 90 ee dastuurku, wuxuu leeyahay "Madaxweynuhu waa madaxa qaranka iyo dawlada; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka. Ilaalinta nabadgelyada, horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka dawlada. Si uu u gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo socda." Awoodahaas oo aanay ku jirin in uu soo celiyo miisaaniyada Goluhu ansixiyay isagoo adeegsanaya qod: 55 (1) dastuurka.


4-Si la mid ah qodobka 37 ee dastuurku wuxuu ka hadlaa kala xadaynta saddexda awoodood ee qaranka, iyadoo Qodobka 38 (1) Dastuurku u gaar yeelay awooda xeer dajinta Golaha Baarlamanka, miisaaniyada oo xeerarka ka mid ahna si gaar ah Qod. 55 Dastuurku u gaar yeelay Golaha Wakiillada.


5-Sharciga nidaamka Qaranka (Regulation for the state), Qodobka, 10-16 xeer LR.87/96, inkasta oo xeerkaa lagu dhaqan-geliyay Decreto Madaxweyne LR. 249 ee 15/05/96, haddana waxay waafaqsan yihiin Qodobka 55 (1), iyadoo qodobka 13 ka hadlayo awooda Golaha ee uu miisaaniyada ku ansixinayo, halka qodobka 16 ee xeerkaasi uu sheegayo wax ka bedel kasta waxaa lagu soo saarayaa xeer. (Eeg 13 iyo 16 xeer. LR.87/96).


6-Qodobka 77 (5) dastuurka, wuxuu ka hadlayaa mashruuc sharci oo aan ahayn kuwa maaliyada oo ah kuwa labada Gole wada mara, sida ku qeexan qodobka 78 (1) oo leh "Maamul-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyada oo Golaha Wakiilladu aqlabiyad ku oggolaado waa in loo gudbiyo Golaha Guurtida, kaas oo markaas ogolaan kara ama wax-ka-bedel soo jeedin kara, iyadoo qodobka 77 (5) dastuurku leeyahay sidan:-


"Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyay Baarlamaanka, wuxuu ku saxeexayaa saddex todobaad (21 maalmood) gudahood, laga bilaabo taariikhda mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka dib ugu soo celin" waa kan labada Gole wada mara sida ku qeexan qodobkaa hore 78 (1) Dastuurka.


Halkaa waxaa ku cad in Golaha Wakiilladu adeegsaday awoodooda ku qeexan qodobka 55-aad (1) Dastuurka, qodob dastuur oo ay ku xadgudbeena aanu jirin. Sdioo kalena qodob dastuur iyo xeer ogolaanaya in dib loogu soo celiyaana aanu jirin.


Ansixinta miisaaniyadda 2007 waxaa Golaha Wakiilladu u cuskaday, awoodna u siinaya qodobka 55-aad ee dastuurka, kaasoo xubintiisa 1-aad leedahay "Golaha Wakiilladu waxa uu ka dooddii karaa, waxna ka bedeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go'aan Gole" awooda ansixinta miisaaniyadda qodobkani lama wadaajin Golaha kale ee Guurtida mana tilmaamayo in Golaha Wakiilladu miisaaniyadda u ansixinayo sida xukuumaddu ugu soo gudbisay, ama Madaxweynuhu jecel yahay.


Sida ku cad qoraalkaaga marka la raaco weedhaada odhanaysa waa in Goluhu Miisaaniyada u ansixiyaa sidii ay Wasaaradda Maaliyaddu ugu soo gudbisay, daah ma saarna in aad doonaysid in aanad ku dhaqmayn dastuurka ee taadu kuu go'an tahay, sarrayntii dastuurka ee ku qoran qodobka128-aad xubintiisa 2-aad-na meeshaba ka saartay, iyadoo qodobka 90-aad ee dastuurka xubintiisa 14-aad waajib kaaga dhigay inaad xil-gudashadaada dastuurka ku salaysid.


Wax ka bedelka Goluhu ku sameeyay miisaaniyadda wuxuu ku saleeyay kala mudnaanta baahiyaha faraha badan ee Qaranka, wuxuuna kharashyo ka jaray meelo uu u arkay in ay ka mudnaan yar yihiin meelaha ay u kordhiyeen oo kala ah caafimaadka, waxbarashada, biyaha, doorashooyinka, jaamacadaha, hirgelinta dimuqraadiyada, iyo meel-marinta qadiyadda Somaliland iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi, qoraalkaaguna ma sheegin wax kuwaa ka mudan, sidaa darteedna sababaynta aad ku diiday waa mid ka hoosaysa astaanta aad u taagan tahay ee ah Madaxweynihii ay doorteen bulshada aan haysan daryeel caafimaad, biyo iyo waxbarasho aasaasiya.


Garnaqsiga ku saabsan xaaladda Madaxweynihii hore ee geeriyooday mudane Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo Golihii hore maanta maaha garnaqsi Golahan u yaal ee waa arrin ay ka garniqi doonaan ummaddii ina dooratay, taariikhduna ay wax ka sheegi doonto.


Gebogebo


Goluhu wuxuu tixgelinayaa go'aankiisana ku salaynayaa qodobka 55-aad faqradda 1-aad ee Dastuurka, qoraalkaaga iyo codsigaaga ah sidii aan idiinku soo gudbiyay iigu ansixiya oo dastuurka khilaafsan malaha wax-garawshiiyo ah, awoodna uma lihid soo celinta miisaaniyadda. Sidaa oo kale ma jirto qodob dastuurka ka mid ah oo waajib ka dhigaya inaan kaa ogolaano codsigaaga, sidaa daraadeed, waa inaad raacdid dastuurka oo aad fulisid go'aanka Golaha ee dastuuriga ah.


Haddii aan Goluhu waxbaba ka bedeli karayn miisaaniyadda loo soo gudbiyay maxaa looga baahan yahay marka horeba in la yidhaahdo Golahaa ansixinaya oo loo soo gudbiyaa.


Waxaan rajaynaynaa in aan dhawrno dastuurka iyo sharciga inoo yaal."

Fiid-meerreey waagii baa beryay!


Somaliland: Waqaf iyo Rayaale midkee fashiliyay?


"Raashinku ciidanka waa ku gabaabsi, sidaa daraadeed, 24-saacadood gudahood waa in laygu soo gaadhsiiyo raashin, haddii kale xaalka jimicsi ka filimaayo. Maxaad tidhi? Waxaan ku leeyahay si dhaqso ah sahaydaa hanaloo soo gaadhsiiyo. Si fiican, hadaan soo diraynaa. Okeey, deg deg."


Xaalladu way ku adkayd, isla-markaana, waxa ciidankiisa haystay cidhiidhi badan. Dagaal kulul oo aan food-qaadis lahayn ayaa qabsaday. Hase yeeshee, waxay haysteen saad rasaaseed oo fiican, balse waxa gabaabsi ku ahaa raashinka. Sidaa daraadeedna, hogaamiyihii ciidanku wuxuu diray qaylo-dhaan dheer, oo uu ku dalbaday in ciidanka raashin lala soo gaadho.


Nasiib-darro, taliskii raashinka laga dalbay, wuxuu u diray ciidankii furinta ku jiray rasaas. Taliyihii ciidankaa dagaalka ku jiray, aad buu uga xumaaday taas. Wuxuu is-tusay taliskuu raashinka ka sugayay ee rasaasta u soo diray, inuu yahay mid cadawnimo kula kacay haybadii iyo jiritaankii ciidanka. Isla-markaana, ku talo-galay in dhamaanba inta farrinta joogta la laayo.


Hala yaabin dhadhanka weedhahan hordhaca ah, waayo, waa dhaqan caan ka ah goobaha dagaalka. Is-khaarajinta, wanjalka iyo dabinada dilkuba waa xeellado ay isku reebaan, Inan-rag markay goobta dirirta taagan yihiin. Dabcan, colka kaa soo horjeedaa waa cadowgaaga, oo waxaad ka filaysaa waa dil. Laakiin, falalkan oo kale waxa isu adeegsada sida taariikhda dagaalada dunida ka soo dhacay ku cad, baarqabada qadiyad ahaan dhanka ka wada jeeda. Maaha qaar si badheedh ah laysugu beejiyo, balse waa qaar xirfad iyo xeelad laysugu durreeyo. Metelan, adigoo rasaas dalbaday, ayaa bariis laguu keenayaa. Adigoo daawo dalbadayna rasaas baa laguu keenayaa. Tani waxay ku noqonaysaa ninka furinta jooga waran, kaga xannuun xun xabada cadowgu ku soo ridayo. Sida qaalibka ah, hadafyo siyaasadeed ayaa badiyaa dabada ka riixa isticmaalka dhaqamadan.


Masuuliyiin is-haysa oo is-fashilinaysa, damac siyaasadeed oo damac ka soo horjeeda khaarajinaya iyo meel-marinta danno qarsoon oo shakhsi ahiba, waa ka mid sababaha horseeda adeegsiga xirfadahaa. Hase yeeshee, hadana, taariikhdu ma gefto bayaaminta wixii qol madow gudihiisa ka dhaca.


Aarraartani waa sawir kooban oo ka turjumaya khiyaamooyinka goobaha dirirta ku lamaanaan kara, ama ka dhici kara, ka dhacay, ka dhici doona. Hase ahaatee, mararka qaarkood waxa suurawda, fal qof keliya lagu jalaafaynayay inuu qaran dhan jirintaankiisa, haybadiisa iyo karaamadiisaba dumiyo.


Haatan hor-dhacani mitaal uma aha Somaliland iyo dhacdadii Dhahar. Laakiin, wuxuu qalinku ugu talo-galay akhristaha, si uu wax uga fahmo ficillada qarsoon iyo xeelladaha leexsan ee ka dhex dhaca goobaha dagaalada.


Isla-markaana, caado ahaan ay gudahooda isu adeegsadaan qoodha qoonsimaadka damacu istusay. Sidaa daraadeed, bal aynu hormadaa halkaa ku hakino, una degno dulucda daymada qalinka.


DHACDADII DHAHAR:


Cadadkii kan ka horeeyay ee Isniintii waxa jiray mugdi weyn oo ku gadfanaa xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdadii Dhahar. Badi ra'yul caamka bulshada waxa dhegahooda soo jiitay dhawaaqii Madaxweyne Rayaale xilka kaga qaaday Wasiirkii Gaashaandhiga Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ee laga baahiyay BBC-da. Isla-markaana, waxa ku lamaanaa eeddo culus oo Madaxweynuhu u cuskaday xilka qaadista. "


‘'Amar ka soo baxay saaka xafiiska Madaxweynaha JSL Wuxuu Xilkii kaga qaaday Wasiirka gaashaandhiga Mudane Aadan Mire Waqaf , markuu iska dhago tiray amarka, kana goostay xidhiidhkii isgaadhsiineed Madaxweynaha JSL oo isla markaana ah Commander in Chief –ka Ciidanka Qaranka iyo taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Arrimaha ku wajahan hawl galada ciidan ee gobolka Sanaag, isagoo bixiyay amaro qaldan oo jaah wareerin iyo dhabar jab ku ah qaranimada Somaliland." Weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen qoraalkii xilka qaadista Wasiirka. Warsaxaafadeedyo kale iyo xamla-dacaayo lagu xoojinayay jiidashada ra'yul-caamka guud ayaa iyana ka baxaysay warbaahinta dawlada, taasoo gebi ahaanba sawiraysay in Wasiirka xilka laga qaaday uu khiyaamo qaran galay, amar diidona sameeyay. Hase yeeshee, waxaan meesha ka madhnayn oo boggaga Wargeysyada ku soo baxay siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo aqoonyahan kale oo habkaa Madaxweynuhu ku eryay Wasiirkiisa ku tilmaamay, mid qaran jab ah oo ceeb ku ah ciidanka iyo anshaxa nidaamka dawliga ahba. Laakiin, markii uu Wargeyska Jamhuuriya faafiyay dhawaaqii u horeeyay ee Md, Waqaf ka soo yeedha, ee uu ku cadeeyay amarka dib u soo saarista ciidanka inuu isagu bixiyay. Ka dib, waxay u muuqatay Madaxweyne Rayaale korodhnimo taageerada kaftanka siyaasada ah inuu helay. Waayo, hadalka Md, Waqaf laga soo weriyay, wuxuu ahaa mid aany sababo xaqiiqda sii kala saafayaa la soconin. Taasina waxay wadada u nadiifisay dooddii Madaxweynaha, iyo in Wasiirka la eryay lagu tilmaamo nin khiyaamo qaran galay.


Inkasta oo ay sidaas ula ekayd dad badan, oo ku kaaftoomay hordhacii xaqiiqda. Hadana, waxaan marna quusanin in badan oo qawadaysay dhinaanshaha xaqiiqooyinka dhacdadii Dhahar ee galaafatay Wasiirkii Gaashaandhiga.


Hadaba, wax kasta oo hore loo faafiyay iyo dood kasta oo runta ka taagnaydba, haatan, waxa la joogaa amintii mugdiga falaadhaha cadceedu meesha ka saari lahaayeen. Isla-markaana, aynu qalinka si kalsooni leh ugu baadhi lahayn ficilada qarsoon iyo khadadka sireedka saamaynta leh ee loo aanaynayo inay la xidhiidhaan mawduucan.


La soco cadadka dambe faaqidaadan Fiidmeerta loogu wanqalay.

Hargeysa: Abwaan Ismaaciil-cagaf oo geeriyooday


Hargeysa (Ogaal)- Alle ha u naxariistee, waxa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa Abwaan Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil Cagaf).


Marxuum Ismaaciil Cagaf, oo ka mid ahaa Suugaanyahanada waawayn, ee Somaliland, waxa saaka lagu aasayaa magaalada Hargeysa, iyada oo maydka marxuumka laga qaadayo gurigiisa oo ku yaala ku yaala agagaarka Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali. Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Ismaaciil Sheekh Axmed (Ismaaciil Cagaf), oo door muhiim ahaa ku lahaa suugaanta Somaliland, waxa uu Wargeyska Ogaal akhristayaashiisa u soo gudbin doonaa sooyaalkiisii taariikh-nololeed iyo suugaaneed, haddii Eebe idmo.


Dhamaan bahda Wargeyska Ogaal, waxay tacsi u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland ee uu ka baxay Abwaan Ismaaciil Sheekh Axmed (Cagaf), waxaanay Illaahay uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana uu Rabi naxariistiisa ugu deeqo.


Aamiin....Aamiin.....Aamiin....Aamiin.....Aamiin.

Source: Wargeyska Ogaal
User avatar
maria from west side
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4694
Joined: Sun Oct 03, 2004 6:31 am
Location: Iceland
Contact:

Re: SOMALILAND DM:WHEN THE FIGHT BEGAN, EVEN THE ONES WE WERE PA

Post by maria from west side »

Copy cat.....
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”