Page 1 of 1

Magaalada Muqdisho oo hadda Degan kadib Dagaal Xooggan

Posted: Fri Apr 20, 2007 3:00 pm
by Hiiraan boy
Muqdisho:-Magaaladda Muqdisho ayaa saaka waabarigii waxaa lagamaqlayay Rasaasta waawayn iyo hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo laga maqlayay guud'ahaanba magaaladda muqdisho walow ay hadda xaaladu dagantahay.

Israsaaseeyntaan ayaa waxa ay dhexmadhay ciidamadda dawladda itoobiya iyo kuwa dawladda somalia oo iskaashanaya iyo xoogag diidan joogitaanka ciidamada itoobiyaanka.

Israsaasayn socotay daqiiqado ayaa waxa ay haraysay magaaladda oo dhan iyadoo dadka deegaankuna ay kamuujiyeen walaac horleh dagaaldda kasoo cusbboonaaday Muqdisho.

Balse wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hadda lamaqlayo Rasaas teel teel iyo madaafiic goos goos ah oo ay iswaydaarsanayaa qolyaha ku dagaalamaya magaaladda Muqdisho.

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid xoogaa dagan haseyeeshee markasta waxaa lafilan karaa dagaal iyadoo labada dhinac ee dagaalamaya ay is horfadhinyaan.

Abuu Hurayra
Halgan.net