Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
S :Waxaa tilmaantay in uu dalkeenu dhaqaale badan lahayn caawimana aanu dabada ka helin sidee ayaa markaas musuqmaasuqa iyo dhibaatadiisa iskugu qaban karaan?
http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=07042006 J: Somaliland waxa ay leedahay khayraad dabiici ah, waxana la sheegay in ay baatrool leedahay, xoolo nool, beeyo iyo khayraad bad iyo bariba ku jira oo aan la soo koobi karin, laakiin waxaad moodaa in siyaasadda dawladdu aanay u shaqaynayn waddadii wanaagsanayd ee loo mari lahaa wax-soo-saarka dalka, tusaale ahaan dekedda Boosaaso waxa ka soo baxa 50, 000, 000, dekedda Berbera-na waxa ka soo baxa 300, 000 waxaan dhammayn, iyada oo ay dekedda Berbera tahay meel soo jireen ah oo ilaa faraacinadii jirtay. Sidee ayay u dhici kartaa inay ka dakhli badato Boosaaso oo beri dhawayd la sameeyay? Maxaa loo waaway afar wiish oo dakada wax ka roga, arrintu maaha dhaqaalaha ee waa siyaasad-xumada xukuumadda Daahir Rayaale. "
Dhoofinta Xoolaha SL Dal Kale Waa Minjaxaabin Dhaqaale Ciqaabtuna Waa DIL Ali Gulaid — San Jose, CA, USA — 16 April, 2007 --------------------------------------------------------------------------------
"Ninka Somalilander ah ee yidhahda xoolaha SL waxan ka dhoofinayaa dal kale, waa minjaxaabin dhaqaale, ciqaabta uu mudanayana ay tahay DIL" sida waxa yidhi Wasiirka xanaanada xoolaha mudani Idris Ibrahim Cabdi shir jaraa'id oo uu qabtay September 28, 2004. Waxa uu wasiirku intaa raaciyay, " waxa sida qoraaya qodobka 96-aad, dastuurkena ee akhriya. Waa DIL weeye. Go'aanka Somaliland waa kaas" Wasiirka Xooluhu waxa kale oo uu yidhi, "Al-Jibiri haddi uu wadanka soo galo waan xidhayaa"
Taasi doraato ayaay aheyd maantana waa "waxba nagama gelin dekeda laga dhoofinaayo Boosaasana ahaatee". Ninkii Al-Jabiri ee uu wsiirku shaly yidhi wan xidahaay haddi uu wadanka soo galo maanta ayaa si heer qaran ah Madaxtooyada loogu soo dhaweeyay oo heshiiskan loogu saxeexay si degdeg ah. Wasiirku imise heshiis oo uu hore u yidhi waan saxeexay ayaa wada noqday hal bacd lagu lisay: Shirkadii SGS ee Switzerland; Wasiirka Beeraha ee Sucuudiga; dhismihii qolalka xoolaha lagu karantiimeeyo ee Baanka Islaamka (Islamic Bank);Ganacsade Sucuudi ah oo lagu magacaabo AL-CATAS.
Maanta iyo shalay iyama ayuu wasiirku been sheegaayay? Goa'aankii SL ee dilka ahaa goorma lagu bedelay kan ah haddi Boosaaso laga dhoofinaayana waxba nagama gelin? Halkaasi waxa ka cad ina aay dhabtahey siyaasadii xukuumada Riyaale muddada dheer maleegeysay ee aheyd ina xoolaha laga dhoofiyo dekedda Jabuuti ee uu xisbiga KULMIYE iyada oo qoraal ah saddex sanno ka hor soo bandhigay.
Dhaqaalaha amba ganacsiga xorta ihi waxa uu ku dhisan yahay tartan (competition) madaxbanaan oo ka reeban faragelinta xukuumada. Hebelbaa ganacsiga xoolaha amba ka telifoonada loo xidhayaa waa tii Siyaad Barre. Berritana ma joonyada hadhuudka oo sicir loo gooyo ayaa xigi!!
Mid aan isla-fahamno: Xooluhu waxaa aay soo marayaan Berbera waxa se aay ka dhoofayaan Jabuuti ee ma ah ina aay Jabauuti sii marayaan kana dhoofayaan Berbera. Sidaasi ha loo fahmo. Xoolaha nooli waa laf-dhabarka dhaqalaha ina suuq loo dhoofiyo la helaana waa lagama maarmaan hase yeesho ee heshiiska xukuumado la gashay ganacsadaha Sucuudiga ah Al-Jabiri ee uu wasiirku ku dhawaaqay (09/04/2007) waxa uu ka soo horjeedaa distoorka waana mid aay xukuumada Riyaale ku xooleyneyso qaar la mid ah ina XOOSH kii Siyad Barre sida haawsha yar iyo muddada yar ku xooleeyay. Qiimaha $29 dollar ah ee loo xadiday (marka laga jarro $7 dollar ee cashuurta ah) isna waa mid "sicral suuqa" aad uuga hooseeya. Hadaba qoraalkan waxa aan ku qaada dhigayaa a) Sida uu heshiiskaasi Distoorka uuga soo horjeedo b) Macnaha Suuqa xorta ah c) Ujeeddada u sinaashaha fursada ganacsiga/dhaqaale d) Qodobada uugu muhiimsan ee heshiiskani e) Marxaladaha aay Somaliland iyo Al-Jabiri isla soo mareen f) Xoolaha oo Jabuuti laga dhoofiyaa ina aanay aheyn fikrad cusub g) Ganacsatada kontraaga lagu siiyay h) Dheef yarida dhaqaale ee heshiiska i) Cawaaqib xumada uu u horseedi karo oo aan ku soo gebogebeeyo
Qodobka 11aad ee ku saaban dhaqaalaha faqradiisa koobaad waxa aay odhaneysaa Ganacsigu waa ina uu ku saleysnaada suuqa xorta (free market economy) farqradiisa labaadna waxa aay odhaneysaa bulshado waa ina aay fursada dhaqaale u sinaata. Waxaanay u qoran yiheen sidan:
Qodobka 11aad (Dhaqalaha Dalka)
Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha. Iyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
Ujeeddada Suuqa Xorta ah ee Ku dheehan Distuurka
Macnaheedu waa maxay? Suuqa xorta ihi waa mid sicirka aay ku heshiiyeen ka wax iibsanaaya (buyer) iyo ka iibinaaya (seller) iyada oo aanay xukuumado (government) fara gelin. Waxa kale oo inta raaca wax kala iibsigu waa ina uu ka reebanaada habarasho ka iman karta sida baqasho, cagajugleyn iyo iyada oo la kala gacan sareeyo
Kaasi waa ka xorta ah ee suuqa aan xorta aheynina (controlled Market) waa ka xukuumado sicirka gooyso. Haddaan sii balbalaadhiyo dhaqaalaha aan xorta aheyn xukuuumada ayaa go'aamisa waxa la soo saaraayo (production), sida loo qeybinaayo amba halka looga baahanyahay loo gaadhsiinaayo (distribution), iyo sicirka lagu iibinaayaba (Price)
Maxaay ku kala duwan yihin: Suuqa xorta ah qofka ganacsadaha ah ayaa go'aanka gaadha; Suuqa aan xorta aheyna xukuumada ayaa go'anka gaadha
Ujeeddada U Sinaanshaha Fursada Dhaqaale ee ku dheehan Distuurka
Maxaa loola jeedaa? Waxa looga jeedaa haddi aaynu dhofinta xoolaha ee Sucuudiga loo dhoofinaayo (ta maanta taagan) metaal u soo qaadano qofkasta oo xolaha ka ganacsadaba ina uu u dhoofin karo inta awoodiisa iyo kartidiisu dhaqaale ku siman tahey oo aan ciddina iska hortaagi karin ganacsataduna u siman tahey fursada ganacsi. Arsaaqada EEBE ayaa qeybsha. Somaliland waa wadan faqiir ah oo fursada iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale kooban yahey markaa haddi aay xukuumado halkii shilin ka soo baxaayaba cidda iyado u garato siiso iyada oo aan loo sineyan amba aan tartan loo gelin Diinta iyo Ganacsiga xorta ah midna ma ogola. Siyaasada noocaasi ahna dhaxalkeedo waxa weeye ina laba dabaqadood oo aad u kala sareeya xaga dhaqaalaha aay abuurmaan. Taasi waxa aay ku dhisan tahey eexasho iyo caddalad-darro waxaanay u horseedi kartaa ina labada dabaqadood aay aakhirka isku dhacaan. Taasina Khatar gelin karto jiritaanka xukuumada.
Qodobada Uugu Muhiimsan Heshiiska
Heshiiskan si qarsoodi ah ayaa loo galay marka wax yaala badan ayaa dahsoon. Waxaana la is la dhex marayaa ina cashuurta iyo kharashka dekeddana laga khafiifinaayo. Inta ilaa hadda se la og yahey waxa uugu muhiimsan:
Sicirka neefka adhiga ihi kaga dhoofaayo dekeda Berbera oo ah $29 marka laga reebo cashuurta dawlada oo caadiyan ah $7 ($36-7= $29) Muddada kontraag oo ah shan (5) sanno Shantaa sanno ee uu kontragu socdo cid aan AL-Jabiri aheyni xoolaha uuma dhoofin karto Sucuudiga Ganacsato Riyaale u gartay ayuumbaa AL-Jabiri xoolaha ka iibin karta Xoolaha oo dekeda Jabuuti la sii marinaayo Maxbar (laboratory) ku kacaaya $5 million oo dollar oo uu dhisaayo Al-Jabiri
Marxalada Somaliland iyo Al-Jabiri Isla Soo Mareen
Wasiirka Xoolaha mudani Idriss waxa uu jara'idka u sheegay ina uu Al-Jabiri yahey ninkii xoolaha Somaliland in badan hortaagnaa! Sida laga warqabo Ganacsade Al-Jabiri muddo dhawr bilood hadda laga joogo ayaa xukuumado ka mamnuucday ina uu xoola denbe wadanka ka dhoofiyo markii shacbigu ogaaday ina xoolihii Berbera laga dhoofiyay Jabuuti la sii mariyay iyada oo aan shacbiga la ogeysiin. Taasi oo dadka aad u damaqday uugana cadheysiisay. Siyaasiyiintii arrinta ka biya diiday waxa ka mid aha Fysal Cali Waraabe oo ku tilmaamay khiyaamo Qaran. Mamnuucii xukuumada ka mamnuucday ina xoolahu sii maran Jabuuti waxa aay ka cadheysiisay Jabuuti oo DANJIRIHI Somaliland soo eriday. Arintii dalkii aaynu jaarka aheyn aaynu cilaaqaadkii diblomaasiga ahaa ku kala qaadanay ayuunbaaa hadana maanta xukuumada dabadeedii ka noqotay oo aay ogolaatay ina Jabuuti laga dhoofiyo. Sua'aashu haddaba maanta waxa aay tahey maxaa is bedelay? Waxa isbedelay wasiirka iyo Riyaale ayaa laga sugayaa ina aay balbalaadhiyaan
Xoolaha oo Jabuuti laga dhoofiyo Fikrad Cusub Ma-aha
Xoolaha oo Jabuuti ka dhoofa muddo dheer ayaay xukuumada Riyaale qorshaha uugu jirtay. Nuxnuxda ceynkaaasi ah muudo saddex sanna ahba waa la hadal hayey. Waxa xusid mudan ina dadkii ka hadlay arinta uu ka mid aha Boqor Maxamuud (Buurmadow) oo weliba xadhigiisi loo aaneynaayo arrintaasi. Waxa iyana xusid mudan ina uu Xisbiga KULMIYE hore u soo bandhigay qoraalo cadeynaaya ina xukuumado damacsan tahey ina xoolaha Jabuuti laga dhoofiyo; qoraaladasi oo dhexmaray Waasiirkii hore ee qorsheynta (Axmed Xaaji Dahir) iyo Shirkada la yidhahdo Redsea Livestock Trade Commission oo Jabuuti degan. In kasta oo aay xukuumado dafirtay in badan; Inkasta oo aay ciqabteeda ku sheegtay DIL; hadda ayuunbaay runtii soo ifbaxday.
Ganacsatada Riyaale Kontraag Siiyay
Sida ay warar lagu kalsoon yahey oo aan weli la xaqiijini sheegayaan Riyaale kontraaga waxa uu u gartay afar nin oo kala ah 1) Aadan Axmed Diriye (Aadan Baradho) 2) Cali Ibrahim Ciise (Cali Waraabe) 3) Idiris oh nin Riyaale aay ilmaadeer yiheen (waxa aan ka cudur daaranayaa ina aanan Idris magaciisa oo dhan karanaheyn hase yeesho ee waa nin aad loo yaqaano)
Dheef Yarida dhaqaale ee Heshiiskan
Sida aay Ganacsatada aay ka midka yiheen Cabdi Xasan iyo Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma dheeri) ka sheegeen shirkii jaraai'd ee aay Rugta ganacsiga ku qabteen neefka adhiga ihi 15 sanno ka hor waxa uu taagnaa $100. Maanta oo baahidiina (demand) sii korodhay; xoolihii la diri jirayna sii yaraadeen (supply) waxa la filaayay ina uu sicirku kor u sii kaco. Mida kale sanadkii hore AL-Jaabiri waxa uu ku baayacaayay neefka adhiga ah $43. Maantana sida la soo weriyay xukuumado waxa aay kula heshiisay sicir ah $36 oo weliba la leeyahay waxa la arkaa ina cashuurta iyo kharashka degadana laga khafiifiyo
Qiimaha $36 ee loo xadiday ina uu neefka adhiga ihi dekedda kaga dhoofo waa mid aad uuga hooseeya "Suuqa al Sicirka" maanta taagan (market price) waana qiima xoola- leyda iyo ganacsatadaba lagu bakhsaayo oo aan istaahilin ina umada baahan lagu jideeyo. Waxa se dadbani aaminsan yiheen ina qiimaha runta ihi uu ka badan yahey $36 oo lacagta dheeraadka ihi ku dhacayso jeebada wasiirka iyo madax kale oo sarsare.
Heshiiskan lala galay AL-Jaabiri waa mid ku dhisan siyaasada dhaqaalaha loo yaqaanu hanti- wadaga ee cahdigee Siyaad Barree lagu dhaqmi jiray. Taasina dhaqaalaha amba ganacsiga ku dhisan suuqa xorta ah ee ku dheehan distorka waa mid ka soo horjeeda. Hanti-wadaga Siyaad Barre oo nuxurkiisu ahaa waxa umado u baahantahey xukuumada ayaa uu dooreysa cidda hadba soo dejineysa iyo sida dadka loo gaadhsiinaayana xukuumad ayaa magacaabeysa. Taasi waa tii dhashay ina XOOSH iyo kuwa kale oo la mid ah maciishadiina adkeysay.
Maxaa kale oo aanu macna u sameyneyn heshiiskani? Waxa xukumado ku andacooneysaa AL-Jaabiri waxa uu ku balan qaaday ina uu sameynaayo Maxbar (Laboratory) xolaha lagu baadho oo ku kacaaya shan (5) MILLON oo doolar. In kasta oo aanan aqoon gaar ah u laheyn cilmiga maxbarka haddana baadhis kooban oo aan sameeyay waxa aan ku qancay ina shan million aanay caqli geli karin oo aanu ka badan karin HAL Million mid inagu filan oo heerka uugu sareeya ihi.
Gebogebo
Maxaa lagu diidan yahey heshiiskan: a) Xoolihii Somaliland oo ku dhoofaaya ina aay yiheen xoolihii Jabuuti oo aay dadku u arkan minjaxaabin dhaqaale b) Qiimaha neefkii adhiga ahaa loo gooyay oo aad "sicral-suuqa" uuga hooseeya c) Fursadii ganacsi oo aan loo sineyn oo dhawr qof kontraag lagu siiyay iyada oo aan tartan loo gelin d) Heshiiska oo qarsoodi ah e) Sua'aalo badan oo ka taagan Maxbarka f) Al-Jabiri oo muddo dheer xoolaheena hortaagnaa imikana doonaaya ina uu rakhiis ku qaato IWM
Ummada reer Somaliland waxa aay isku xantaan ina hadba kii xumeeya sida Riyaale oo ka soo jeeday dhinaca Siyaad Barre halgankii SNMta aay u abaal gudaan! Tan maanta taagan ee Al-Jabirina waa la mid. Waxa nasiib darro ah ina (Al-Jabiri) oo ah ninkii shan sanno in ka badan xoolaheena hortaagnaa (sida uu wasiirku sheegay) maanta loogu abaal gudo ina koote (Monopoly) lagu siiyo dhuufinta xoolaha.
Sida la soo wariyay heshiiskan xataa wasiirka ganacsigu kama war qabo iska daa ina lagala tashado ganacsatada xoolaha oo. Durtaba waxa xukuumada ka soo baxaay hadlao is burinaaya. Xukuumado waxa aay tidhi Al-Jabiri waxa uu inuu dhisayaa Maxbar (Laboratory) ku kacaaya shan (5) million oo dollar. Sababta lacgta inta leeg loo gelinaayana waxa aay sabab uuga dhigtay ina aan meel kala oo xoolaha lagu baadho loo baahanahey oo aay si toos ah u tigi doonaan Sucuudiga iyaga oo aan meelna ku hakan. Imika se mar haddi xooluho sii marayaan Jabuuti halkaasi oo waraqadii caafimaadka iyo ta wadanka aay ka yimaadeen (certificate of health & certificate of origin) laga siiin doono, maxaaba looga baahan yahey Maxbarka (Laabka).
Haddii aay xukuumado xadiday sicirkii uu neefku dekeda Berbera kaga dhoofaayay oo noqonaay $29 doolar marka laga jaro cashoorta dawlada oo ah $7 ($36 – 7 = $29), macnaheedo waxa weeyaan wa inaay isla markaana xadiddeyso talaaba walba sida: Sicirka qofka reer miyiga ah ee seylada keenayna uu ku iibin karo; Sicirka caawska; ka biyaha; ka gawaadhida xoolaha daabuleysa; ka dilaalka.....???? Caqliga ma gashaa?
Ganacsiga iyo halka arsaaqade ka soo galeyso ina uu Riyaale isku dayo ina uu la wareego ma aha markii uugu horeysay. Waxa aaynu ka warqabnaa ina uu in mudda ahba isku dayaayay ina uu telefoonada la wareego oo uu ku qasbo ina aay ku soo xidhaan mid uu inan uu adeer u yahey dilaal ka yahey( Ina Waaberi). Tanina waa tii oo kale.
waxaanay dad badani aaminsan yiheen ina aanu heshiiskani waxba kaga duwaneyn kuwii batroolka iyo macdanta ee ku denbeeyay waxba kama jiraan. Waxa la ogsoonyahey ina xukuumada Riyaale ku caan baxday ina aay shacbiga hungriga ka soo rido oo wax dhalanteed ah hadba tidhaahdo bal waxa aanu idiin soo wadna eega marka doorashado soo dhawaato. Si kastaba ha ahaato ee siday ganacsatado heshiiska ganafka uugu dhufatay waxa aay ka markhaati fureysaa ina aanu heshiiskani faa'iido u laheyn Somaliland.
Fikradan ah sicirka, cidda iibsan karta cidda laga iibin karo amba xoola ha noqoto amba qamadiba ha noqotee hore ayaay inoo soo martay. Waa tii cahdigii Siyad Barre waana tii ku denbeysay ina Roodhida saf dheer loo galo. Riyaale waxa uu ku guuleystay ina uu hirgeliyo hab dhaqankii siyaasadeed ee ku dhisna caga jugleynta imikana si uu u dhameystiro waxa uu soo maan-guurinayaa hab dhaqankii dhaqaale ee ku dhisnaa Hanti-wadaaga (shuuciyadii). Siyaasado waa tii Siyaad Barre; dhaqaluhu waa ki Siyaad Barre; kuwa fulinayaani waa kuwii Siyaad Barre. Maxaa is bedelay? Haddi aynu dib uugu noqono heshiiskii, talow ma ku jirtaa ina Danjirihi iyo cilaaqaadkiiba la soo celiyo?. Wasiirkii xoolaha ee is xukumay maxaa laga yeela? DILKII xadhig aan uugu bedelno. Maxaay idin la tahey?