Itoobiyaana oo isu dhiibay xoogaga kacdoonka Muqdisho.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Itoobiyaana oo isu dhiibay xoogaga kacdoonka Muqdisho.

Post by Lacageylacag »

Afhayeenka golaha guurtida Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday inay saakay xoogaga kacdoonka si wayn u soo dhaweeyeen askartii ugu horeeysay ee Itoobiyaan ah isuna dhiibay.

Axmed Diiriye oo Waagacusub u waramayay wuxuu sheegay in askartaas isu dhiibtay xoogaga la siiyay magangalyo wanaagsan lana dejiyay degaan nabdoon si ay nasiino u qaataan isagoo dhinaca kale xusay in la soo dhaweeynayo askarta Itoobiyaanka ee sida uu sheegay garba duubka ugu dagaalamaya Xukumadda Melles Zenawi si ay u helaan xoriyad.

Axmed Diiriye oo xilliga uu waramayay taagnaa meel gurxanka rasaasta ay isku dhaceeysay wuxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada Ciidamadda Itoobiyaanka ee isu dhiibay.

Ciidamadda Itoobiyaanka ayaa dhibaato xoogan kala kulmay Muqdisho oo ay ku adkaatay sida ay uga dagaalamaan maadama aysan aqoon dariiqyada iyo degaanada ay ka dirir gelayaan,waxaana badankood ay ku dhamaadeen amaro kulul oo ay kala kulmaan Saraakiisha hogaamineeyso.

Tiradii ugu badneed ee Ciidamo Itoobiyaana ayaa iska dhiibay Yemen kadib markii ay u adkeeysan waayeen holaca kulul ee Muqdisho ay kala kulmeen sida uu Al Ayam news paper yemen u sheegay sarkaal sare oo u waramayay Wargeyska isagoo caagii uu ku dabaashay barkan.

Racii labaad ee askar itoobiyaana ayaa Muqdisho kaga baxsaday doon kadib markii amar ka soo baxay Melles Zenawi uu ku sheegay in la dilo korneylkii laga dareemo dib u gurasho iyo guuldaro dhinaca dagaalka ah.

Waxaa jira cabsiya badan oo la xiriiro dagaalkii Ereteria iyo Itoobiya inuu dib u qarxo iyo dagaal kale oo ka dhex qarxa Somaliland iyo Puntland.
Unclebin-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5303
Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity

Re: Itoobiyaana oo isu dhiibay xoogaga kacdoonka Muqdisho.

Post by Unclebin- »

Ceyr propoganda
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”