Itoobianka oo lagu jabiyey isgoyska Hotel Towfiiq

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Itoobianka oo lagu jabiyey isgoyska Hotel Towfiiq

Post by Lacageylacag »

(Beerdhiga ) Weerar ay saaka ku soo qaadeen 9:00- kii aroornimo xoogaga muqaawamada ee ku sugan aaga towfiiq ayaa ciidamada itoobiya siba’an loogu jabiyay waxayna ku urureen isteeshinka yaaqshiid.

Ilo xog ogaal ah ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in maydka 10-askari oo itoobiyaan ah ay wali yaalaan laamiga hotel towfiiq ayna ku adkaatay ciidamada itoobiya in ay qaataan.

Weerarkan ayay saaka ciidamada itoobiya ka soo qaadeen dhinaca isgoyska fagax iyo dhinaca wadada janaral daa’uud ayagoo adeegsanayay madaafiic loo ridayay si ad dhaaf ah iyo taangiyo, dagaal dheer ka dib ayay xoogaga muqaawamadu ku qasbeen in ay ku ururaan dhinaca isteeshinka yaaqshiid, waxayna ilo goob joog ahi xaqiijiyeen in la arkayay ciidamada lugta ah ee itoobiya oo gawaarida shacabka adeegsanaya si ay u baxsadaan.

Goobjooge lagu kalsoonyahay ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in uu arkay galabta afar uraal oo itoobiyaan ah oo sida dhaawac iyo dhimasho dadka oo dhami wada arkayeen,maydadkan iyo dhaawacyadan ayaa la filayaa in laga soo qaaday goobihii dagaalku ka socday ee aaga fagax iyo towfiiq.

Dhinaca kale qaybo ka tirsan ciidamada itoobiya iyo kuwo kamid ah ciidamada DFKMG ah ayaa soo gaaray aaga hotel ramadaan iyada oo ay wali jiraan cutubyo kamid ah xoogaga muqawamada oo ku sugan suuqa jamhuuriya oo ku dhaw hotel laf weyn.

Weeraradan balaaran ee ay maanta soo qaadeen ciidamada itoobiya ayayna ka gaarin wax guul ah.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”