BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by Hiiraan boy »

Shir ay ku yeesheen waxgaradka,siyaasiyiinta,aqoonyahanada, culumaaudiinka,haweenka & dhalinyarada jaaliyada beesha Daarood ee ku dhaqan magaalada LONDON,socdayna mudo 3 asbuuc ah ayay beesha uga doodeen waxyaabaha foosha xun ee ka socda dalka Soomaaliya & doorka ay ka qaadan karaan dhibaatada ka taagan iyo ka xoreynta dalka gumeysiga Tigreega ee ku soo duulay.

Dood dheer iyo falanqayn kadib waxay isku afgarteen in aan laga aamusnaan karin fal gaboodka iyo xasuuqa ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ciidamada cadawga ee ETHOPIA & damiirlawayaasha u adeega,waxaan u tacsiyeynaynaa dadkii Soomaliyeed ee lagu xasuuqay magaalada Muqdisho & kuwii ku barakacay & kuwii ku dhawacmay,waxaan si cad uga soo horjeednaa sida xaqdarada ah ee gumeystaha ugu soo duulay dalkeena.



Waxaan ugu baaqeynaa ummada Soomaliyeed in si wadajir ah dalka & diinta loo difaaco,lagana qayb galo dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha & u adeegayaashiisa,waxaan ugu baaqeynaa dhalinyarada walaalaheena ay soo qaldeen damiirlawayaasha Tigreega u adeega inay ka baxaan dagaalka lagu xasuuqaayo walaalahayaga Soomaliyeed,ayna la saftaan xoogaga difaaca dalka ee halganka ka wada magaalada Muqdisho iyo dhamaan dalka.



Waxaan ugu baaqeynaa ciidamada gumeysiga Ethopia ee sida sharcidarada ah u soo galay dalkeena inay si dag dag ah oo aan shuruudi ku xirneyd uga baxaan Soomaaliya,waxaan cambaareyneynaa xasuuqii iyo duqeyntii ay u geysteen diyaaradaha Mareykanka,Ethopia & Kenya dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan gobalka J/HOOSE.



Waxaan garab taagan nahay walaalaheena Soomaliyeed ee halganka kula jira ciidanka cadawga ah ee dalka ku soo duulay,waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa inay soo faragaliyaan mashaakilka ka taagan Soomaliya,ayna si dag dag ah gurmad bini aadanimo ahna la garaan dadka lagu xasuuqa magaalada Muqdisho,iyo kuwa soo barakacay ee ku nool gudaha dalka ee dhibaateysan ee aan heysan nolol iyo nabad.



Waxaan si cad uga soo horjeednaa qabsashada ciidamada cadawga ee qabsaday dalkeena guud ahaan min Raaskambooni ilaa Loowyacade,waxaan si buuxda kalsoonida uga la noqonay oo aan horeyna u diidnay dowlad ku sheega naxashka saran ee ku timid gacan ku rimiska cadawgeena ETHOPIA IYO KENYA,si dalka loogu qabsado damiirlawayaal u adeega oo muuqa ka ah Soomali balse fulinaaya danaha cadawga uu ka lee yahay dalka , dadka iyo diinta.



Waxaan cambaareynaa urur gobaleedka IGAD oo aan daacad iyo dhax dhaxaad ka aheyn arimaha Soomaaliyeed,balse noqotey waa IGAD goob ay ku adeegato Ethopia,waxaan si buuxda u taageeraynaa halganka shacbiga Soomaliyeed ee dalka looga xoreynaayo gumeysiga Tigreega ee dalka ,dadka iyo diinteena ku soo duulay.



Waxaa mar kale cambaareynaa Dowlada Ethopia oo dalkeena ku soo duushay & dowlada KENYA oo had iyo jeer qayb wayn ka qaadata shirqoolada loo dhigaayo Soomaaliya,waxaan si cad u diidnay shir ku sheega ay wadaan u adeegayaasha Tigreega ee doonaya inay beesha caalamka ku marin habaabiyaan qabasho shir ujeedo laga leeyahay,oo ay horboodayaan dad aan sumcad ku laheyn dadka Soomaliyeed ,kuwaas ah dagaal oogayaal.



Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in la furo maxkamad lagu baaro tacadiyada iyo xasuuqa ka jira Soomaaliya ,maxkamad baarta dambiyada laga galaya dadka shacabka ah ee Soomaliyeed ,si sharciga loo taago dagaal oogyaasha maataleyska ah.



Ugu dambayntii waxaan ummada Soomaliyeed ugu baaqeynaa inay iska iloobaan farqiga yar ee u dhaxeeya ,ayna meel uga soo wada jeestaan cadawga qabsaday dalkeena ee xasuuqaya maatadeena iyo kuwa uu ku adeeganaayo ee aan damiirka wadanimo iyo tan islaanimo laheyn.



Shir gudoonka jaaliyada Daarood ee London



1 – MR :MOHAMED AMIIN

2 – DRS AMINA WARSAME

3 – MR:SULDAAN MOHAMUD GARYARE

4 – MR: ABDULQADIR FARAH

5 – DRS MARYAN FARAH GOOJE



Waxaa bayaanka ku saxiixan oo shirka ka qayb galay



1 – YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF

2 – ABDINASIR GUURE FARAX JEER

3 – ZAKARIYE MOHAMUD AHMED

4 – ABDIRISAQ AHMED MOHAMED

5 – ABDULQADIR ALI HIRAD

6 – BASHIIR GACAL

7 – ABDULQADIR SHEELARE

8 – AHMED DAGAAL

9 – DEEQ JAMA ALI

10 – ALI WARSAME MUSE

11 – AHMED DHERE

12 – BASHIIR YUSUF ALI

13 – BILE AHMED ALI

14 – MOHAMED NUR

15 – JAMA YUSUF AHMED

16 – AHMED WARSAME

17 – DR; CAWIL ALI

18 – DR;AHMED MUSE

19 – DR:KHALID ALI NUR

20 – DR: BILE AHMED FARAH

21 – DRS : FADUMO AHMED

22 – ENG :JAMA MUSE

23 – ENG :FARAH SICID

24 – ENG :ABDI ALI WARSAME

25 – ENG:AHMED MUSE ALI

26 – PROF: ALI KHALID WARSAME

27 – PROF : DALMAR AHMED

28 – PROF : YUSUF AHMED

29- GEN: HUSSEIN SHUQUL

30 : GEN: ALI MOHAMED

31 – COL: ALI WARSAME MOHAMED

32 – COL: MOHAMED YUSUF

33 – COL: ABDIWAHAB ALI AHMED

34 – HOOYO MARYAN KHALID

35 – HOOYO AYAAN NUR

36 - HOOYO HUDA MOHAMED

37 – SAFIYO MOHAMED ABDI

38 – FAYSAL SICID YUSUF

39 – ABDISHAKUR MIRE

40 – DURAN AHMED FARAH

41 – MOHAMED ABDULAHI JAMA

42 – UGASO MAHAMED ABDI
BERBERAWI
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 396
Joined: Tue Mar 23, 2004 7:00 pm
Location: Somaliland and muuse cabdale lad

Re: BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by BERBERAWI »

Hiiraan boy. if that is true, then well done for the daarood community and i wish they all think the same way.
they should knw dat ethiopians came to divide somalis not to help the federal goverment.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by AbdiWahab252 »

Darood are decent people.

Its just the Ibnu Tigrey Majeerten who are the scum.
Executive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13911
Joined: Wed Jun 21, 2006 6:08 pm

Re: BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by Executive »

Well Done
User avatar
Asraa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1491
Joined: Thu Mar 01, 2007 6:07 pm
Location: 2 the left 2 the left errythings hustled 2 the death
Contact:

Re: BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by Asraa »

[quote="AbdiWahab252"]Darood are decent people.

Its just the Ibnu Tigrey Majeerten who are the scum.[/quote]

lolz n u hawiye right so allow cheering 4 ppl like we gone care cuz at the end of the day we dont care a hawiye is hawiye n u look bare stupid..........---> Laughing
Unclebin-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5303
Joined: Thu Sep 07, 2006 11:52 am
Location: shibis, shangaani iyo shabellehoose= Shanshi Serenity

Re: BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADA DAAROOD EE LONDON.

Post by Unclebin- »

A couple of "caghdheers" representing darood Laughing


Just like Ahmed Diriiye and the Habar Kintiir saying we are "Hawiye" when they know damn well Abgaal don't support them. Laughing


LOOOOL at 40 people speaking for a tribe in the millions.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”