How Riyaale Betrayed Somaliland!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Koronto91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sat Aug 05, 2006 12:20 am
Location: Coney Island

How Riyaale Betrayed Somaliland!

Post by Koronto91 »

To many Riyaale the Ethiopian agent has always been an obstacle to Somaliland's progress. If it was ever unclear of how much of an obstacle Riyaale is, the latest skirmish in Dhahar when he fired the defense minister & ordered the retreat of the SL army makes it all the more obvious. As a southen Somali, I want success & progress for my brothers in the North, it is time to remove this stooge from office & replace him with a better candidate e.g. Sii-lanyo.

The following is an excerpt from former SL defense minister's news conference:

Shir jaraa'd oo uu qabtay wsiirkii hore ee gaashaandhiga Somaliland

Muqdisho 21 Abriil 07 (Beerdhiga ) Wasiirkii hore Gaashaandhiga Somaliland Md, Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ayaa sheegay hawlgalkii ay Ciidamada jiida hore Somaliland ka fuliyeen Bariga Gobolka Sanaag ee ay ku qabsadeen Degmada Dhahar u ahaa hawlgalkii ugu horeeyey ee ay Ciidanku xuduudihiisa isku dultaago, isla mar ahaantaana talaabadan markii aanu qaadeynay waxaanu u arkeynay dad sameeyey badbaado ciidan.
Sida waxa uu wasiirkii hore Gaashaandhigu ku sheegay shir jaraa’iid oo uu saaka ku qabtay Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu wasiirku shirkiisa jaraa’iid ku tilmaamay inay ayaan daro ahayd iyada oo aan warbixin ka soo direy ayuu yidhi xaalada iyo duruufaha abuurmay in hadana muddo saacado yar ka dib inaan ka maqlo idaacada BBC-da isla galabnimadii warsaxafadeed eedeymo xanbaarsan oo u muuqanayey in lagu degdegay.

Ugu horeyn Aadan Maxamed Mir (Waqaf) oo ka hadlay arrintii war saxaafadeedkii Madaxweyne Riyaale xilka kaga qaaday waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabay oo fajiciso igu noqotay laba warsaxaafadeed oo Madaxweynaha Somaliland soo saaray oo sheegaya xilka qaadi iyo eri oo ku sababaysan sidan:-
1. Amarro khaldan oo dhabar jebin iyo jaho wareer ku ah Somaliland.
2. Isgaadhsiin la xidhay oo xidhiidhkii lumay
3. Ciidan la dhaqaajiyay amar la’aan
Waxaan umadda Somaliland u soo bandhigayaa xaqiiqada dhabta ah maadama karaamadaydii, sharaftaydii iyo muwaadinimadaydii meel lagaga dhacay, aniga oo hawl ku maqan oo weliba jooga goob dagaal, masuuliyad culusna ummada Somaliland u hayay ayaa iyada oo aan xaaladda dhabta ah ee jirta la ogaan lana sugin.
Warbixinteeda xaalladda abuurantay, in si sahlan oo karaama beel ah loo yidhaado waxa ku qoran labadaa warsaxaafadeed ee ka fog xaqiiqada dhabta ah ee ka abuurantay goobtaas oo si loogu buunbuuniyay warbaahinta.
Ma jecli in aan waxaan jirin sheego kana waramo sir ciidan oo aan u gudbiyo warbaahinta, balse qaabka bah dilka ah ee loogu talo galay in lagu dhaawaco sharaftayda oo laga leexiyo meeshii lahayd wixii halkaa ka dhacay oo aan indhaha laga qarsan karin, ahaydna in la sugo warbixinteedii.
Haddaba iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay?
Sideese wax u dhaceen?
Ujeedaduse maxay ahayd?”

Wasiirkii hore wasaarada Gaashaandhiga Aadan Maxamed Mire (Waqaf) waxa uu sheegay ciidankii tagey inaanu ahayn kii xuduudaha sugayey, balse uu ahaa hawlgalkiisu mid Xadidan “Waxaan rabaa in aan umada u iftiimiyo qaabka loo dhigay oo ah ciidanka halkaa tegay oo aan la socday in uu yahay kii sugayay xuduudaha Somaliland in aanu ahayn, balse uu xilkiisu ahaa hawlgal xadidan oo ku jahaysnaa hawl kooban.Marka aynu ka hadlayno difaaca xuduudaha iyo sugitaankoda waxa ay ila tahay in ay ka balaadhantahay sidan loo dhigay oo ay leedahay istaraajiyad qeexan oo leh qorsheheeda, sugideeda iyo meel marinteeda oo aan ahayn wax afka laga yidhaahdo ee u baahan waxyaala farabadan si loo gaad! ho yoolkaas oo islmarkaas ay jirto siyaasad cad oo ku wajahan fidinta maamulka gobolada bariga Sanaag iyo Sool” Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Haddii aan dib ugu noqdo iswaydiintii wixii dhacay, waxa noo yimid Dhahar wafdi ballaadhan oo wasiirra ah oo ay la socdaan haya’do oo markay magaalada Dhahar soo galeen lagu dejiyay hudheel hadana mudo ka bacdi qaar ka mid ah wefdigii loo soo raray guri uu leeyahay Wasiirka Ciyaaraha”
Wasiirkii hore gaashaandhiga Waqaf oo ka waramayaa ka soo bixitaankii degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag iyo sababahihii keenay waxa uu yidhi “Waxaas oo duruufa ah iyo qaar kaleba markay ka dhalatay xaalada taagnayd waxaanu go’aansanay in aag bedelasho la sameeyo si loo badbaadiyo wixii goobta ku sugnaa.. Mar labaad anaga oo aad uga xun eedahaas aanan geyin, ehella u ahayn, igana suurta gelin ayaa waxaan u bandhigayaa in ay ka garsooraan cid kasta oo aqoon u leh xaaladdaha Milateriga oo duruufaan oo kale ay keenaan i! yo ummadaydu inay ka garsoorto dhacdadaas ku koobnayd hawshaas ciidda guusha soo hooysay iyo cidda dhabar jabka ku ah Somaliland. Waxaan ummadayda Somaliland u soo jeedinayaa in ay ilaashadaan nabadgelyadood, midnimadooda iyo wada jirkooda oo ku fara adaygaan qaabka dawladnimo ee aynu dhisanay. Waxa kasta oo isbedel ahi ku yimaadaan qaabka nidaam ee in noo dejisay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”