Mogadishu 22, April.07 ( Sh.M.Network) Xildhibaan ka tiran Baarlamanka Somalia ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho, xilli ay sii kordhayaan qasaaraha dhimashada dadka rayidka ah.
Xildhibaan Cali Calas Qaareey oo la soo xiriirey shabelle, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho dowladda KMG ah, isagoo dusha kaga tuuray qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi in mas'uuliyadeeda ay qaadi doonto dowladda KMG ah oo keensatay ciidamada Ethiopia.
Xildhibaanka waxa uu ku eedeeyay dowladda KMG ah in ay diiday wada hadalo ay la gasho xoogagga ka soo horjeeda, isagoo tilmaamay in xildhibaanada Hawiye ay sameeyeen dadaalo badan oo lagu wada hadal siinayo labada dhinac.
Xildhibaanka waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in dagaalka la joojiyo isla markaana wada hadalo la isugu yimaado si loo dhameeyo dhibaatooyinka jira.
Waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada qasaarooyinka ka soo gaaraya dadka rayidka ah.
Dagaaladaan oo galay maalintii 5aad ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku geeriyoodeen in ka badan 200 ruux halka tiro ku dhow 400 oo kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.
MP says government responsible for fighting
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 464 Views
-
Last post by original dervish
-
- 7 Replies
- 987 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 8 Replies
- 713 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 2 Replies
- 257 Views
-
Last post by original dervish
-
- 15 Replies
- 988 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 9 Replies
- 837 Views
-
Last post by Salahuddiin
-
- 2 Replies
- 621 Views
-
Last post by TarraQ
-
- 1 Replies
- 561 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 1 Replies
- 1 Views
-
Last post by Somalian_Boqor