BREAKING NEWS Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sa

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sa

Post by Hiiraan boy »

War deg dega: Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sawaariiqdii ugu badneed looga qabsaday Hotel Ramadaan iyagoo hubkii ka qaatay Madaxtooyadda.


Muqdisho ,Axad, April. 22 , 2007 Waagacusub.com

.

Dagaal nus qiyaamo ah oo isbiimeeyn watay ayaa saakay ka qarxay Hotelka Ramadaan ee Magaalada Muqdisho kadib markii shalay maqribkii xeelad Melleteri loogu baneeyay Ciidamada Itoobiya.

Ciidamadda Itoobiyaanka oo ilaa xalay heystay degaanka Ramadaan ayaa saakay ku waabariistay qaraxyo is daba jooga oo hareeyay degaankii ay heysteen kadib markii Remote-ka loo taabtay miinooyin ku aasnaa oo loogu tala galay in lagu halaago.marka ay is dhigtaan kadib.

Qaraxa miinooyinka kadib barahii ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaamineeysay Ciidamada Itoobiya waxaa galay gaadiid xawaare ku socday oo ay saarnaayeen bambaanooyin,waxayna xoogaga kacdoonka bilaabeen dagaalo fool ka fool ah oo ay ku ciribtirayeen askarta firdhadka ah ee Itoobiyaanka.waxaana gacanta lagu dhigay afar askari oo mid korneyl yahay.

Xoogaga Kacdoonka Hawiye oo haatan la wareegay gacan ku heynta Hotel Ramadan,Fagax ,Lafweyn iyo Towfiiq ayaa gubay laba taangi iyo sedex uraal oo ku gubanaya wadooyinka degaankaas,waxaa kale oo ay xoogaga Muqdisho Itoobiyaanka ka furteen sawaariiq kala duwan oo dagaal.sida BM iyo Arti5.

Ciidamada Itoobiyaanka ee Madaafiicda ka ridayay Madaxtooyada ayaa gantaalahoodii dagaal jiitay,waxaana qaarkood oo u gurmanayay kuwa Fagax laga gubay dhowr gaari sida ay sheegeen dadka degaanka Towfiiq.

Dowladda Itoobiyaanka oo manta jabkii ugu waynaa kala kulmay dagaalka Muqdisho ayaa la xiriiray odayaasha dhaqanka Hawiye iyagoo ka codsaday in dagaalka la joojiyo laakiin sida muuqato dagaalka waa ay adag tahay sida ay ku joojiyaan xoogaga Kacdoonka.waxaana muuqato in dabaaqtanka dagaal uu yahay in Itoobiyaanka Muqdisho looga saaro todobaadkii uu Melles Zenawi iclaamiyay in Muqdisho loo garba duubo Cabdilahi Yusuf iyo Maleeshiyadiisa Maxamud Saleeybaan.

Maleeshiyooyinka reer Puntland ee ku sugnaa Madaxtooyada ayaa laga ogolaaday inay isi soo dhiibaan oo si nabad gelyo ah looga iibiyo hubka ay heystaan.dabadeedna gaari loo saaro degaanadii ay ka yimaadeen markii hore.

Dagaalka Muqdisho ka socda waxaa markii ugu horeeysay ka qaybqaadanaya Haween iyo Caruur aan qaangaarin ee 14 jira ah.taas oo muujineysa in dagaalka uu galay waji xasaasiya.
Nolol cusub
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1231
Joined: Wed Jul 23, 2003 7:00 pm
Location: Waryaa Revolution

Re: BREAKING NEWS Ciidamadii Itoobiyaanka oo maxaabiistii iyo sa

Post by Nolol cusub »

Waagacusub is less credibile source.


Hawiye people are better of in getting a critical and responsible assessment of the war. This will help people see the big picture. The mental set of Hawiye people should be the prepartion of long and ruthless conventional and partisan war.



NC.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”