BREAKING NEWS dhabadhilif governer of jubbadahoose flees

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS dhabadhilif governer of jubbadahoose flees

Post by Hiiraan boy »

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo
Apr 23,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo subaxnimadii Isniinta. Waxaa uu dagaalkani ka dhex qarxay xogaga Guutada 1aad iyo Guutada 3aad ee ciidamada DFKG oo iyagu halkaas ku sugnaa tan iyo intii laga saaray Midowgii Maxkamadaha.

Khasaaraha dagaalkan ayaa sida lagu soo waramayo gaystay dhimaysho 11 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalku dhex maray, ilaa hada lama hayo tirada dhanka shibilkaa ee wax ku gaareen. Col. Geele Farax Shakad oo ka mid ah Saraakiisha Guutada 3aad ayaa Gedonet u sheegay in dagaalku iminka qaboobay ayna ka awood roonaadeen ciidamadii kale oo ayagu weerarka soo qaaday waa sida uu hadalka u yiriye. Col. Gelle ayaa intaas ku daray inuu magaalda ka baxay gudoomiyihii gobolka uuna u ambo baxay dhanka tuulada Buulo-xaaji.

Wariye ka tirsan Idaacada magaalda Kismaayo ayaa xaqiijiyay inuu dagaalkii iminka qaboobay, asagoo intaas raaciyay inuu dagaalku bilowdo subaxnimadii hore uuna ka bilowday goobaha muhiimkaa ee magaalada sida: Aargada, Holet Tawakal, iyo Hotel Maridian (Cas-casley)iyo Suuqa magaalad, wuxuuse sheegay in wali shanqarta rasaasta laga maqlayo dhanka xerada FIAT ee duleedka magaalda. Ma-jiraan wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay dhanka DFKG oo ku saabsan dagaaladan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Magaalda Kismaayo in mudaaba waxaa ka jiray muran ku saabsan dhanka maamulka, waxaana jirtay mucaarada xoogan oo ku aadan maamulkii uu magacaabay Madaxweyne DFKG Cabdulahi Yusuf. Isku dhacaan hubaysan ayaa ku soo aaday xili uu dagaal ka socdo magaalad Muqdisho, balse waxaa la cadaynayaa inaysan labada dagaal wax xiriir ah lahayn sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan magaalada.
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: BREAKING NEWS dhabadhilif governer of jubbadahoose flees

Post by galia »

Allhu Akbar
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”