
Boqor Buurmadow oo sheegay in uu xabad joojin uu dhex dhigaayo Itoobiya iyo beelaha ******
QRN: Afahayeeno u hadlay Beesha ****** oo ah garabka sheegta in ay ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya ayaa war ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in saacdihii ugu danbeeyay uu jiray xiriir ay la soo sameeyeen sarkiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ka dagaalama Magaalada Muqdisho oo sida Beeshu sheegtay ka dalbaday in la joojiyo xabada iyo dagaalada dhacaya.
Siyaasiga C/laahi Sh. Xasan iyo waliba Nabadoon Axmed Diiriye ayaa labadu sheegay in uu dhinacooda Xiriir la soo sameeyay Gen. Gabre oo ah madax ciidamada ka dagaalamaya Muqdisho, oo sida ay sheegeen ku wargaliyay in ay diyaar u yihiin in xabada la joojiyo sidaa daraadeed dhanaca kalana laga doonayo in sidoo kale yeelaan.
Sidoo kale waxaa ay intaa ku dareen in Gen. Gabre uu ku wargaliyay in Dowlada Itoobiya arintaa ay u soo wakiiladay Boqor, Buur-madoow oo sidoo kale la sheegay in uu wado xiriir arimahaa ku saabsan, si markaa dhamaan loo joojiyo dagalada ka socda caasimada Muqdisho.
Boqorka ayaa shalay laga dhagystay idaacada BBC laanteeda afka Somaliga isaga wraysi uu siiyay idaacdaasi ka sheegay in uu la xidhiidhay labada garab ee ku dagaalamaaya magaalada Muqdisho, waa dawlada Itoobiya iyo beelaha ****** ee dirirta kala soo hor jeeda ciidamafa Itoobiyaanka ah, Boqor Buurmadow ayaa sheegay in ay xabadu joogsanayso isla markaasna waxa uu qiray in hadadaas uu hadlaaya uu ku rajo weynyahay in ay xabadu joogsatay isla markaasna lagu soo wada laabto miiska wada hadalada.
Boqorka oo ka soo hadlaayay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in arintani wax ay ka qaban karaan madaama oo uu yahay hogaamiye dhaqameed, Boqorku waxa uu sheegay in dawlada Itoobiya ay ku taageeraysay heshiisiintii uu dhex dhigay beelaha ********** markii ay is dilayeen ee uu heshiisiinaayay Cade Muse iyo Cabdilaahi Yusuf.
Dagaalada ayaan is taagin shalay sidii uu baahiyay Boqorbuurmadoiw iyada oo dagaalo aad u qadh qadhaadhi ay maanta ay ka dhaceen magaalada Muqdisho oo ay xagoodii ka sii socdeen.
Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale la sheego in uu jiro xiriir u dhaxeeya Beesha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya oo ugu danbeytii laga dhaxlo uun dagaal culus oo fara looga gubto, ilaa hadana majiro war ka soo baxay dhinac dowlada Itoobiya oo ku saabsan warka ka soo baxay dhinaca beesha ******.
--------------------
isagoo galgaladkii la hadlaaya gabadhii wuxuu yidhi gudoonshuhu, haweenay xun baad tahay, isma haysataad tahay, hambo laga dhintaad tahay, belo hoodhiflaad tahay,hargab soconayaad tahay, hindhisiyo waxbaad tahay hadeer aanan sheegayn.