Cabdi risaaq Afgaduud oo lagu hayo UNHCR Kismayo iyo maleeshiyadiisii Reer Garowe oo laga sifeeyay Jilib.warbixin xasaasiya.
Taliyahii guuto koowaadka Maleeshiyada Reer Garowe ee dowladda Cabdilahi Yusuf ninka lagu magacaabo Cabdi risaaq Afgaduud oo lagu jibiyay dagaalkii shalay ka dhacay Kismayo ayaa la xaqiijiyay in ilaalo looga hayo Xarunta UNHCR ee ku dhaw Madaxtooyada Qaranka Kismayo.
Cabdi risaaq Afgaduud oo ay UNHCR ku ilaalinayaan Maleeshiyo beeleedyo u dhashay Jufadda Ugaaska Sharmaarka ee Mareexaan waxaa uu xalay la kulmay hogaamiyaasha dhaqanka beesha Mareexaan ,waxaana ka soconaya Kismayo wada hadalo u dhaxeeya isaga iyo horjoogayaasha Maleeshiyooyinka beesha Mareexaan.
Qaar ka tirsan Saraakiisha Beesha Sadde ayaa ku taliyay in laga masaafuriyo Kismayo halka qaar kale oo Mareexaan ah ay dalbadeen in Maxkamad la saaro si loogu qaado cadaalada.
Maleeshiyadii Reer Garowe ee shalay ku jabay dagaalkii Kismayo ayaa sidoo kale saakay laga sifeeyay degaanada Jilib oo ay xalay ku hoydeen halkaas oo looga furtay hubkii ay la baxsadeen .
Dadkii ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Kismayo ayaa sii caga cageeynaya 32 qof halka dhaawacana uu gaaray 63 qof kadib markii UNHCR laga soo saaray sodon iyo dhowr qof oo meeyd ah lana rumaysan yahay inay yihiin Maleeshiyadii gaarka ahayd ee Cabdi risaaq Afgaduud ku difaacayay Xaruntaas inta uu is dhiibin ka hor.
Shacabka reer Puntland ayaa laga dareemayay shalay ilaa manta murugooyin dhafoora heys ah iyagoo ka walaacsan suurtagalnimada in Maleeshiyooyinkooda tagay koofurta ku soo laabtaan Puntland iyagoo nabad qaba.
Sida Muuqato Maleeshiyadda Puntland ee Muqdisho iyo Kismayo fariisinka ku lahaa waxay dhex sabeeynayaan badweyn ay ku adkaan kareeyso sida ay kaga dabaashaan marka la miisaamo xaaladaha isbarkan iyo xoogaga sii kordhaya ee dirirta kula jira.
Maleeshiyadda Puntland dhibaatooyinka wajahaya waxaa sabab looga dhigaa iyagoo aan aqoon xeeladaha dagaalka ama astaan u ah fulaynimada marka la derso Casharadii loogu dhigay Cadaado,Muqdisho ,Kismayo iyo Jilib.
Beesha Majeerteen ayaa iska riixaya ceebaalaha dul Hogan waxayna qabaan in fashiladaas ay sabab u tahay beesha Maxamud Saleebaan oo aan taageero ka heysan beelaha kale ee reer Puntland sida Cali Saleebaan.
Cabdi risaaq Afgaduud oo lagu hayo UNHCR Kismayo iyo maleesh
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 592 Views
-
Last post by Madmadoobe
-
- 0 Replies
- 313 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 7 Replies
- 805 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 1 Replies
- 397 Views
-
Last post by udun
-
- 9 Replies
- 735 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 3 Replies
- 487 Views
-
Last post by damu
-
- 1 Replies
- 2106 Views
-
Last post by Meseret
-
- 0 Replies
- 382 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 1 Replies
- 417 Views
-
Last post by The_Emperior5