Page 1 of 1

BREAKING NEWS Qarax xoogan oo ka dhacay fariisin ciidamada E

Posted: Tue Apr 24, 2007 6:19 am
by Hiiraan boy
Qarax xoogan oo ka dhacay fariisin ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin deg. Afgooye

Click here to find shabelle news in english

Afgooye 24, April.07 ( Sh.M.Network) Qarax xoogan ayaa lala beegsaday fariisin ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee degmada Afgooye.

Qaraxaan oo gil gilay sawaxankiisa degmada Afgooye ayaa waxaa lala beegsaday fariisinka ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin beerta C/raxmaan Jaamac Barre.

Lama garanayo wali qasaaraha uu geeystay qaraxaan oo ahaa mid xoogan.

Waa qarixii 3aad oo ciidamada Ethiopia lagula beegsado halkaasi, iyadoo horey labo qarax oo mid ismiidaamin yahay lagula beegsaday Gaari Ural ah oo ay wateen ciidamada Ethiopia iyo xaruntii hore ee asluubta.