Page 1 of 1

American soldiers land in Mogadisho airport!!!

Posted: Tue Apr 24, 2007 3:53 pm
by Somaliman%
Ciidamo Maraykan ah oo ka soo degay gagida dayuuradaha ee Muqdisho

Muqdisho (24 Apr 07), Waxaa shalay casar gaabadkii soo cago dhigatay goroonka diyaaradaha ee Muqdisho diyaarad wayn oo sida Ciidamo Maraykan ah oo aan la ogayn tiradoodu inta ay dhantahay. Ciidamadan ayaa sida la sheegay u yimid inay ka qayb galaan dagaalka Muqdisho ka socda

Dagaalada Muqdisho ka socda oo maalinkii 6aad galay ayaa gacmaha la isula tagay. Ayadoo Gumaysiga macatab ku dirirka ah iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ay shalay soo qaadeen dagaal ayna waxba la hadhin oo dabada ay iska soo mareen ayaa dagaalyahanka Soomaalidu ay jilibka u dhigeen oo jab xoog leh u gaysteen.

Saraakiisha Gumaysiga Macatab ku dirirka ah ayaa hogaan kooda sare u sheegay shalay galinkii danbe inayna dagaalka ku sii jiri karin, 2 maamool oo kale hadii la soo gaadhi waayana gacanta lagu dhigi doono taasoo kaliftay inuu Maraykanku ku amro ciidamada Saliibiyiinta Uganda ee Muqdisho ku sugan inay gaadiidkooda gaashaaman ku wareejiyaan Itoobiyaanka. Hadaba dagaalkii saaka oo ciidamada Gumaysiga macatab ku dirirka ah iyo kuwa dabo-dhoonka u ah ay ku soo galeen gawaadhi gaashaaman oo qaar ay lahaayeen Saliibiyiinta Yugandha ayaa dabada lagaga dhacay oo dharbaaxo xun lagu dhuftay taasoo kaliftay inay u qayl yadaan Maraykanka.

Ciidamada Maraykanka iyo dagaalyahanka Soomaalida ayaa u muuqda kuwo isugu soo hadhay isreeb-reebka oo isku arki doona jiida hore ee dagaalku ka socdo kadib markay dagaalyahanka Soomaalidu ka adkaadeen Gumaysiga macatab ku dirirka, saliibiyiinta Yugandh iyo kuwa daba.dhoonka u ah.

Arinkan uu Maraykanku ku geeyay Muqdisho ciidamada ayaa dabo socda hadal ay dhawaan sheegtay haweenayda arimaha Afrika u qaabilsan ayadoo tidhi raali kama noqon doono oo ma daawan karno in xasaradda Muqdisho ay sii socoto taasoo macnaheeda loo fasishay dagaalka ayaan wax ka galaynaa.

KismaayoNews.com

Re: American soldiers land in Mogadisho airport!!!

Posted: Tue Apr 24, 2007 3:58 pm
by Steeler [Crawler2]
If American soldiers were there, you could bet I'd be one of them

Re: American soldiers land in Mogadisho airport!!!

Posted: Tue Apr 24, 2007 4:48 pm
by Somaliman%
arent you retired....

Re: American soldiers land in Mogadisho airport!!!

Posted: Tue Apr 24, 2007 4:51 pm
by highclass
[quote="MAD MAC"]If American soldiers were there, you could bet I'd be one of them[/quote]

You american soldiers are nothing compared to a somali teenager is with little equipment and no training.

Thats why you can't have a fair fight with the americans.