Page 1 of 1

puntland Coast Guard catchs yemenis and egyptians ships on s

Posted: Tue Apr 24, 2007 4:46 pm
by Somaliman%
http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=7070


Ciidamada ilaalada xeehaba puntland ayaa gacanta ku soo dhigay maraakiib iyo doonyo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebaha maamul goboleedka puntland.

Maraakiibtan iyo doonyahan oo dhamaantood ahaa kuwa kaluumaysiya ayaa waxaa saarnaa shaqaale aad u tiro badan oo ka soo kala jeeda dalal dhowr ah.

Sedaxda markab ee laga soo qabtay xeebaha puntland ayaa ka diiwaan gashan dalka masar halka sagaalka doonyoodna laga leeyahay wadanka yaman.

Isku gayn shaqaalaha saran maraakiibtan iyo doonyaha ayaa gaaraya 130 qof oo iskugu jira naakhuudayaal iyo badmaaxiin u kala dhashay dalalka yaman iyo masar.

Qabqabashada maraakiibtan iyo doonyahakan aad u tirada badan ayaa timid kadib markii ay dhawaan ciidamada ilaalada xeebaha puntland ay sameeyeen howl-gal aad u balaaran oo ay ku sifaynayeen xeebaha puntland.

Taliyaha ciidamada ilaalada baddaha puntland cabdi xirsi ducaale ayaa ka warbixiyey sidii ay usoo qabteen maraakiibtan iyo doonyaha waxaana uu ku tilmaamay kuwo ku soo xadgudbay badda punt land lana marsiin doono wadadii ay mareen kuwii ka horeeyay oo iyagu maxkamad xukun ku riday.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay ciidamada ilaalada xeebaha puntland ay gacanta ku soo dhigaan maraakiib iyo doonyo si sharci daro ah uga kaluumaysanayey xeebata dheer ee puntland ee waxaa la dhahi karaa waxa ay ka mid yihiin kuwo fara badan oo ay ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen.

Re: Somali-Coast Guard catchs yemenis and egyptians ships on som

Posted: Tue Apr 24, 2007 5:07 pm
by e!
English plz?