Dagaalo goos goos ah oo ka soconaya Muqdisho
Posted: Wed Apr 25, 2007 5:53 am
Mogadishu 25, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo goos goos ah ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaan oo galay maalintii 7aad ay ka soconayaan aagagga Hotel Towfiiq, Fagax, iyo Jamhuuriya.
Dagaalkaan oo xalay ilaa saakay si goos goos ah uga soconayay aagaggaasi ayaa mararka qaar la isku adeegsanayaa hubka culus nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali ay dhacayaan madaafiic ay ridayaan ciidamada Ethiopia oo ay ku garaacayaan xaafadaha dadka rayidka ah.
Wali waxaa ka soconaya magaalada Muqdisho barakac aad u baahsan oo ay wadaan dadkii ku harsanaa caasimadda oo u dul qaadan waayay dagaalada ka soconaya Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadkii u barakacay agagaarka Jaamacadda Muqdisho oo ku dhow qabuuraha Barakaat ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay bilaabeen in ay dib uga sii barakacaan goobahaasi ka dib markii madaafiic BM ah ay ka dabo tageen.
Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la geynayaa saacadba saacadda ka dambeysa dhaawacyo u badan dad rayid ah oo ku soo aafoobay dagaalada.
Madaafiic dhowr ah ayaa shalay lagu garaacay qeybo ka mid ah Suuq-bacaad, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay howlihii shaqo ee suuqaasi oo gabi ahaanba xirmay, ka dib markii dagaalo qaraar ay ka dul qarxeen halkaasi oo wali soconaya.
Rasaasta wiiftada iyo madaafiicda habowga ah ayaa ku soconaya xaafadaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah, walina waxaa adag in la ogaado qasaarah rasmiga ah ee dagaaladaan.
Dagaaladaan oo 7 maalmood jirsaday ayaa galaaftay nolosha in ka badan 300 oo ruux halka tiro ku dhow 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho.