Culumaa'udiin ay Dowlada ka qabqabtay Buur Habaka

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Culumaa'udiin ay Dowlada ka qabqabtay Buur Habaka

Post by Hiiraan boy »

Culumaa'udiin ay Dowlada ka qabqabtay Buur Habaka.

Buurhakaba, Arbaco, 25 April 2007 Simba Radio

Culumaa'udiin gaaraya ilaa sagaal qof ayaa laga qab qabtay Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Culumaa'udiinkaasi ayaa la sheegay in qaarkood lagu qabtay qabtay masaajid ku yaala degmada Buur Hakaba ee gobalka Bay, waxaana culumadaan la sheegay inay qabteen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Somalia.

Culumadaan ayaa waxaa ku jiray gudoomiyii golaha Maxkamadaha ee degmada Buur Hakaba Sheekh Mustafa Cali iyo xubin sare oo golaha shuurada ka tirsanaa.

Ilaa hada lama oga sababaha rasmiga ah oo loo qabtay culumaa'udiinkaan oo la sheegay inay caan ka ahaayeen degmada Buur Hakaba.

Wararka naga soo gaaraya degmada Buur Hakaba ayaa sheegaya in dhamaan culumaa'udiinkii magaaladaasi ku sugneed ay isaga carareen halkaasi.

Waxa ay arintaan ka dambeysay kadib markii ay Buur Hakaba yimaadeen ciidamo ka tirsan Dowlada oo sheegay inay baadi goobayaan rag ay ku sheegen inay waxyaabo qarxa geeyeen magaalada Baydhaba.

Lama oga halka ay ku dambeeyaan culumadaan iyadoo wararka ay sheegayaan in markii ugu dambeysay la geeyay garoonka diyaaradaha Baydhaba oo aan la ogeyn hadii lagu xiray iyo hadii laga dhoofiyay.
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

Re: Culumaa'udiin ay Dowlada ka qabqabtay Buur Habaka

Post by eyes-only »

waxaas maa dowlad ah?

they trade in the sale of human beings to the torture chambers.

Unacceptable....

just the thought of all those missing people including minors being tortured in Ethiopian secret torture cells makes my blood boil.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Culumaa'udiin ay Dowlada ka qabqabtay Buur Habaka

Post by Xamud. »

Allah maxaa dad balaayo shaqeysanayo! war dadku akhiro maa illawen?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”