Ardayda wax ka dhigata Jaaamacad Burco ee gobolka togdheer ayaa maanta markii u horaysay hadyad sagootisa ku qaabishay macalimiin ajaaniba oo xiligan wax ka dhigta jaamacadooda.
Munaasibad loog talo galay sagootiska Macalamiintan oo u dhalatay wadanka Soodaan laguna qabtay Hotel City Plaza Burco ayna ka qaybgaleen ardayda jaamacada, gaar ahaana qaybta Maamulka iyo ganacsiga iyo macalimiintan ayaa waxa lagu godon siiyey qalab kala gedisan oo ka kooban agabka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliland, kaasi oo loo qoondeeyey inay macalimiintaasi ay ula safraan wadankooda.
Diiriye Sugaal Rooble oo u hadlayey ardaydan jaamacada ee qalabkan gudoonsiinaysay ayaa waxa uu sheegay in umada soomaalinad iyo kuwa dhigooda suudaan ay wax badan ka wadaagaan nolosha iyo dhaqankaba, isla markaana ay soo dhaweynayaan inay arday ahaan wax ka bartaan macalimiinta soodaan iyo kuwa kale ee wadamada Afrika iyo Carabtaba.
Afhayeenkan ardaydu waxa kale oo uu sheegay in hadyadan oo ka kooban qalabka hoyga ee dhaqanka, cuntada, Xoolaha iyo xaragadaba uu ka turjumayo in bulshadu ku faanto dhaqankeeda, isla markaana ay bulshada kale ee dhigeeda ahi wax ka ogaato sida uu u dhigan yahay†waxaanu ku faanaa dhaqankayagu inuu ku haboon yahay hadyadaha qaaliga ah, waxaanu rajaynaybnaa inaad nala hubisaan ayuu yidhiâ€
Prof. Shariif Maxbuub oo ka mid ahaa macalimiinya la gudoonsiiyey hadyadan dhaqanka ayaa waxa uu cadeeyey inay talaabadani uga dhigan tahay mid xusuusinaysa niyada uu u hayn doona Soomaaliand iyo sawirka aan ka qaatay bulshada Burco oo ah mid furfurn “ ma iloobayo inaan laq macaamilay bulsho leh ixtiraam iyo qadarin oo aan dhexdooda qariib marnaba ku noqon ayuu yidhiâ€
Prof. Shariif waxa kale oo uu balanqaaday inuu ardayda soomaaliland uu la garab istaagi doono inmuu ka gacan siiyo aqoon waxa uu ku dhaamo haday tahay khibrad iyo haday tahay wax barashoba wadanka guda hiisa iyo dibadiisaba.
Dhinaca kalena macalimiintan Soodaanta waxay ka mid tahay raxan macalimiina oo sanadkan gudahiisa wax barasho ka waday jaamacada magaalada Burco ,kadib markii ay maamulka jaamacadu wadahalo kula soo galeen qaar ka mida jaamcadaha wadanka Soodaan.
Reported By Yuusuf I.Warsame, Ilkacase
Burco
Ardayda Jaamacada Burco oo Hadyad Dhaqan Gudoonsiisay.....
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 1276 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 3 Replies
- 1784 Views
-
Last post by gemini_snake
-
- 11 Replies
- 3239 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 6 Replies
- 643 Views
-
Last post by Samatr
-
- 3 Replies
- 1396 Views
-
Last post by AYUUB Isaaq
-
- 1 Replies
- 525 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 9515 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 4 Replies
- 556 Views
-
Last post by talyaaniman
-
- 43 Replies
- 4594 Views
-
Last post by jalaaludin5
-
- 3 Replies
- 1781 Views
-
Last post by TheblueNwhite