Wafdigii Dowladda iyo Saraakiisha Beesha Mareexaan oo maanta

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Wafdigii Dowladda iyo Saraakiisha Beesha Mareexaan oo maanta

Post by Hiiraan boy »

Wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Beesha Mareexaan oo maanta wadahadalo uga furmaya Magaalada Kismaayo
Iyadoo xalay wada hadalo hoose dhex maray Wafdigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamud Guuleed (Gacama Dheere) ayna ka mid ahaayeen xubno labada gole ka tirsan iyo Maamulka Magaalada Kismaayo iyo xubno hordhac ah oo ka socday beesha Mareexaan ayaa saaka lagu wadaa in xubnaha Wafdiga wada hadalo la furtaan Saraakiisha iyo waxgaradka Beesha Mareexaan.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Wafdiga Dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay xaliyaan khilaafka gacan ka hadalka ee dhawaan dhex maray ciidamadii uu watay Taliyaha Guutada koowaad Dowladda Soomaaliya C/risaaq Afgaduud iyo Ciidamo ka soo jeeday Beesha Mareexaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa horyaala caqabado fara badan oo dadka degaanka ka sheegteen Afgaduud iyo Ciidamada uu wato, sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa la hordhigay xalay warbixin ku saabsan heerka ay kala gaarsiisan yihiin Maamulka Kismaayo iyo Afgaduud oo ah Sarkaal aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf.

Ciidamadii uu watay C/risaaq Afgaduud ayaa Magaalada Kismaayo xoog loogu soo saaray kadib dagaal ay isaga hor yimaadeen Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Mareexaan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”