hooyo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
eyes-only
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5652
Joined: Sun Apr 30, 2006 2:30 pm
Location: ** Xamar-Caddey**

hooyo

Post by eyes-only »

Mudaan uurka hurudnoo

Culays bay haaynjirtoo

Xanuun bay la hingatee

Hooyadu waa lama huraan

Hadii kale waxaan lahaa


Habeen gooruu habsaday

Caanihii bay nagu habtoo

Horaadkay noodhigtoo

Dharkii bay na huwisaye

hooyadu waa lama huraan


calooshaadoon hif oran

adiga oon ka hanqa bixin

hunguri ma haweysatee

hooyadu waa lama huraan


hadaaq gooraad tahayoo

talaabta aan la holikarin

adoon ciidii hanbaday

dhaqsaba waa ku hinjisaye

hooyadu waa lama huraan


afka aan ku hadalniyo

hanaankee niyo hubqaad

hagaag bay noo bartaye

hooyadu waa lama huraan


anagoonhaybad qabin

halbeesa suubsankarin

habaaskay naga huftoo

waatii noo hiilisaye

hooyadu waa lama huraan


sidaanu halis ugalin

hunguriga ay suubisaa

dhaqsaba hoo nama dhahdee

intii ay ka hubsataa

iyada ayaa ku hormartee

hooyadu waa lama huraan


reerku haduu yahay hayaan

hayinka aan saaranahay

hogaankay haysatoo

hoosbay kaala hadashoo

intii aadka hurudaa

waa kuu heestaa hadane

hooyadu waalama huraan


cilmiga shiiq ku hormariyo

nin hamaan iyo hanad

iyadaa soo hanjirtaye

hooyadu waa lama huraan


hadii loobaahdo hiil

geesiga loo habar wacdiyo

fulayga aan haadka hubin

iyadaa soo hayn jirtee

hooyadu waa lama huraan


deeqsi aad soo haybsatiyo

hamuuntii kaa ba shiyo

baqaylka aan kula hadlayn

iyadaa soo hayn jirtaye

hooyadu waa lama huraan


aabuhu waa hawsha guud

iyaguna hoosbay hayaan

habayntii guriga iyo

hoygii bay noohuftaye

hooyadu waa lama huraan


geed yara kaahooshay meel

hadii aad haah dhahdaa

hugii bay ka handadoo

iyada oon hagar lahayn

haw waatii soo dhahdee

hooyadu waa lama huraan


odaygu waa haajiraa

hawuu meel ugu kacaa

haduusan mowdku helin

hortaaday taagan tahee

hooyadu waa lama huraan


habeenkaad soo dhaxdaa

hurdada aad uma heshoo

qalbiga waa ka hamidoo

hilow bay kuu qabtaye

hooyadu waa lama huraan


horey adigoon ahayn

dadkiibay u hanjabtoo

halyeey baykaa dhigtoo

amaan bayku huwisoo

hooyadu waa lama huraan


abaarta hawaarsatiyo

haraad meel loogu go ay

hay haato dhaankuna yahay

cirkuna haawanahayaa

halihii ay soo heshaa

haday hoo inadhahdaa

anaga oon soo hanbayn

waatii aan heensanoo

hamuunteedii horiyo

dhib bay la hagoogataye

hooyadu waa lama huraan


sidii awr haama wada

dusheedaan halam sanoo

ha goortaa nama dhahdee

waa noo sii hoorsataye

hooyadu waa lama huraan


marada ay nagu hantiday

hadaan hoos uga dhacnaa

wadnihii bay ka hinqatoo

calooshay ka halcataye

hooyadu waa lama huraan


alaabta hortaada taal

hadaad laad ku hurguftaa

habaar weyn kuma dhahdee

inyar bay ka hifataye

hooyadu waa lama huraan


hilaw laha ay dhashaa

hadii meel laga hayaa

aasuu haaraa habeyn

waatii hoogeysatoo

ilmadu hililiqatee

hooyadu waa lama huraan


hadaan been lagu hadlayn

wadnaha hawdiisiyo

halbowlaha dhiiga wada

hareer baa laga dhigoo

halkay joogaan iyagu

yaaloo soo wada hoyadaye

hooyadu waa lama huraan


hantida aad leedihiyo

wixii aad haabataa

hadii loosiiyo hibo

abaal kooda lama helee

hooyadu waa lama huraan


hadaada haday gashaa

hoga goortii lagu dhigo

wadaadadu kula hadlaan

aabaha looma habar wacee

waxaad tahay ina heblee

hooyadu waa lama huraan


aduunyadu waa haween

halkaa layskuma hayee

nin doonaaba ha hadlee

hooyadu waa lama huraan


aduunyadu waa haween

halkaa layskuma hayee

nin doonaaba ha hadlee

hooyadu waa lama huraan


hirar gaa gaabaniyo

hawada ayaan ka hadlayaa

waxba anigoon hanbayn

hubaashiina aan hayaa

hooyadu waa lama huraan


hanfada ruuxii noqdaa

hawraar kaama hantiyee

waxba anigoon hanbayn

hubaashiina aan hayaa

hooyadu waa lama huraan


hooyo

....
listen to it Carays Ciise, Hooyo lama huran on here http://www.golkhatumo.com/maqal.htm

Very Happy
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”