http://harowo.com/2007/04/28/mweyne-ku- ... inu-axmed/Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wefdigii La Socday Ayaa Booqday Qabriga Sheek Isaxaaq Binu Axmed
Hargeysa (Harowo.com) April 28 -07- Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdiga wasiiradda ah ee uu hogaaminaayo ayaa maanta waxay booqdeen Degmada Maydh iyagoo ku soo duceeyey Qabriga Sheekh Isaxaaq Binu Axmed Oo ilaahay ha u naxariistee halkaasi ku aasan.
Madaxweyne ku xigeenka oo ay safarkiisani ku wehelinayeen Wasiiradda xidhiidhka golayaasha Mudane Cabdi Xasan Buuni, Wasiirka Duulista Cali Maxamed Waran Cadde, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qarranka ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey degmada Maydh dadweynaha ku dhaqan iyo weliba masuuliyiinta deegaankaasi.
M/weyne ku xigeenka Axmed yuusuf yaasiin oo kulan la lahaa odayaasha iyo caaqilada deegaanka Maydh ayaa wuxuu sheegay inay iyagu masuuliyad weyn saarantahay maadama ayuu yidhi ay joogaan dhul barakaysan oo uu ku aasanyahay Sheekh weyn oo ay ku abtirsadaan qoomiyad badani, wuxuu sheegay inay masuuliyadi ka saarantahay xafidaada iyo qaranimada Somaliland oo uu sheegay inay tahay mid la doonaayo inay shacabka reer Maydh uga horeeyaan deegaanada dalka oo dhan.
Mudane Yaasiin M/weyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go'antahay inay gaadho xududaheeda sida ugu dhakhsaha badanleh "xukuumadda somaliland waxaa ka go'an inay gaadhyo xuduudaheeda, Somaliland xuduudeedu maaha Dhahar kumana taallo, waxaa naga go'an in wax kasta ha nagu qaadate aanu xuduudada somaliland soo xidhno" ayuu yidhi Mudane yaasiin.
Wefdiga ayaa waxay ku wareejiyeen shaqaalaha Qudbiga weyn ee Sheekh Isaxaaq ku aasanyahahay xoolo waxaana ay halkaasi ugu duceeyeen maytida ku aasan