Ethiopia to launch future dialogue btw A/Y and Hargeesa.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Gladiator=
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1184
- Joined: Sat Jan 03, 2004 7:00 pm
- Location: Goldogob, Puntland state
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
Re: Ethiopia to launch future dialogue btw A/Y and Hargeesa.
Waxaanu samayn doonaa inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si xal siyaasadeed oo waara loo gaadhoâ€
Hargeysa (Ogaal/S.land-Future)- Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Ethiopia Ato Gebide Haile oo khamiistii todobaadkii hore weraysi dheer siiyey Telefishanka maraykanka ah ee FOXNEWS ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta militery siinaya Maamulka Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf, marka ay ka soo faraxashaan hawl-gallada militery ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran, ay markaasi bilaabi doonaan inay Cabdilaahi Yuusuf laftigiisa keenaan magaalada Hargeysa si uu ula bilaabo Xukuumadda Somaliland wada hadalo siyaasadeed.
Ato Gebide Haile wuxuu sheegay in Dalka Ethiopia uu beesha caalamka ka hellay taageero buuxda oo dhinac siyaasadeed ah in hawl galladdani oo u ku tilmaamay rajo soo celintii Soomaaliya. 16 sannadood ka dibna ay Ethiopia ka go’antahay in Taliska lagu soo dhisay Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku fadhiisiso wuxuu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhammaanba gobolada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay af hayeenku in dhibaato badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dhinaca isfahamka ahi ay soomaalida ku dhex jirtay 16-kii sannadood ee ugu danbeeyey. Islamarkaana ay Ethiopia hadda doonayso inay taasi meesha ka saarto, “Somaliland waxaanu la leenahay xidhiidh wanaagsan oo salka ku haya iskaashi dhinaca ammaanka iyo weliba isku socodka xuduudka. waxaa naga dhexeeya ganacsi badan, waxaanu isticmaalaa Dekedda Berbera, madaxdayada labada dhinacna waxay tagaan labada dhinac ee kale, imikana waxaa dantu ku jirtaa sidii mandaqadda looga ilaalin lahaa argagixisada iyo xasilooni darrada, in wax wallba lagu dhameeyo miiska dushiisa†sidaa ayuu yidhi Ato Gebide Haile afhayeenkaasi.
Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo halka la iskugu imanayo ee wada hadaladaasi lagu qabanayo wuxuu ku jawaabay “Ethiopia waa dal xuduudka ugu dheer Afrikada beri la wadaagta Soomaaliya. waxaa degen Ethiopia 2 malyuun oo soomaali ah, halkaasi waxaa kaaga cad in dadka Ethiopia iyo soomaalida uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, aniguna ku odhan maayo xalka soomaalidu gacantayada ayuu ku jiraa, balse haddii loo baahdo waxaanu samayn doona inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si markaasi xal siyaasadeed oo waara loo gaadho†.
Mar wax laga sii weydiiyey maadaama Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale, in taa Ethiopia la qabto, wuxuu sheegay inaanay Ethiopia Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan balse ay u aqoonsanyahiin gobol degen oo gaadhay xasilooni uu kaga duwanyahay Soomaaliya ineeda kale. Laakiin, ayuu yidhi annagu waxba kama qabno haddii ay Soomaalidu isku af garato madax bannaani ay Somaliland hesho.
Mar wax laga weydiiyey warbixin ay dhawaan soo saartay Haayadda Xuquuqda Aadamaha Ee Amnesty oo ku tilmaantay in Dawladda Ethiopia ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya xad gudubyo ka dhan ah bini’aadminimada iyadoo dad rayid ah ku dishay isla markaana goobo rayidku degenyahay magaalada Muqdisho u adeegsatay hub culus wuxuu ku jawaabay “Ciidamada Ethiopia waxay la dagaalamayaan waa argagixiso caalami ah oo khatar ku ah mandaqadda, waxaan qabaa waxay adeegsanayaan haayadahaasi waa hadalada aan sal iyo raad toona lahayn ee ay ku sheekeyaan argagixisada laftigeedu, ciidamadayadu waa yaqaaniin cidday la dagaalamayaan, goobaha rayidku joogo ciidamadayadu waa ka fogyahiin, markastana waxaanu qaadana tallaabo aanu ku dabar goynayno argagixisada, annagoo ka fogaana goobaha dadka rayidka ah, hawl gallada aanu qaadnay waa kuwo loo fuliyey si taxadar leh iyadoo weliba weeraro habeen iyo maalinba ah ay argagixisadu nagu soo qaado†ayuu yidhi afhayeenku.
waa markii ugu horaysay ee Xukuumadda Ethiopia ay shaaca ka qaado inay doonayso wada hadal siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Embigathi.
Balse, weli wax arrintaasi ku saabsan kama ay soo bixin dhinaca Xukuumadda Somaliland waxaana dhawaan dhex maray Somaliland iyo Maamulka Embigathi kelmado la isku mariyey warbaahinta iyadoo ra’isal wasaaraha dowlada Embigathi Cali Geedi uu sheegay in gudaha Somaliland lagu tababaro wuxuu ku tilmaamay argagixiso xidhiidh la leh kooxaha la dagaalamaya, kuwaasi oo ay tababarka siiso ayuu yidhi Dawladda Eriteria, balse taasi waxaa si weyn u beeniyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ku tilmaamay wax laga yaxyaxo.
Warkan waxa faafiyay oo aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee,Somaliland future Online, islamarkaana waxa qoray Mohamoud maxamed xaashi

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 837 Views
-
Last post by snowflakes821
-
- 5 Replies
- 1007 Views
-
Last post by Waachis
-
- 8 Replies
- 2643 Views
-
Last post by Adali
-
- 3 Replies
- 3266 Views
-
Last post by AwRastaale
-
- 6 Replies
- 650 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 119 Replies
- 7915 Views
-
Last post by mahoka
-
- 16 Replies
- 2281 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 18 Replies
- 1645 Views
-
Last post by Canuck2