Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Sirdoonka Mareykanka iyo Hogaanka sare ee Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxey ku howlan yihiin qorshayaal ay ku doonayaan iney ku abaal mariyaan Madaxdii Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada isla markaasna xilal loogu magacaabo Dowlada Argoosiga ee Imbagathi, kadib markii uu dhamaaday dagaalkii Muqdisho.. Dhowaan ayaa xilal loo kala magacaabay Col.Cabdi Xasan Cawaale –Qeydiid- taliyaha Ciidamada Boliiska, halka Maxamed Dheere isna loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyadoo asxaatodii kale la sheegayo iney ka war sugayaan bal xilalka lagu abaal marin doono. Wararka ayaa sheegaya in dawladda Ethiopia ay doonayso in aysan awooda gacanta u wada gelin Col.C/laahi Yuusuf iyo Cali Geedi, iyadoo la xaqiijiyey in magacaabista Maxamad Dheere ay ka dambaysay dawlada Ethiopia oo cadaadis ku saartay in la bedelo maamulkii hore, qorshaha lagu magacaabayo hogaamiye kooxeedkii Muqdisho ayaa ah mid lagu abaalmaraniyo kaalintii ay kasoo qaateen welina ku leeyihiin burburka Soomaaliya. Col.C/laahi Yuusuf oo isagu ah dagaale ooge hormuudna u ah kooxdaan ayaan waxba ka qaban karin arrinka, iyadoo lagu wargeliyey in ay lagama maarmaan tahay in ragan xilal loo magacaabo, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr. Maxamed Qanyare lagu wado inuu noqdo Wasiirka Gudaha ama Amaanka, halka Mr.Muuse Suudi xilkiisii hore loo celin doono, Bootaan Ciise iyo Cumar Filish, ayaan ci acd loo heynin xilalka loo balan qaaday, halka Cabdi Shukri Cali, iyo Cabdirashiid Shire ilqeyte, Isku heystaan Xilka Xuseen Ceydiid, Wararka ayaa sheegaya in Mr. Cabdi Waal la hadal hayo xilal kala duwan oo ay ka mid tahay Danjire iyo Madaxa Hey’ada la dagaalanka argagixisada, Ciise Cusmaan iyo Cabdulqaadir Beebe ayaa xilal aan la cayimin loo balan qaaday, Dowladaan ayaa la filayaa iney dhibaatada ka saarto Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Muqdisho.