Abaabul Colaadeed Oo Kismaayo Ka Taagan...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Abaabul Colaadeed Oo Kismaayo Ka Taagan...

Post by Hiiraan boy »

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in daruuro colaadeed ay dul hoganeyso magaalada Kismaayo, kadib markii dadaaladii ay wadeen wafdigii Dowlada Argoosiga ee Imbagathi ee uu hor kacayey Maxamed Maxamud Guuleed Gacmadheere ay soo food saaratay xaalad adag oo u horseedi karta fashil, kadib markii dhinac ka mid ah uu ku gacan seyray waan wantii dib loogu soo celinayay magaalada...

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Maleeshiyaadka Puntland ee ku sugan duleedka magaalada gaar ahaan degaanka buulo gaduud oo 38-km u jirta magaalada ay markii hore oggolaadeen iney dib ugu soo noqdaan kadib markii ay wafdigii gaareen magaalada ayeey u sheegeen iney ka baxeen heshiiskii hore ay ula galeen, waxeyna ku adkeysteen ineysan magaaladu laba maamul yeelan karin koodana uu sharci yahay, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gurmad ka soo bgaaray magaalada Muqdisho iyo degaanada ku xeeran koonfurta magaalada Kismaayo gaar ahaan Afmadow iyo Xagar, waxeyna ku jiraan abaabul iyo diyaagarow sidii ay dib u rogaal celin lahaayeen magaalada, sidoo kale waxaa la sheegay in maleeshiyaadka magaalada gacanta ku haya iyagana ay u habar wacdeen maleeshiyaad kale oo ku sugan magaalooyinka baardheere, Ceel waaq iyo Garbaharey kuwaasoo dhowaan ku soo fool leh magaalada Kismaayo, Lama hayo ilaa iyo hadda go,aan rasmi ah oo ka soo baxay wafdigaan hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in mas'uulyiinta Dowlada argoosiga iyo Saraakiisha Ethiopia ay isku khilaafsaan yihiin xaalada Kismaayo oo saraakiisha ay u arkaan beelo dagaalmay una baahan in dib u heshiisiinta la dhex dhigo halka Col.C/laahi Yuusuf uu qabo in la adeegsado awood Ciidamada Ethiopia si loo xaliyo khilaafka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”