Faisal Waraabe oo ku gacan sayray hadal ay Ethiopia
Posted: Wed May 02, 2007 3:58 am
Xisbiyadda Mucaaradka ee Maamulka Somaliland oo ku gacan sayray hadal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Ethiopia ka soo yeeray
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 2/05/07
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Maamulka Somaliland, Engineer Faysal Cali Waraabe, ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalkii uu Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Ethiopia, Gebide Haile, ku sheegay inay Dowladiisa qabanqaabinayso Socdaal uu Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ku tegi doono Caaimadda Maamulka Somaliland ee Hargeysa.
Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey ITSW, ayaa tilmaamay inay arrintaasi tahay mid aan waxba ka jirin, waxa uu sheegay inaysan jirin Tallaabo Diplomaasi oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u sahli karta inuu ku yimaado Magaalladda Hargeysa, maadaama uusan jirin Cilaaqaad kala dhexeeya Maamulka Somaliland
Mar wax laga weydiiyey inay suurtogal tahay Socdaalka la sheegayo inuu Madaxweynaha DFKMGS ku tegi doono Magaalladda Hargeysa, waxa uu Eng. Faysal Cali Waraabe sheegay inaysan taasi Mustaxiil ahayn, balse uu ku imaan karo haddii uu isku dayo inuu xoog ku maquuniyo Reer Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Maamulka Somaliland, Engineer Faysal Cali Waraabe, waxa kaloo uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay inay Dowladda Federalka ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inay la heshiiyaan Beelaha Soomaalida ee ku nool Koonfurta Somalia, isla markaana ay wax ka qabtaan Xasaradaha iyo Fowdada ka jirta inta badan Goballadda Koonfurta, waa sida uu hadalka u yiri.
Hadalka Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu ku soo beegmay hal maalin kadib, markii uu Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia, Gebide Haile ku sheegay ,Wareysi dheeroo uu siiyey Telefishanka Maraykanka ee FOX NEWS inay Dowladiisa bilaabi doonto Dhaqdhaqaaq Diplomaasiyadeed oo horseedi kara sidii wadahadalo Siyaasadeed ay u yeelan lahaayeen Maamulka Dowladda KMG ee Somalia iyo Maamulka Somaliland.
Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Col. C/laahi Yuusuf iyo halka ay ku wada hadli doonaan, waxa u usheegay inay Ethiopia xuduudka ugu dheer la leedahay dalka Somalia, isla markaana ay Dowladiisu kaalin muhiim ah ka qaadan karto Deganaanshaha Guud ee Somalia, isla markaana ku hawlan yihiin sidii ay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Riyaale Kahin isugu keeni lahaayeen Magaalladda Hargeysa, si xal siyaasadeed oo waara. Loogu helo Arrimaha dalka Somalia
Dhinaca kale, ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay DFKMGS iyo Maamulka Somaliland oo ay ku xaqiijinayaan ama ku beeninayaan Hadalka lagu sheegay inay socdaan Dhaqdhaqaaqyo lagu odonayo inuu Madaxweynaha DFKMGS uu dhawaan socdaal ku tago Magaalladda Hargeysa, si uu ula kulmo Madaxda Maamulkaasi, oo iyagu sheegta inay ka go'een Goballadda kale ee Dalka Somalia.
Somaliweyn Media Center/SMC