




Wallhi she is a "G." Xawo Ugaas, is the Ugas of SADE's sister, she is the one who started all those banaanbaxs and riots, and the ICU gave her a note saying she has to leave the city immediately. WALLHI THIS WOMEN IS TOUGH!
http://www.allgedo.com/jubba/xaawo%20ugaas%20faarax.jpg
That is her making a speech in KISMAYO.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Kismaayo:-(KP)-Warbixin Sir ah yaa diidan Nidaamka Dowladnimo ee Kismaayo maxaad ka taqaan dadka diidan magacyadooda(02-05-2007)
Warbxin Sir ah ayaa waxaa ay heshay Shabakada Wararka ee Kismaayopost.com xafiiskeeda magaalada kismaayo waxaana warbixtaasi ku cad dad badan oo diidan in nidaamka Dowladnimo lagu soo celiyo Kismaayo.
23kii Bishii hore ee April ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen saldhigayada DFKMG ah ee magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose iyadoo ay ku dhinteen magaalada dad toboneeyo.
Dagaalkaasi waxaa loo adeegsaday qaar ka tirsan ciidanka oo gadooday iyo waliba shirkadaha magaalada kismaayo, laga soo bilaabo markaasi ayaa waxaa la dareemayay in magaalada aan lala doonayn in nidaamka dowladnimo lagu soo cleiyo iyo waliba kan maamul ahaanba
Hadaba Yaa diidan maxaa ka taqaan ragaasi diidan ?
C/naasir Faarax Taano
Daahir Faarax Carabay
Yaasiin Indho-taag
XAAWO UGAAS
Xasan Dheere
Deeq Caabi
Cabdi warsame Gurux
Ibraahim Jiif Dheere
Ibraahim Dhag Feer iyo kuwo kale oo aanan magacyadooda aanan helin
Maxay tahay sababta loo diidan yahay.?
Laga soo bilaabo 1999 markii magaalada Kismaayo ay qabsadeen magaalada kismaayo ayaa waxaa nidaamka magaalada si gaar ah uga arimanayay raga aan kor ku soo xusnay intooda badan iyo kuwa kale waxayna go'aan ku gaareen in magaalada ay gacantooda marna ka bixin xitaa hadii dowlad la dhismo taas oo ka danbasay khayrkaadka magaalada kismaayo ee badan sida Dakada magaalada oo dhaqaale fara badan ka soo galay iyo waliba Gagida diyaaradaha, iyo waliba jarida geedaha waa wayn ee laga dhigayo dhuxusha.
Maxaa xal loogu heli karaa dhibkaas aan soo sheegnay?
Inta badan dadka idha idheeya siyaasada ayaa waxay tibaxaayaan in gobolka Jubada Hoose hadii aan arintaan iminka ka taagan xal loo helin ay DFGKMG ah ay isticmaali doonto xoog milatari si magaalada looga saaro ciidamado Beeleedka ka yimid gobolka Gedo, waxaana hadii ay sidaa samayso DFKMG ah xal deg deg ah u helaysaa nidaam la'aanta halka asbuuc sii caga cagaynaysa Magaalada Kismaayo.
Warbixtaan waxaa soo gaarsiiyay Shabkada Kismaayo Post Xafiiskeeda Magaalada Kismaayo Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa aan sheegin
(Xafiiska wararka ee Jubada Hoose Kismaayo Post)