Jaamac Cali Jaamac “Waa nasiib daro in xaruntii wasaarada gaashaandhiga oo aheyd maskaxdii laga hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul babadoâ€
Jaamac Cali Jaamac oo ka mid ahaa xildhibaanadii 31-ka ahaa ee dhowaan ay xilka ka xayuubiyeen xubnaha baarlamanka Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyey iney Fasax la’aan kulamada baarlamanka ka maqnaayeen muddo ka baxsan inta sharcigu qabo, dhowaana isaga iyo 5 kale oo ka mid ah xubnahaasi 31-ka ah kuraastoodii loo dhaariyey xubno lagu bedelay ayaa isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa uu sheegay in sharci ahaan aysan wax dowladda ka jirin Soomaaliya marka la eego marxalada ay maanta ku jirto oo uu xusay iney tahay mid gumeysi ay dalka ku qabsatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay inaaney wax qiimo ah laheyn baarlamaan ku jira gumeysi cida uu xilka ka qaado iyo cida uu u dhiibo intaba, bacdamaa ay marti ka yihiin xukunkii dalkooda oo islaa markaana ay fuliyaan oo kaliya waxyaabaha danta u ah cadowga xoogga ku heysta sida uu yiri.
“Muhimadu maaha maanta in la yiraahdo hebel ayaa xilki laga qaaday hebelna waa loo dhiibay ee waxay tahay in laga hadlo sidii dalka looga xoreyn lahaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalka isu heysta dowlad oo xitaa dadkooda aan ka xishooneyn, iyadoo shacabkooda la xasuuqayana iska qoslaya, kuna sheegaya in shacabka la gumaadayo iyo haweenka iyo caruurta yihiin argagaxiso, waana kuwo aan u qalmin in lagu aamino masiirka shacabka Soomaaliyeed†ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac oo intaa ku daray in loo baahan yahay shacabka soomaaliyeed iney iska dul qaadaan wax uu ku tilmaamay gumeysiga weligiis u ciil qabay ee maanta fursada u helay.
“Waa nasiib daro in xaruntii wasaarada gaashaandhiga oo aheyd maskaxdii laga hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul babado waxay fadhiyaan madaxtooyadii Soomaaliya, waana ruuxa damiir wadaninimo leh uusan u dulqaadan Karin oo shacabka Soomaaliyeed aysan weligood iloobi doonin taariikhdaas madow ee ay u horseedeen kuwa gumeysi kalkaalka ah†ayuu intaa ku daray Jaamac Cali Jaamac oo sidoo kale mar ahaan jiray madaxweyihii maamulka Puntland oo ay soo doorteen shacabka halkaasi ku dhaqan inkastoo markii dambe xoog looga fara maroojiyey.
C/shakuur Cilmi Xasan
abdishakuurelmi@hotmail.com
hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul ba
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: hagi jiray dagaalkii 77 uu maanta calanka Itoobiya ka dul ba
I hope all is well and that what is needed now is to welcome all those that left the city to come back and have a place to settle in, and helped.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 11 Replies
- 650 Views
-
Last post by BoycottStarbucks
-
- 0 Replies
- 328 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 4 Replies
- 404 Views
-
Last post by SLEW_DEM
-
- 13 Replies
- 1608 Views
-
Last post by Voltage
-
- 0 Replies
- 1525 Views
-
Last post by Gnesta
-
- 0 Replies
- 920 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 36 Replies
- 4288 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 41 Replies
- 3144 Views
-
Last post by BlackRain