Ururka Islaamka Adduunka oo ku eedeeyey Itobia iney Xasuuq k

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Ururka Islaamka Adduunka oo ku eedeeyey Itobia iney Xasuuq k

Post by Hiiraan boy »

Ururka Islaamka Adduunka oo ku eedeeyey Itobia iney Xasuuq ka geysatey Muqdisho.
New flashWaxaa soo badanaya ururrada caalamiga ah oo ka soo jawaabaya cabashooyinkii isdaba-joogga ahaa ee ay odayaasha beelaha Hawiye u kala direen caalamka si wax looga qabto xasuuqa iyo barakicinta ay Ciidamada Itobia iyo daba-dhilifkoodu u geysteen shacabka reer Muqdisho kadib dagaallo xaq-darro ah oo ciidamada Itobia ku soo qaadeen Magaalada caasimadda soomalia ee Muqdisho iyo meelo badan oo dalka ka mid ah.

Urur weynaha Islaamka caalamka ayaa soo saaray bayaan ay ku xuseen in ay dhab tahay in ciidamada Itobia iyo kuwa dabodhilifka u ah ay Muqdisho ka geysteen xasuuq iyo barakac baahsan kadib markii ciidamada Itoobia ay u isticmaaleen hub cul-culus in ay ku garaaceen xaafado badan oo ka mida Magaalada muqdisho oo ay degganaayeen dad rayid ah oon waxba galabsan kuna dileen shacab aad u fara-badan oo kor u dhaafay kun ruux, halka dhaawacuna caga-cageeyey ilaa 4 kun.

Waxaa kaloo bayaankaas uu xusay in ay ku barakeceen in ka badan 350 kun oo qoys oo ah saddex maalood meel dadkii ku noolaa Muqdisho waxayna ururka Islaamku ugu baaqeen Itobia in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Somalia si deg-deg ah oo shuruud la,aan ah, waxaa kaloo ururka islaamku intaa ku daray in ciidama Itobiya ay dalka somalia ku joogaan sharci-darro,xukuumadda Embegathina u yeerista ay u yeeratay Ciidanka shacabkii islaamka gumaadaya mid aan waafaqsaneyn Islaamka,waxaa kaloo ay ugu baaqeen ururada kale ee caalamiga ah in ay qaadaan mid la mid ah tallabadaan ay qaadeen waa haddii ay yihiin ururka islaamka.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo hore ururka reer urub ee (EU) u soo saaray bayaan uu ururkaasi ku sheegay in waxa Muqdisho ka dhacay loo nisbeyn karo Dembiyo dagaal (WAR CRIME). Ururada xuquuqul insaanka ayaa iyaguna ku soo oogey ciidamada Itoobia iyo camiishoodaba in ay geysteen dembiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

Dalkanews.com Muqdisho.
abwaan1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 375
Joined: Sun Feb 04, 2007 12:10 am

Re: Ururka Islaamka Adduunka oo ku eedeeyey Itobia iney Xasuuq k

Post by abwaan1 »

Where the F*** were they for the past 16 years, when Somalia was suffering. Now the end is near with the help of Ethiopia they remembered that we exist. I said go to hell you stupid bastards. Mind you own Sh**.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”