Gacmo-dheere wafdigii uu hogaaminayay oo maanta Muqdisho ku

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Gacmo-dheere wafdigii uu hogaaminayay oo maanta Muqdisho ku

Post by Hiiraan boy »

Thu. May 03, 2007 09:07 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. - Qof u dir warkan

(SomaliNet) Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in ay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan wafdigii dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed dhowaan ay u dirtay magaalada Kismaayo.

Wararka waxa ay leeyihiin wafdiga oo ka soo ambabaxaya Kismaayo waxaa ka mid ah Taliyaha guutada 1-aad ee Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Afguduud, iyadoo horayna loo sheegay inuu warfidiga ka mid noqon.

Sababaha C/risaaq Afguduud uu u imaanayo Muqdisho ayaan wax war cad ah laga bixin, waxaase wararku sheegayaan inay tahay isagoo wadahadallo la yeelanaya Wasiirka Gaanshaandhigga iyo Wasiir ku xigeenkiisa, waxayna ka wada hadli doonaan xaaladda ammaanka ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa marka uu soo gaaro Muqdisho wuxuu golaha wasiirrada ka siin doonaa warbixin xaalada Kismaayo iyo waanwaantii ay halkaas u gaareen, iyadoo horayna ay u sheegeen xubnaha wasiirrada ah inay guul ka gaareen waanwaantii ay ka wadeen Kismaayo.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”