Ciidamada dowladda federaalka oo rasaas dhimasho iyo dhaawac
Posted: Thu May 03, 2007 9:00 am
Ciidamada dowladda federaalka oo rasaas dhimasho iyo dhaawac keentay ku furay dad ku soo xoomay goob ciidamada Ugandha ay ku qarxiyeen Miino oo ku aasneyd isgoyska Km-4
Ilaa 1 qof ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan isgoyska Km-4 ee magaalada Muqdisho ay rasaas ooda kaga qaadeen dadweyne ku soo xoomay goob ay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ku qarxiyeen miino halkaasi ku ku jirtay oo lagu soo war geliyey.
Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah qofka dhintay ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo la garan waayey, halka qofka dhaawacmayna uu ahaa nin oday ah oo loola cararay isbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo lagu dawewynayo imika.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo ku saabsan dhacdadaasi mana jiraan warar sheegaya in la qabtay oo la xiray askarigii falkaasi geystay iyo in kale.