Page 1 of 1

Fashil Ku Yimid 36 Dii Saacadood Ay Dowladda U Qabatey In Ga

Posted: Thu May 03, 2007 9:29 am
by Hiiraan boy
Fashil Ku Yimid 36 Dii Saacadood Ay Dowladda U Qabatey In Ganacsatada Banaadir Hubkooda Dowladda Ku Wareejiyaan.
Posted to the Web May 03, 15:57

Iyadoo Maalmo iyo saacadoba ka soo waregatey Markii uu 36 saacadood u qabtey Taliyaha ciidanka Booliska Somaliyed Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid in hubka ay ganacsatada soo wareejiyaan, ayaa waxaa illaa iyo hadda Muuqda tiro yar oo hubkooda wareejiyey.


Marka loo eego cadadda ganacsatada iyo shirkadaha ganacaasi ee G/ka Banaair ku yaalla iyo hubka illaa iyo hadda dowladda gacantooda galley ayaa ah mid aad u kala yar.

4 shirkadood oo ka mid ah shirkadaha G/ka Banaadir ku yaalla ayaa maant qaar ka tirsan hubkooda ku wareejiyey guddi ay dowladda Somalia u xilsaartey hub arurinta.

Hore ayaa waxaa u jirey shirkado sheegey in ay is diiwaan galiyeen oo ay doonayaan in ay hubkooda ku wareejiyaan dowaldda Somalia in kastoo wali aaney muqan hub awood badan leh oo dowladda Somalia ganacteeda galley.

soomaalinews.com warka@soomaalinews.com