hadhwanaag 2007-05-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Urur loogu magac daray Madaxweynihii kowaad ee Somaliland Marxuum C/raxmaan Axmed Cali ayaa maanta lagaga dhawaaqay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadii loo sameeyey ku dhawaaqida Ururka [C/raxmaan Axmed Cali Foundation] ayaa waxa ka soo qeybgalay, Gudoomiyaha Golaha wakiilada, Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi [C/raxmaan Cirro], Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Marwo Faadumo Suudi Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’adaha dawliga iyo kuwa gaark ah, Xildhibaano, Abwaano Culimo udiin iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md, C/raxmaan Maxamed C/laahi [C/raxmaan Cirro] oo halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu sheegay In Madaxweynihii kowaad ee Somaliland Marxuum C/raxmaan Axmed Cali [C/raxmaan Tuur] lagu xasuusan doono inuu [yahay] Madaxweynihii u horreeyey ee Jamhuuriyada Somaliland oo xor aa ka noqdo madaxweyne iyo sidii uu xilka [Madaxweynanimada] uu u wareejiyey.
“ C/raxmaan Axmed Cali waxa lagu xasuusan doonaa inuu yahay ninkii maamulka dalkan [Somaliland] iyo Soomaaliya dhismaheeda wax ku lahaa, waxaanu ahaa Guddoomiyihii SNM ee u danbeeyey dalkanna xoreeyeyâ€, ayuu yidhi Cirro.
Waxaanu Gudoomiyaha Golaha wakiiladu u soo jeediyey inay u duceeyaan Madaxweynihii kowaad ee Somaliland Marxuum C/raxmaan Axmed Cali [C/raxaam Tuur] iyo Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay Madaxweynihii ugu horeeyey C/raxmaan Tuur la siin fursad uu [dalka]wax ugu qabto. Waxana uu yidhi, “C/raxmaan Axmed Cali waxa uu qaban la haaba wakhti lama siin, dhibaatadiina waatan ilaa imika ina haysataa.â€
Gudd. Faysal, isaga oo hadlkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Hadaanu Marxuum Cigaal joogeena Axdi [Chater] qudha wallaahi inaynaan sameysneen, hadaynu nidhaahno hebel ma soconayo ogow adiguna ma soconaysid.â€
Md. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inaanay labadii madaxweyne ee u horreeyey inagaga dhiman farxad “laba ninba [C/raxmaan Tuur iyo Maxamed [Cigal] ma soconayaan ayey horta inagaga tageen ha moodina inay farxad qabriga inagaga tageen, laakin inshaa alaahu ilaahay qabriga uu u nuurindoonaa.â€, ayuu hadalkiisii ku sii daray.
Isagoo ka hadlaya dhibka Somaliya ka taagan iyo saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo ayaa waxa uu Gudd. Faysal werwer ka muujiyey inuu qabqable C/laahi Yuusuf ku soo socdo Somaliland. loona baahan yahay inaynu ka gaashaamano. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Nin cadowgeena oo inagu taamayaa ayaa xamar qabsaday. C/laahi Yuusuf waxa doonaayaa inuu Somaliland baabiiyo, waxa uu ku taamayey inuu Xamar burburiyo oo uu qabsado, waanu burburiyey oo uu qabsaday inaga [Somaliland] ayuu inagu soo socdaaâ€
Gud. Faysal oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Haddii aynaan inagu wixii khilaafkeena ah aynaan hoos isugu sheegin oo hoos u wada hadlin oo aynu isku buuqno fursad ayeynu siinayna cadowgeena oo dhabarka ayuu inagaga dhufanayaaâ€
Waxa uu Gud. Faysal sheegay in dhibka ka dhex aloosan labada Gole iyo Xukuumadda agu dhameyn karo wada tashi, isagoo yidhi, “Khilaafka ina dhexyaala waxa lagu dhameyn karaa wada hadal, waxa loo bahan yahay inay sadexduba [Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, Madaxweynuhu] inay la yimaadaan xilkasnimoâ€
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan, Gudoomiyaha Dib u Dhiska Biriijka labaad ee Somaliland Aadan Baradho iyo Gudoomiyaha Ururka C/raxmaan Axmed Cali Foundation C/xakiin C/laahi Cilmi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhamaantoodba ka warameen kaalintii uu ku lahaa marxuumku halganka dib u xoreynta dalka iyo xilalkii uu soo qabtay.
Hayad cusub ee Madaxweyne C/raxman M. Cali (tuur) ayaan weli la shaacin sida uu wax qabadkeedu noqon doono ama halka ay abbaari doonto.
Weriye, Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) Foundation
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 45 Replies
- 7487 Views
-
Last post by Samatr
-
- 2 Replies
- 4679 Views
-
Last post by SSSM
-
- 13 Replies
- 1817 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 606 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 12 Replies
- 105 Views
-
Last post by Ahmed-UK
-
- 2 Replies
- 764 Views
-
Last post by DamallaXagare
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by Meheri Man
-
- 1 Replies
- 566 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 4 Replies
- 894 Views
-
Last post by siren