50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
xaseey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 694
Joined: Sun Dec 14, 2003 7:00 pm

50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by xaseey »

[b]sheekadan waxaa qoray joornaal kasoo baxa xamar oo la yiraahdo AAYAHA-NOLOSHA oo ka hadla arimaha jaceelka[/b]

Xasan Xuseen Maxamed (shab-shaab) waa Oday 50 jir ah oo weligiis aan guursan, haatanna sheegay inuusan rajo ka qabin inuu guursado.

Haddaba Xasan Shab-shaab wuxuu faalo dheer oo ku saabsan sababta uu u guursan waayay una diiday inuu inta cimrigiisa ka dhiman uu guursado siiyey wargeyska Aayaha Nolosha ee ka faalooda arrimaha Qoyska iyo is-Jacaylka ee ka soo baxa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka sheekeynayaa sababta keentay inuu guurka ka caago, haatanna uusan u dooneynin inuu guursado, wuxuuna warbixintiisa oo ay ku jiraan Gabay iyo Hees uu ka sameeyay ku bilaabay sidatan:-

“Xilli da'deydu ahayd 19-sano jir ayaa gabar aanu Iskuul isla dhiganaynay jacayl wadaag noqonay, gabadhaas oo run ahaantii ilaa iyo hadda aan ka aaminsanahay in gabar ku dabeecad ah aysan Soomaaliya joogin, xitaa kuma dambaabayo sida ay ila tahay haddii aan iraahdo dunidaba lagama helayo gabar ku ayni ah.

Gabadhaas waxaa ina dhex maray jacayl dhab ah, oo daacadnimo ku salaysan, weligey erey xumaan ah igagama imaan afkeeda, anna sidoo kale erey xumaan ah kumaan oran oo maba aysan iga istaahilin. Gabadhaas la'aanteed ma ahaan karin, saacad iska daaye ilbiriqsi inaan moogaadana ma kari karin oo mar walba oo iyada la arko anna waa la I arkayay, haddii aniga la I arkana iyada ayaa la arkayay.

Dhalinta iyo asxaabta Iskuulka aan wada dhiganaynay, deriska iyo asxaabta nawada taqaana waxay inoo bixiyeen (Cilmi Boodhari iyo Hodan) run ahaantiina waan u dhignayn in tusaale nalooga dhigo Boodhari iyo Hodan, inkastoo Boodhari iyo gabadha Hodan aan uga duwanayn in hal dhinac kaliya uu jacaylku hayay kaasoo ahaa Cilmi Boodhari oo Hodan aan u ogeyn jacaylkiisa, laakiin aniga iyo gabadhaas oo magaceedu ahaa Basro Cumar jacayl talantaali ah oo isu dhigma ayaa naga dhexeeyay.

Muddo 13 sano ayaanu gabadhaas xiriir lahayn, ha dhicin, ha jebin, maxaa kuu roon, maxaa kuu qaraar ayay ahayd halkudhigyadee-na aanu caanka ku ahayn, qofna qofka kale kama sir qarsan jirin, go'aankeenuna wuxuu ahaa guur, inuusan midkeen midka kale ballanta uga bixin, jacaylkana ku cidleyn.

Qadartu waa wax iska qorane, markii la gaaray xilligii aanu aqal geli lahayn ayaa anigu wax hanti ma lahayne waxaan dhaqaale u raadsaday Abtigey oo degan mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, markii aan u sheegay qorshaheyga guur aad buu u soo dhaweeyay oo wuu ku farxay, wuxuuna I soo siiyey dhaqaale buuran oo aroos iyo wax kasta aan ku fushan karo.

Anigoo faraxsan oo ku haminaya inaan la aqal geli doono Gacalisadaydii aan muddada 13-ka sano jacaylka isla soo jileynay ayaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, qofkii iigu horreeyay oo aan arko oo ahaa qof aniga iyo Gacalisaday Basro isku kaaya yaqaanay ayaa arrin aan ka naxay oo utun igu noqotay ii sheegay, arrintaasoo ahayd in waqtul xaadirkaa loo fadhiyo arooskii Basra oo aabaheed uu Nin ku daray.

Mar qura ayaa dhidid waaweyn buuxiyey jirkeygii, hadalkii ayaan kari waayay, lugihii aan ku taagnaa ayaa awooddii gabay oo xamili waayay taagnidii, indhihii ayaa nuurkii daqiiqad daqiiqad uga sii libdhay, anigoo maqane jooge ah oo qofkii warkaas dhiilada leh ii sheegay uu mar hore iga dhaqaajiyey ayaan si aayar ah anigoo miyir doorsoon bartii ka soo dhaqaaqay, waxaan soo tiigsaday hoygii Basra ay ku noolayd si aan u hubsado warka la ii sheegay, balse markii aan albaabda guriga ku soo dhawaaday ayaan maqlay alalaas iyo Sawaxan ka baxaya guriga, markaas ayaana iigu dambeysay miir oo waxaan soo baraarugay anigoo Isbitaal ku jira oo dhex jiifa dad bukaan ah oo maryo cad-cad huwan.

Riyo inaan ku jiro ayaan isu maleeyay, indhaha ayaan maraanmartay, waxaana ogaaday xaqiiqda ah inaan Isbitaal dhex jiifo…. Dadkii ila joogay ayaan weydiiyey goorta meeshan la ii keenay.

Xasan Xuseen Maxamed (Shab-Shab) oo ah 50-jir aan weligiis guursan ha inoo sii wado sababta ku kaliftay in uu guursan waayo.

“Dadkii ila joogay ayaan weydiiyey goorta Isbitaalka la i keenay, waxay iiga sheekeeyeen xaaladdii aan ku sugnaa daqiiqado kahor iyo sababta aan u miyir doorsoomay oo ay I xusuusiyeen inay ahayd gabadha la iga guursaday darteed, inyasna ii sheegin ayaaba ii rooneyde mar kale ayaan haddana miyir gadoomay oo aan noqday maahsane aan waxba kala ogeyn.

Muddo 24-saac ah markii aan Isbitaalka ku jiray oo xaaladdeyduna ay aad u cakiran tahay ayaa la I geeyay guriga iyadoo dhakhaatiirtuna ay ku baaqeen in nasiinno aan qaato oo meel aan buuq lahayn la I geeyo, waxayna sidoo kale ku taliyeen inaan marna la igaga sheekeyn gabadha la iga guursaday iyo afaaraheeda si qalbigeygu uusan mar kale ugu dawaqmin iyada darteed.

Abtigeygii aan xoolaha aan ku aqal geli lahaa aan ka soo qaatay ayaa Miyiga ka yimid kadib markii akhbaarteyda iyo xaaladda aan ku suganahay loo sheegay, markii warbixinta xaaladdeyda min bilod iyo dhammaad loo sheegay ayuu ogaaday in gabadhii aan uga soo xoolo qaatay guursigeeda la iga guursaday sababtaasna aan u miyir gaddoomay ayaa aniga ma hadli karin oo nin Juuqdii gabay baan noqday uu u tegay gabadha aabaheed oo uu arrintaa kala soo hadlay, laakiin waxaa loo sheegay in Basro Cumar oo nin ooridii ah aan si kastaba la heli karin, balse si xaaladda wiilka (Waa anigee) loo dejiyo la I siiyo gabar la dhalatay Basro oo da'dii ka yareyd ah.

Abtigey go'aankii iyo qorshihii ay soo qaateen isaga iyo Basro aabaheed ayuu aniga iila yimid, laakiin “Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yiriye” cid aan Basro ahayn inaanan ku qanceynin ayaan u sheegay….. qayaanada ay Basro igu samaysayna aan aakhiro faraqa heysto, maadaama 13-sano oo aanu saaxiibo ahayn ay qayaano iyo inay iga dal doorsato iigu abaal gudday, nabsiguna ma baaqdee aan markeeda sugayo in nabsigu soo gondo xiro.

“Markii aan abtigey u sheegay in aanan ku qancaynin gabar aan Basro ahayn oo aysanba jirin waa sida aan aaminsahay ilaa iyo haddee gabar u dhiganta inay duni guudkeeda saaran tahay ayuu Abtigey iga tagay, xitaa waxaan ka diiday in gabar uu isaga dhalay uu I siinayo, kadibna wuxuu ku laabtay degaankii uu ka yimid, anna xaalkeygu wixii markaas ka dambeeyay inuu ka sii darro mooyee ma soo hagaagaynin, waxaana galay nolol liidata oo daciifnimadu ay hoggaamineyso, walaahowguna wehel u yahay.

“Caku iyo Dumar mar hadday ku legdadaan kaama dul kacaan” Basro darteed ayaan u walaacay oo nolosheydii xitaa u iloobay, waxaana noqday qof qayirmay oo sida dun miiq ah oo kale jirku u tifmay.

Marka ciilku iyo caloolyowgu kaa bato ayaad burqataaye waxaan alifay hees aan ku saluugayo dhaqanka hablaheena iyo waxyaabaha aan sida gaarka ah ugu nacay, waxayna heestaasi u qormeysaa sidatan:-

“Barqin duhur, hablaha baararkaa, bidix u rooraaya, Boorso suuf ka buuxay, xarago bagax ka siiyaane, Bankiyada raggaa soo dhigtiyo, Boqolaal rooraaya, Baysteen ninkii lagu arkay, baasha saaraane, Rabbigey hanaga baajiyee, bello yar weeyaane.


Basrooy gabar bidhaan quruxsan, oo burji kaahiyo, Beri laguma arag, Waa wax aan abid soo bixine, bidhaantaada goortaadan, arkaa beerku wuu I gubane, Boholyowga caashaqu, wadnaha baaluhuu jaraye, inuu Eebahay belo ku badin, Xabiibii abaayo, beerka maad I saarti.


Burco iyo Hargeysiyo, Boorama afkeeda, Baladweyne Baardheere iyo Baydhabo agteeda, booqashada dhulkaa lagu tagaa, bilo ku noolaaye, uma bogin Hablaha, Baararkiyo suuqa wada buuxa, Rabbigey hanaga baajiyee, belo yar weeyaane, bidhaan Dumar waxaan ku nacay Baabkan weeyaane, Boqorkii dhalay iyo reerka wey baal marayaane, Baatir Geel nimaan heysan, oo baagana aan qaadan, oo qiiqa buufinayay, baalka saaraane.

http://www.waagacusub.net/03.05.07.1.htm
User avatar
xaseey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 694
Joined: Sun Dec 14, 2003 7:00 pm

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by xaseey »

waryaada qabiilka iyo qurunkiisa inaad iska dhaaftaan ee topica haloo badalo arimaha jaceelka
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by LiQaaye_TDH »

Kaasi ma waxu aha bila Guz Laughing
User avatar
xaseey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 694
Joined: Sun Dec 14, 2003 7:00 pm

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by xaseey »

loooooool liqaaye ninka dhibka haysto ma ahan xaga guska ee waa xaga jaceelka laga yaabo in uu habeen walba mid cusub qacdhabo........who knows
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by LiQaaye_TDH »

[quote="xaseey"]loooooool liqaaye ninka dhibka haysto ma ahan xaga guska ee waa xaga jaceelka laga yaabo in uu habeen walba mid cusub qacdhabo........who knows[/quote]

Laughing Laughing True say..waxa la yidhi hadaad meelaha iskaga soo raxeeysatid mar kasta Guurka ba wad iska iloweysa...markaas tumashada badani ma fiicna.....
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by HELWAA »

What a sad story Crying or Very sad Crying or Very sad Crying or Very sad
Edna69
Posts: 99
Joined: Mon Apr 30, 2007 12:22 am

Re: 50-JIR AAN WELIGIIS GUURSAN OO KA SHEEKEYNAYA SABABTA UU U G

Post by Edna69 »

ALAAHU AKABAR........ ALKOLISTE DHEH SHEEKO XARIIRTA NAGALA TAG BEEN BADANAA SHEEKO AYAAN RABAA IN AAN QORO MAA ISKA DHAHDID..............
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”