Page 1 of 1

Qarax Ka Dhacay Agagaarka Hotel Ambasador Muqdisho....

Posted: Sat May 05, 2007 4:58 am
by Hiiraan boy
Howlgalkii Xoogaga Kacdoonka ayaa dib uga bilaawday kadib markii abaarihii 10 kii fiidnimo ee xalay ayaa mar qura guud ahaan magaalada Muqdisho laga maqlay qarax aad u xoogan oo ka dhacay inta u dhaxeysa dalcadda Taleex iyo Hotel Ambassador...
Qaraxaan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Mqudisho wixii ka dambeeyay dagaalkii dhex maray Xoogaga Kacdoonka & Ciidamada Ethiopia, waxaana ka soo baxaaya warar is khilaafsan qaabka qaraxaasi, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ahaa miino dhukla lagu aasay halka warar kale ay sheegayaa inuu ahaa bam gacmeed,goobta uu ku qarxay ayaa waxaa gaaray burbur xoogan, iyadoo qofka ku dhaawacmayna uu ahaa maleeshiyaadfka Dowlada Argoosiga ah ee Imbagathi, sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaana durbadiiba goobta isku gadaamay maleeshiyaadka Imbagathi.